30 magangalyo doon ah oo la dajinayo duurka

32

30 ka mid ah magangalyo doonka sharciga ku sugaya magaalada Boden ee waqooyiga Sweden ayaa loo rarayaa tuulo u jirta magaalada 30km oo aysan basasku tagin sabtida, axada iyo sommarka oo dhan.

Tuuladaan oo lagu magacaabo Brännberg oo qiyaastii 30km u jirta magaalada Boden ayaa Laanta Socdaalka (Migrationsverket) waxay ka kireysatay dhowr guri oo ay dajin doonto magangalyo doonka. Tuualadaan ayaa waxaa ku nool dad aan ka badnayn 100 qof iyadoo aan lahayn wax dukaan ah, basaskuna ay tagaan maalintii oo keliya, 5 maalmood isbuucii.

Dadka ku nool tuulada yar ayaa walwal ka muujinaya magangalyo doonka faraha badan ee loo soo rarayo tuulada yar ee aan lahayn wax hawl ah oo ay magangalyo doonku sameynayaan. Laanta Socdaalka ayaa sheegtay in magangalyo doonka la siin doono kaadh ay baska ku raacaan balse dhibaatada ayaa ah in aysan meesha basas sidaa u badan ka shaqeyn isla markaana xiliga sommarka oo dhan uusan wax bas ah tagin. Laanta Socdaalka ayaa sheegtay in ay tuulada soo dajinayaan qoysaska magangalyo doonka ah.

Inkastoo aysan ahayn markii ugu horeysay ee Laanta Socdaalku ay dajiso dadka sharciga sugaya tuulooyinka ayaa hadana la dhihi kara tuuladaan waa mid geeri go’an ah oo cabasho weyn ay ka keeni doonaan magangalyo doonka. Magaalada Boden oo ah goob inta badan la geeyo dadka sharciga sugaya ayaa bilihii dambe waxaa laga soo sheegayay guryo la’aan iyo dhibaatooyin ay geysanayaan magangalyo doonka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here