2 qof oo lagu gowracay dukaanka IKEA

11

Maanta magaalada Västerås waxaa ka dhacday dhacdo cusub oo aan horay looga baran Sweden, ka dib markii labo nin oo midi ku hubaysan ay gowrac ugu dhaqaaqeen dadkii dukaanka IKEA ka adeeganayay iyagoo goobta ku dilay 2 qof halka ay dhaawaceen dhowr kale.

Booliska ayaa soo xiray labada nin oo lagu eedeeyay in ay falka geysteen. Dukaanka ayaa laga kala cararay iyadoo boolisku ay xireen dhamaan irdaha laga soo galo. Booliska ayaa sheegay in dadka la dilay iyo kuwa wax dilay aysan horay isku aqoon oo ragga weerarka gaystay ay iska weerareen dadkii adeeganayay. ilaa hada ma cada sababta ay weerarka u geysteen iyo cida ay yihiin.

“37 sano ayaa boolis ahaa, waligay ma arag dhacdo ka foolxun, ma jiraan erayo aan ku qeexi karo arinta meesha ka dhacday” ayuu yiri Per Strömbäck oo ah afhayeenka booliska gobolka Västmanland oo u waramay wargeyska Dagens Nyheter.

Booliska ayaa sheegay dadka ku dhintay goobta oo ahaa nin iyo haweenay in ay qaraabo ahaayeen.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here