12 Gudoomiye degmo oo warqad u qoray dowlada ku saabsan Soomaalida

12 ka mid ah gudoomiyaasha degmooyinka Sweden ayaa warqad u qoray dowlada taasoo ku saabsan Soomaalida cusub ee qoysaskooda lala mideynayo. Gudoomiyaasha ayaa dowlada ka dalbaday in ay soo bandhigto qorshe cad oo ku saabsan sidii dadkaan loo qaabili lahaa. Waxay sheegeen in ay soo dhaweynayaan in la mideeyo reeraha maadaama uusan qofku noolaan karin reerkiisa la’aantiis balse waxay codsadeen in wax laga qabto su’aalaha hoose.

  • Sidee ayay dowladu u taageersaysaa kamuunada qaabilaya Soomaalida badan ee imaanaya. Kamuunada ay ku nool yihiin dad badan oo waxbarashadooda hooseyso?
  • Macquul ma tahay in qof aan waxbarasho lahayn in uu 2 sano gudahood shaqo ku helo?
  • Maxay qorshe ah oo dowladu u haysaa si wax looga qabto arimaha socdaalka ee quseeya wadanka iyo kamuunada?

Iyadoo dowladu ay hada go’aamisay in dadka cusub ee waaweyn ay gali doonaan Arbetsförmedlinen, ayaa kamuunadu waxay cabasho ka qabaan in dadkaasi aysan labo sano gudahood shaqo ku helin karin. waxay ka cabsi qabaan marka ay dhamaato labada sano ee Arbetsförmedlingen in ay dib ugu soo noqon doonaan kamuunka oo cayr ka qaadan doonaan. Kamuunada ayaa sida caadiga ah lacagta cayrta waxay ka bixiyaan jeebkooda.

Gudoomiyaasha ku saxiixan codsiga loo diray dowlada oo lagu soo daabacay wargeyska Dagens Nyheter (DN) ayaa waxay kala yihiin…

Mats Johnsson (m), Alvesta kommun

Jan Bohman (s), Borlänge kommun

Ulf Eriksson (c), Falköpings kommun

Anders Berglöv (s), Flens kommun

Göran Dahlström (s), Katrineholms kommun

Elisabeth Salomonsson (s), Köpings kommun

Anders Ceder (s), Lindesbergs kommun

Maria Strömkvist (s), Ludvika kommun

Bo Zander (s), Nässjö kommun

Paul Åkerlund (s), Trollhättans stad

Bo Frank (m), Växjö kommun

Lena Baastad (s), Örebro kommun

 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

14 Responses

  1. Khadija says:

    Waa sax waa iney dowladdu la timaadaa qorshe dadkaan wax loogu qabanayo. Mana ahan macquul in qof aan horey wax usoo baran uu 2sanno gudahood uu ku helo waxbarasho dhameystiran oo uu ku shaqo tago. Kommunada kistooda qasnada haloogu shubo oo hala afgartaan leeyahay.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 5 Thumb down 0

  2. Hassan says:

    Way ku saxan yihiin waxaana laga yaabaa kamuunada aan hadeer wax war ah ka soo bixin iyaguna in ay ku raacidoonaan waana wax meesha ku jiro.
    Dawlada way ku qasban tahay in ay wax uun la meel dhigto kamuunada waayo meesha waxaa ku jira caruur faro badan iyo dad aan hore dalkooda wax ugu soo baran marka way iska cadahay in laba sano ka dib culayska kamuunada ku dhici doono.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. Shukri says:

    Asc/dhaman, dadka wasax in lagatashto inta eysan iman ilen wan wada ognahay somalida xata hadi lakeno qof inu xamasho ey kujirto malaga helayo marka weykusaxan yihin in leska warsado war dadkan maxan uheyna cml,tasi watas. Mida labad,su,aal ya arkay wili.dad basaborki lasiyay,ogolosho wan arkay lkn waxan raba dad pasaporki lasiyay majiran

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 2

  4. Ahmed Wadani says:

    ASC Dadkii Mucaarad ku ahaa Jimcaale warkaas isa ma suubsanin mana ahan Nagativ ee SVT.se iyo SR.se ka raadso hadaad luqad taqaano hadii laguu soo tujumo la idiin kama helayo Mahadsanid kkkkk
    war Allah halaga Baqo.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. yoonis says:

    somaliada waa dhow sweden waa lagaa nacayaa ama calmkaba hadaan layska badaliin dhaqaanka xuun oo aynuu kaga badalanay ajaaniibta 1 mashaqaystiinimo ama shaqooyinka oo an qayb kafaano iyo 2 wax barashoo laga dhiigto miid lacaag laguu radiyo oo iskuulka laaska dheex fadhiiyo 10 sanoo 3 qabyaalaad iyo qaylooo iyo qoof wax baar yaaya oo hadana daadkii cawiinayay magaya oo an dareen sanayn waxaa lasiinayaa in ay tahay wax u baryaayo xataa waxaa manta somaliya dowladkaasto lodhiiso mushahaar waydiisata calaamka maluguu noolankara baryo waa mayaa war ilhay an taloo saranoo unaa dhaqaaqno xoogsii iyo aqoon korsii

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 3

  6. mohamad says:

    w

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. mohamad says:

    waxaan rabaa sweden marka hore shaqa ma taal

    dadka haba shaqestaane maba xumee waxa loo socdana waa diidmo kale maxaa dhacay si lagu diida soomalida ayaa larabaa waxaana loo socdaa in shaqo lagu xira dadka

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  8. Xamza says:

    Ahmed,wadani,sxb ya,jimcale waxkashegi karo wa wadani waqtigisa u huray dadkisa, mida kale,warunta warkan aso afsomali ah ayu kujira wabka sv radio qebtisa somaliska, wuxuna aha wiig kahor marka wanulasocona walal

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  9. Abubakr says:

    Asc wr dhamaan Somalida, tankale waxan waxaan raba inan hal su’aal weydiiyo walaalkeey Jimcale Kheyr allaha siiyeen kumuunada aad halkan kusoo qortay ee 12ka ah (S) waxaan u gartay Socialparts balse (M) ma Modern Part miyaa mise Miljo Partiga.
    shurkan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      S waa SocialDemokraterna.
      M Waa Moderaterna
      V Waa Vänsterpartiet
      MP waa Miljöpartiet
      C waa Centerpartiet
      SD waa Sverige Demokraterna
      FP waa Folkpartiet
      KD waa Kristdemokraterna:

      U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  10. yeeene says:

    waa kamuunadii ugu faqrisanaa Swedeb.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  11. abdi says:

    sxb jimcaale fikrada aan ku darsanaayo ayaa waxey tahay in wiilkaas jimcaale la dhoho hadii aad ku qanacsan tihiina dhageysta waxa uu idiin keeno hadii kale ha laga daayo dhibka

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

    • muuse says:

      somalida sowlagamayabo inlagafaido iney calol wax inlasiya rabto camal miya lohesta wayaab waxa lagabixiyay mesed xun somalida lakin hakakacdo hordada o heska tirto hana latimado sumcad wanagsan tas ayan kutalinayaa

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. Ahmed says:

    As ca walaal wan idin salamay dhaman dadka somaliyeed oo dhan mida kobaad yaan lagu mashqulin dadka somaliyeed ee walalihiin ee la kenayo hadii wadankan shaqo talo qofna cayr ma qateen mida kale dadka imanahayo waxba yaan lagu mashqulin ee kuwa dhahayo waxoda mel hala saro asaga yaa tisa mel saray sa asagaba wa suga somahan marka ilahay somalia barwaaqo ha nooga dhigo meshan jiko gaal waxba matale
    wabilahi tawfiq

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0