20 sano ka dib muxuu soo kordhiyay ururka Isbahaysiga Soomaalida Sweden (Somaliska Riksförbundet)

Isbuucii tagay waxaa ka dhacay magaalada Stockholm xaflado si weyn loo soo agaasimay oo lagu maamuusayay sanad guurada 20-aad ee ururka Isbahaysiga Soomaalida Sweden (Somaliska Riksförbundet) kaasoo la aasaasay sanadkii 1995. Hadaba su’aasha ayaa ah ururkaan muxuu faa’iido u keenay Soomaalida ku nool Sweden?

Sababaha loo aasaasay ururkaan ayaa ahaa kuwo muhiim ah, oo ay ugu horeyso midaynta Soomaalida ku nool Sweden. Ujeedadaas kowaad ayaa la dhihi karaa ururku waa ku fashilmay maadaama aan ognahay in aysan wax midnimo ah ka dhex jirin Soomaalida Sweden, oo waliba waxaa la dhihi karaa in uu horseeday kala qeybsanaan iyo qilaafaad dheeri ah, iyadoo wadanka Sweden ay hada ka jiraan boqolaal jaaliyadood oo u qaybsan qabiil qabiil iyo deegaan. Qaar ayaa la shaqeeya ururka, halka qaar kale ay ka soo horjeedaan.

Ururka ayaa sidoo kale ku haminayay dhowr arimood oo kale, kuwaasoo iyagana la dhihi karo wax horumar ah kama gaarin, arimahaas ayaa waxaa ka mid ahaa.

1. In ururku ka shaqeeyo in aan Soomaalida Sweden la cunsuriyayn isla markaana ay bartaan xuquuqdooda iyo waajibaadkooda. Qodobkaan ayaa ah mid kale oo fashil ah, maadaama Soomaalidu maanta ay yihiin kuwo cunsuriyad joogto ah ay lagu sameeyo, isla markaana inta badan aan aqoon xuquuqdooda.

2. In la siyaadiyo sinaanshaha ragga iyo dumarka Soomaalida. Qodobkaan ayay adagtahay si loo qiimeeyo, balse waxaan ognahay in ragga iyo dumarka Soomaalida ku nool Sweden ay dhamaantood haysato dhibaatooyin badan.

3. In kor loo qaado waxbarashada Soomaalida si ay guul uga gaaraan bulshada. Qodobkaas ayaa ah mid kale oo fashil ah, maadaama ay aad u liidato waxbarashada Soomaalida, qaasatan kuwa cusub oo u baahan taageero dheeri ah balse aan wax taageero ah ka helin ururka iyo jaaliyadaha la shaqeeya.

4. In Soomaalidu shaqo helaan taasoo abuuraysa kalsooni iyo in ay wadanka wax ku siyaadiyaad. Qodobkaan ayaa ah mid isagana fashil ah, iyadoo qiyaastii 65% Soomaalida ku nool Sweden ay shaqo la’aan yihiin, isla markaana aysan jirin wax kalsooni ah. Dhalinyarada Soomaalida ayaa ka xishoonaya in ay sheegtaan Soomaalinimo, taasoo lala xiriiriyo shaqo la’aan, cayr qaadasho, iwm.

5. In Soomaalida cusub lagu caawiyo isdhexgalka bulshada iyo in ay helaan macluumaad ku saabsan Sweden. Waxaan dhihi karnaa in ka hor Somaliska.com aysan Soomaalida Sweden haysan il ay kala socdaan nolosha wadankaan, isla markaana wixii macluumaad bulsho ah ay bixiyaan kamuunada.

Guud ahaan, waxaa iska cad in ururka Somaliska Riksförbundet uusan wax la taaban karo u qaban Soomaalida Sweden balse uu yahay goob ay ku shiraan dad u taagan danahooda siyaasadeed iyo dhaqaale. Lacagaha uu qaato ururkaan ayaa ku dhamaada natiijo la’aan.

Arinta ugu fudud ee ururkaan uu wax ka qaban karay ayaa ah ka dhex muuqashada saxaafada Sweden iyo difaaca magaca Soomaalida balse taasi xitaa ayay ku fashilmeen, iyadoo maanta aan ognahay in Soomaalida tusaale loogu soo qaato fashilka siyaasada isdhexgalka wadanka Sweden, isla markaana aysan jirin cid u hadashada Soomaalida oo difaacda.

Dhawaan ayay ahayd markii dowlada Sweden ay 2 milyan oo karoon siisay ururka si ay uga shaqeeyaan ka hortaga xagjirnimada dhalinyarada balse waxaa iska cad in taasi ay tahay sheego magac u yaal ah, oo aan wax natiijo ah keenayn. Isla markaana ay tahay sheekooyinka maanta lagu raadsado dhaqaalaha.

Haddii ay daacad ka tahay wax u qabadka Soomaalida, ayay raggii iyo dumarkii aasaasay ururkaan 20 sano ka hor ay noqon kareen tusaale wanaagsan oo ay ku day’daan Soomaalida ku cusub wadanka. Iyagoo ku caawin karay dadka cusub in ay helaan macluumaad sax ah iyo taageero wanaagsan balse taasi ayaan dhicin, iyadoo dadkii wadanka soo galay ay la kulmeen, kuwii ka soo horeeyay oo shaqo la’aan ah, luuqada aan baran, jaaliyado is haysta iyo qabyaalad ka daran midii ay Somalia uga soo tageen.

Waxaan isleeyahay waxaa la joogaa, xiligii Soomaalida Sweden ay samaysan lahaayeen hogaan cusub oo ka shaqeeya midnimada bulshada iyo waxqabad natiijo leh. Qaasatan waxaa la joogaa xiligii dhalinyarada Soomaalida Sweden ay hogaanka la wareegi lahaayeen.

Sidee kula tahay adiga? Fikradaada ku aadan ururka Somaliska Riksförbundet..

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

22 Responses

  1. cabdi qaydid says:

    arinti labada sano xaa war ah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. Jiifdiid says:

    cabdi arintee arinta faah faahi lol

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. cilmi@hotmail.com says:

    Sxb Mowduuca laga hadlaayo haka bixin. Arinta labada sano oo aad sheegayso waxaad u wardoonataa Migrationka ama Maxkamada- Laakinse ma qurux badna iyadoo arin lagaa hadlaayo in aad hadal aan qiimo lahyn dadka soo dhex dhigo.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 13 Thumb down 7

  4. Lii says:

    Cilmi Qofba wax baa u daran cabdi in uu arintiisa halkaas ka sheego sharci u diidayo malahan hadii adiga uusan wax problem ah ku heysan umada xal doonka ah fikirkooda u dhaaf walaal waa iga talo

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 6 Thumb down 5

  5. labo sano says:

    cabdi aboowe aniga ku hayo war dadkii mar hore ayay qataan ogalasho wa intii alleh u qoray hada waxan garanaya 4 qof oo qatay ogalasho

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 2

  6. hanolato somaliya says:

    jimcaale arinta aad kahadashay wey fiicantahay lakiin waan maqalnaa Somaliska Riksförbundet.lakiin waxay qabatay iyo waxay dad uqabatay wali ma maqlin wadankana waxaan joogaa 7 sano

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 1

  7. aAbdulghani says:

    Ururkan wiligeey mamaqal mana arag !! laakiin waxaan idiin sheegaa kommunade iyo magaalooyinke Somali de ey dagan wey kala fiicanyihiin waxaa jirto kommuuno qaar ineey 1 jaaliyada ah ey kujiraan oo wax qilaaf iyo qabiil minne kama jiraan ee ogaada ..Tankade dadke 2 sano ee familje kalamaqan Allaah usahlo kheerke

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  8. potatisson says:

    kolay 20 sano way yartahay howlahana laguma dhameen karee haloo sabro soomaalaay dag dag baad balo ku dhigteene

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  9. Ahmed says:

    Ciil waynaa somali maxaa ceeb saaran

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  10. al cadaala says:

    20sano iyo halasabro kkk Rirsförbund waligeymamaqal waxqabadkoda iska dhaafe wana somalida jiran wali yurubta kale qabiilka kumaqnana foga rer Swedan waxan leyahay ilahey ha idin caafiyo aniga wan joga waxan indhaheyga saray dad aan isbaraned marka cusba isalamijiray hadanah marje I arkan naceybka wanka daremo wajigoda dabcan marka si tixracayna waxan ogadey in naceybka qabiilkega ee uqaban ee igu naceyn aad ula yabey qof biniadan ah Adan aqoon shaqsigisa aan kudhibin sedkunacda subxanalaah masajidkana walagaga horeya caloshana waa mariid waxey leyahay cuqdada ilah hanaga saro midakale diinta barta ilaheyna qofwalba cafis haweydiisto qabiil hebel somali uga socararey galadan naso dhaweysa bentas loshega

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  11. AbdikamiL says:

    Kkkkk waxaan iga qosolsiiyay ninka wato cilmi wlhi u funy bro topic haka dhicin dheh ninka lol

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  12. Alxamdulila says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 0 Thumb down 8

  13. mustafa says:

    Labada sano waa maxaay walaalo waanba fahmi la ahay maalin walba laba sano ayaad ku heysaane

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  14. axmed says:

    sxboow laba sono meqa qof ayaa heshay ogolaashos xb waxaan filaa in ney fudu daatays xbmiyaa

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  15. Abukar says:

    ruuxu hadow daacad yahay 1sano iyo wax ka sii yar ayow dadka KU soo jiidankaraa somaali waxba uma soo kordhin xaqiiqdi somaalida dhexdooda jcl mayaalo wa dad isku xaasidiin ah Hadan Allah ka cabsaayo waxad soo qortay badankood waa sax somaaline alaa u maqan lkn inaan la quusan wa astaanta lagu kaarin Karo dad wax tar leh somaali hormar waa kaari magacne waa yeelan insha allah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. Sheekh dadka afsomaliga ku hadla iyo mayga. says:

    Horta waa wax fiican arinta uu ka hadlay Qoraaga anna weligay Ma maqal ururkaan markii laga reerbo dhoor jeer oo aan maqlo ayaga oo lacag lasiinayo ama la dhaliilayo!
    Mida kale ilaahay somalida qabyaalada ha ka koriyo!
    Waxaase aan ku yaabay waa cidee cida qabyaalada wada mar walba oo aan dadka commetigooda aqriyo Waxa ay leeyihiin “qabyaalada waa wax xun” ee cidda qabyaalada faafisaa xagee bay joogtaa.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  17. nawal says:

    nadaam somali haday ledahay sida wadankoodu yahay ma awsan ahaadeen,,lacagta aydawladu siisay dad badan aw wax uqaban lahaaa lakin away hee nidaamkii dadkasoo dhan loo deeqsin lahaaa,,marka taasi waa arin layaab ah ,,siyaasada somalida oo dhani waa wada maqaarsaar,,marka waa hubaal dhaqalahaaas qaybta ugu wayn inuu ku maqan yahay rer hebal,,so disgusting

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  18. wayeelka xaafada says:

    Asc
    Waa wax aan waxba tareeynin umada haka horwareegaan maxaa yeelalay wali markin iyagoo umada soomaaliyeed wax u qabtay.20 Sano aaway waxay qabteyn?Magac kaliya wax ma taraayo waxqabad baa la rabaa.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. wafka abdi says:

    asc dhamaantiin runtii hadaan fikirkeyga ka hadlo waxay ila tahay in meeshan lacag lagu cunayo somalidaa caawinaa wax nidaam ah na kama jiro ee sidii hogaan cusub oo daacad ah u dooran laheed folegeed ha laqabto maan dhihi lahaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  20. samatar says:

    aniga waxay ilatahay inlaga mamnuuco ururada siiba somalid sobobto ah waa qabiili somalidu

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. Soomaali jecel says:

    ACS, Waxaan maqli jiray ishii dhiman weyda Geel dhalaayana waa ku tustaa. Tol beelaye tanna ma noo dambeysay SOOMAALIYEEY. waa yaab oo hadana waa yaabka yaabkii SOMALISKA RIKSFÖRBUNDET oo hadana 20 sana jira oo aanan hada ka hor maqal waa arrin la yaab leh!!!!!!! Muddo 10 sana ku dhow ayaan joogaa Iswidhen mana maqal mana arag wax calaamadihiisa ka mida maanta ka hor ururkaan aad sheegtay JIMCAALOW ma riyaa? ma wax jiraa? sax miyaa hadda? yaaqyeey ma kaa runaa? Somaliska .com waxaan aqrisanayey ilaa 6 sano wax ku dhow amaba ah mana jirin sidaan filaayo wa xidaa uga badan intaan aqrisanayey. Waa wax laga yaqyaqsado inaad magaca ummadda somaaliyeed sidaa ugu ciyaartaan. hadii aydnaan waxba u qabaneyn walba magaca ummadda Soomaaliyeed ha ku ciyaarina oo u nabadgeliya waddaninnimo iyo Soomaalinimo idinkama muuqatee. fadlan oo fadlan.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  22. Cunsuri says:

    Asc , ururka isbahaysiga waxaa aas aastay dadka laga tirada badan yahay oo ku dhax qarsoon dhamaan qabiilada waa ween, way u qayileen somali waana meesha ugu horaysay ee laga maqlo 4.5 marka niman midgo ah oo somalida u caraysan in ey wax ku qaataan maahee horumar yaan laga sugin, ururka soo hadal qaadkiisa ayaaba xaaraan ah ileen waa gole ceebeede!

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0