10-kii 9 ayaa shaqo la’aan ah dumarka Soomaalida

4

Sidaa waxaa lagu soo bandhigay baaritaan laga sameeyay gobolka Södermanland. Warbixinta oo ay samaysay Laanta afti ururinta (Statistiska centralbyrån) ayaa muujinaysa in dumarka Soomaalida ee ku dhaqan gobolkaasi oo ay madaxda u tahay magaalada Eskilstuna ay shaqo la’aan aad u badan haysato. 10 kii dumar ah ayaa 9 ka mid ah ay shaqo la’aan yihiin.

Sababta ay dumarka Soomaalida aadka ugu liitaan suuqa shaqada ayaa lagu macneeyay heerkooda waxbarashada oo aad u hooseeya. Per Brinkemo oo ah nin wax ka qora arimaha Soomaalida ayaa idaacada SR u sheegay in dumarka Soomaalidu ay ka yimaadeen wadan burburay isla markaana ay xitaa marka Somalia la joogo ay heerkooda waxbarashada ka hooseyso ragga.

Guud ahaan Soomaalida ku nool Sweden ayaa shaqo la’aan haysataa balse xaalada dumarka ayaa ah mid aad u liidata. Hadaba su’aashu waxay tahay ma heerka waxbarahada ayaa dhibaatada ah? Ma suuqa shaqada ayaa cunsuriyad ku haaya Soomaalida? Mise waxaa la dhihi karaa dumarka Soomaalidu waxay shaqadii ka doorteen guri jooga iyo caruur korinta?

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here