31000 qof oo la filayo in ay iska dhiibaan Sweden

2

Laanta Socdaalka Sweden ayaa soo saartay qayaasteeda sanadka ayadoo filaysa in sanadka 2011 ay 31000 qof iska dhiibaan Sweden. Sanadkii la soo dhaafay ayaa waxaa Sweden iska dhiibtay 31 819 qof taasoo ahayd siyaado dhan 32% marka loo barbar dhigo sanadkii 2009.

Guud ahaan dadkii Sweden ay deganaanshaha siisay ee sanadkii 2010 ayaa gaaraya 90,000 qof kuwaas oo ay ku jiraan dadka deganaanshaha shaqada iyo kan ardaynimada helay. Tiradaas ayaa hoos u dhacday 7,000 qof taasoo loo aanaynayo diidmada la diiday mideynta reeraha Soomaaliya.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here