13 sano jir Soomaali ah oo Sweden laga musaafurinayo ka dib markii uu nin Soomaali ah been ka sheegay

Gabadha lagu magacaabo Sumayo oo 13 sano jir ah ayaa Laanta Socdaalka (Migrationsverket) ay go’aan ku gaadhay in wadanka laga musaafuriyo ka dib markii uu been ka sheegay nin Soomaali ah oo baaritaan ku sameeya luuqada. Ninkaan ayaan sanadkii hore soo qornay in uu wareysi ka qaaday 5000 qof isagoo dad badan oo Soomaali ah been ka sheegay.

Sumayo oo sheegtay in ay ka timid magaalada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan, ayaa ninka Soomaaliga ah ee u shaqeeya shirkada Sprakab oo la qariyay magaciisa (EA20) waxa uu sheegay in aysan halkaasi ka imaan balse ay ka soo jeedo Somaliland. Telefishinka SVT qaybta baaritaanada ee Uppdrag Granskning oo markale baaritaan ku samaysay arinta ninkaan ayay cadeeyeen in uu beenaale yahay oo uu dadka Soomaalida ah been ka sheego.

Ninkaan ayaa sanadkii hore arintiisa waxaa fashilay SVT ka dib markii uu been ka sheegay wiil lagu magacaabo Mohamed oo ka soo jeeda Afgoye, isagoo sheegay in wiilkaas uu ka yimid Somaliland. Telefishinka ayaa xitaa soo bandhigay in ninkaan uu been ka sheegay waxbarashadiisa oo uusan waxba ka dhigan Jaamacada Stockholm sida uu ku qortay CV-ga. Migrationsverket ayaa go’aan ku gaadhay in ay dib u fiiriso kiiska Mohamed isagoo hada sharciga la siiyay balse waxay wali wadaan wadashaqayntii ay la lahaayeen shirkada Sprakab ee uu u shaqeeyo ninka beenaalaha ah. Shirkadaan oo xitaa la shaqayn jidhay Laanta Socdaalka UK ayaa sanadkii hore ay dowlada Ingiriiska joojisay wadashaqayntii maadaama ay soo baxday in ninka Soomaaliga ah ee u shaqeeya uu beenaale yahay.

Arinta Sumayo ayaa markale telefishinka SVT ay u bandhigeen Pro. Abdalla Omar Mansuur oo ah qabiir ku taqasusay luuqada Soomaaliga oo wax ka dhiga jaamada Rome ee Talyaaniga. Pro. Abdalla Omar Mansuur ayaa aad ula yaabay sheekada ninkaan isagoo ku tilmaamay go’aankiisa mid lagu qoslo.

Baaritaan aan samaynay ayaan ogaanahay cida dhabta ah ee uu yahay ninkaan iyo magaciisa balse waxaan go’aansanay in aanan soo qorin.

Halkaan ka daawo Uppdrag Granskning.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

15 Responses

  1. omar says:

    gabadhan lahjade kuhadleyso iyo lahjada waqooyi loga hadlo shaqo iskuma laha. ninkaan beenalaha waa in isaga dib loo baaraa lahjadiisa iyo siduu isku dhiiibay.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 8 Thumb down 0

  2. Jaamac says:

    Arrinka waa laba qeyb tana gabadha waa ku celis interview geeda mana la qarin karo qof dhalashadiisa ama sheegashadiisa.
    Tan MR BEENAALE ninkan waa nacas qabyaalad eey ka buuxdo wuxuuna ka mid yahay dadkii lasoo kufsad 90 meeyadii marka hala yaabina isagaana wax qabad u baahan

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  3. Jaamac says:

    Arrinka waa laba qeyb tana gabadha waa ku celis interview geeda mana la qarin karo qof dhalashadiisa ama sheegashadiisa.
    Tan MR BEENAALE ninkan waa nacas qabyaalad eey ka buuxdo wuxuuna ka mid yahay dadkii lasoo kufsaday 90 meeyadii marka hala yaabina isagaana wax qabad u baahan

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  4. nur elmi says:

    Hej jag undrade om det han
    Jogga för mycket om somalier och vem är han eller vad heter han?

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  5. hodan says:

    Sawtii layiri luqadii waa la jojiyay wiilki hore markuu ninkan been kashegay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. asraa says:

    waxanba layabay shirkada u ushaqeyo ninkan dadka benta kashegayo xitaa wxan firsaday in udido in u lakulmo qolada tv oo xitaa albabkay ay kafuri dideen marka waba ujedan in dhumanaayee may ka cayriyaan shaqada benta ah

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  7. xussen says:

    asc dhamaan tiin hadaan usii gudbo mowdooca 1 sida eey sheegeen mutacalimiinta hadal halmar ah laguma soo garan karo qofk dhalasha diisa dhabtaa waxa eey ubaahantahay kulama badan oolasameeyo ninkaan asiga waaba la ogaaday beentiisa marka waxan u filayaa dowlada iyo laanta socdaanka oo sharafta badan ina eeyna wax ku go aamin doonin ninkaan been lowgaa waxa oow sheegay cidii horey wax qaldan laga sheegayna marklabaan ayaa fiican ina dib loobaaro kiissas kooda oo waxii qaldabay hada lasaxo wax baahintane kiisaska qaar ¨ oo meel lasaaro lawaayay warbaahinta weey soosaarikartaa runta waxa eey tahay sida radio somaliska ama somaliska . aniga waa aragtideeyga,

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  8. amiir says:

    aniga waxaan la yaabanahay dawlada ama laanta socdaalka waxa ay ninkaan beenlaawaha ah u haystaaan aniga waxaan la kulmay maxamed oo ah wiilkii sanadkii hore uu yiri afgooye kama imaan ee waqooyi ayuu ka yimi in badan ayaan la sheekeeystay aqoon uma lihi lahjadaha lkn waxaan dareemyey inuu koonfurta ka yimi qofna isma qarin karo ismana yeelyeeli karo gabadhana hadaa codkeeda waan maqlay waxaan la yaabanahay ninkaan cuqdada haysa iyo waxa uu qof dhan mustqbalkiis u burburinayo allaha ka qabto ninkaan somalida

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 1

  9. ayaan says:

    Amiin yaa Allah

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  10. bilan says:

    asc dhamaan akhristayaasha aniga waxaan layaabay gabadha wuxuu su aalay, may maqlaysaa? waxaytiri waa ku maqlooyaa hadaba, waa kumaqlooyaa ma waqooyibaa looga hadlaa alla cadaalad xumadiisa aad ayaan ulayaabay muxuu gabadha aadka uda,da yar maskaxdeeda uga cayaaray waraysiyada arinkaan ayka martay ayaa qalbigayga danqisay waxaan caruurma dhali ayaan umalaynayaa ee dadka alle haka qabto wiilka xataa filipstad ayaanku arkay soomaali laan shaqo kumalaha lahjadiisa malaha ninkaan maba kalayaqaan luuqada soomalida iyo goboladeeda mana naxayo wuu mala awaalayaa say ila tahay

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  11. bilan says:

    xaqiiqdu waxay tahay soomaalida waxay ku hadashaa, maay iyo maxaatiri saas oo ay tahay, maxaatiri waxuu uqaybsamaa waqooyi, galbeed bari gobalada dhexe iyo koonfur koonfur weey dialoog badan tahay laakiin marnaba qof reer koonfur ah luuqad koon fur ku hadlaayo luguma qaldi karo waqooyi waana qalad nin ka wax turjumaayo hadii laysku qaldo marka waxaan kutalin lahaa turjumaanka dhahaya waxaan ahay soomali horta intaan la, lu goyn miskiin walaalkaa soomaaliya horta barta lahjadaha gobalada markaa kadib shaqada raadso saas ayaan ku talin lahaa

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  12. abdi ahmed says:

    Somaliland dawlad madaxbanaan ayey u aqoon sanyihiin maxay dadka u kala soocayaan? Somalidu miyaanay isku mid ahayn?

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  13. sahra says:

    Ilaahay haka siiyo sharci oo hawsahlo insh allh talaw hada mala joojiyay luqadii ilaahaw noo sakhir

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  14. Mustafa says:

    Runtii soomaali hadaan nahay waan is naqaanaa qofkasta meesha uu ka yimid, gabadhaan yarta ahna ka maysan imaanin Somaliland. Waxaa haboon Laanta Socdaalka inay arintaan dib u fiiriso. Ninka codbaaraha ahna waa qof yaab badan runtii!

    ALLAH ha u fududeeyo Sumayo.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  15. hanad says:

    Hablaheena dhamaantood waxaan jeclaa in dalkii lagu celiyo waayo qurbaha waa ku baaba een intooda badani surwaal bay xidheen …sigaar bay santarada la taagan yihiin dhaqan xumo aynaan hore ugu arag bay halkan kula soo baxeen

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1