18,000 oo sugaya musaafurin

15

Booliska xuduudaha ayaa cabasho weyn ka muujiyay tirada dadka sugaya in dalka laga musaafuriyo oo lagu sheegay in ay gaareyso 18,000 qof. Booliska ayaa ka cabanaya in qaar badan oo ka mid ah dadkaan aysan suurto gal ahayn in la celiyo.

Booliska ayaa intaas ku daray in 7,000 oo qof oo keliya ay ogyihiin halka ay joogaan iyadoo inta kale aan la aqoon meel ay jaan iyo cirib dhigeen. Dadkaan musaafurinta sugaya balse aan la celin karin ayaa ah kuwo aan aqoonsi wadan cadeynaya wadankooda. Wadamo badan ayaan sidoo kale aqbaleyn in loo soo celiyo dad aysan hubin in ay dadkooda yihiin.

Booliska ayaa dhinaca kale eedeyn u jeediyay laanta Socdaalka (Migrationsverket) oo ay ku eedeeyeen in aysan baaritaan hufan ku sameyn kiisaska dadka. Hadaba eedeyntaas waxaa ka jawaabay Mikael Ribbenvik oo Laanta Socdaalka u qaabilsan arimaha cadaalada isagoo sheegay in ay si fiican u baaraan xaalada dadka oo xitaa maxkamaduhu ay yareeyeen in ay isbedel ku sameeyaan go’aanada Laanta Socdaalka.

Mikael Ribbenvik ayaa sheegay in Laanta Socdaalku aysan ogeyn halka ay joogaan inta badan dadka lagu amray in la celiyo, oo xitaa ma hubaan in ay dalka joogaan iyo in ay laabteen “Ma ogin halka ay aadeen” ayuu ku cataabay Ribbenvik.

Dadkaan musaafurinta lagu amray balse aan la celin karin ayaa ah kuwo ku jira xaalad cakiran oo aan cadeyn. Waa dadka mustaqbalkooda uusan qeexneyn oo ku nool rajo ku meel gaar ah. Xisbiyga Miljöpartiet iyo Vänsterpartiet ayaa cambaareeyay in xaaladaan lagu haayo dadka bani’aadamka ah iyaga oo dalbaday in sharciga wax laga badalo.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here