18 jir baarlamaanka Sweden soo galay

0

Wiil 18 jir ah ayaa noqday qofkii ugu yaraa ee abid soo gala baarlamaanka Sweden (Riksdag). Wiilkaan aadka u da’da yar oo lagu magacaabo Anton Abe ayaa ka mid ah xisbiga talada haye ee Moderatka (M) asagoo ka soo galay baarlamaanka magaalada Stockholm ka dib markii gabar booska lahayd ay u wareegtay shaqo kale.

Xildhibaankaan da’da yar ayaa ka mid ahaa dhalinyara aadka u firfircoon ee u dhaqdhaqaaqa xisbiga Moderatka asagoo qaasatan u ololeyn jiray ka horta dambiyada.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here