“37 dacwadood ayaan gudbiyay, qofna lama soo xirin”

9

Ninka lagu magacaabo Prince Hassan Saad oo ku nool magaalada Borås ayaa wargeyska ETC uga waramay isbuucii hore dhibaatada kala haysata isaga iyo cunsuriyiinta. Isagoo sheegay in booliska uu u gudbiyay 37 dacwadood oo ka dhan hanjabaado iyo dhibaatooyin kale oo ay ku hayaan cunsuriyiinta.

Hassan Saad ayaa sheegay in weerar joogto ah lagu hayo, isagoo dhagaxaan lagu tuuray isla markaana xitaa dab la qabadsiiyay gurigiisa. Waxaa sidoo kale internet-ka lagu faafiyay sawirkiisa iyadoo boggaga cunsuriyiinta ay soo qoreen magaciisa iyo waxyaabo badan oo ku saabsan oo qaarkood oo ay soo qoreen in uu argagixiso yahay. Waxa uu sheegay in xitaa caruurtiisa internetka loo soo marsiiyay hadalo aflagaado ah.

Iyadoo waxaas oo dhib ah lagu hayo, ayuu Hassan Saad booliska si joogto ah dacwad ugu gudbiyay, isagoo guud ahaan sameeyay 37 dacwadood balse booliska ayaa dhagaha ka fureystay eedeymahiisa, iyagoo durbiiba xiray dacwooyinkiisa oo aan cidna u soo xirin ama ku eedeyn dambiyada laga galay.

“Waa fiicnaan lahayd haddii qof la maxkamadayn lahaa, maadaama dad badan ay aaminsanyihiin in aan waxba laga qaadi karin oo aan waxba ku dhacayn” ayuu wargeyska u sheegay.

Ka dib markii isbuucii hore uu telefishinka SVT soo qaaday arinta ku dhacday Hassan Saad ayaa boolisku hada sheegeen in ay dib u eegayaan dacwadihii uu soo gudbiyay.

Hassan Saad ayaa ka cabsi qaba in Sweden ay ku socoto wadadii Germany ay ku socotay sanadihii 1930 halkaasoo dadka Yuhuuda cunsuriyad badan lagu sameyn jiray balse siyaasiyiinta iyo boolisku aysan waxba ka qaban ee ay qeyb ka ahaayeen dhibaatada. Isagoo aaminsan hada in Muslimiinta iyo dadka Afrikaanka ah ay joogaan booskii Yuhuudu ay ka joogeen Germany.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here