30kii maalmood ee aan xaaskayga xambaaray – Qaybta 1

11

Sheekadaan waa sheego xiiso badan oo indhaha u furi doonta lamaanayaal badan oo Soomaaliyeed kuwa hada isqaba iyo kuwa isguursan doona mustaqbalka. Qisada ayaa ah mid ku saabsan nin xaaskiisa xambaarayay mudo 30 maalmood ah. Sababta waxaad ka ogaan doontaan qisada.

Jilayaasha qisada waxaa la kala yiraahdaa Aisha, Osman iyo wiilkooda Abdirahman. Sheekada waxaa inoo soo bandhigaya Osman.

QAYBTA 1 – AAD

Habeenkii markii aan shaqada ka imid xaaskayga waxay diyaarinaysay cashada balse aniga madaxayga arin kale ayaa ku jirtay waxaan go’aansaday in aan xaaskayga la hadlo, waxaan qabtay gacanteeda oo waxaan si hoose ugu iri “waxaan doonayaa in aan kaala hadlo arin muhiim ah. 

Si degen ayay u fariisay wayna joojisay hawshii ay haysay. Indhaheeda waan ka dareemay in ay dareemeyso culeys oo wax badan iska badalay guurkeena. Afkayga waan furi waayay oo hadalkii ayaa igu noqday. Balse waa iga go’nayd in aan u sheego fikirkeyga.

“Waxaan doonayaa in aan ku furo” ayaan si degan u iri.

Waxaan aad uga cabsi qabay sida ay u jawaabi doonto balse xitaa uma aysan muuqan in hadalkeyga ay dhibsatay, ee si degan ayay tiri “Waa maxay sababta?”

Su’aashaas ayaa igala xanuun badnayd xitaa haddii ay i dharbaaxi lahayd. Waxaan isku dayay in aan ka leexdo su’aasheeda. Diyaar uma aanan ahayn in aan ka jawaabo Why. Arintaas ayaa ka xanaajisay, waxay firdhisay cuntadii oo waxay ku qaylisay “Nin rag ah ma tihid” ka dibna waxay ku carartay qolka jiifka.

Habeenkaas, ma aanan wada hadlin. Si cabsi ku jirto ayaan isku dayay in aan u seexdo. iyadu habeenkii oo dhan way ilmaynaysay, waan ogaa in ay doonayso jawaab cad oo ku saabsan waxa ku dhacay guurkeena iyo jaceylkeena balse uma aanan hayn jawaab ay ku qanci karto. Waxaan jeclaaday gabadh aan wada shaqeyno oo magaceeda la yiraahdo Deeqo, oo aad u qurux badan. Jaceylkii aan u haayay xaaskayga waxa uu u guuray gabadhaas. Waxa keliya oo aan ku fikiraayay waa sidee isku dhaafisaa xaaskaaga.

La soco QAYBTA 2-aad.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here