Young businessman using PC and phone

5 arimood oo lagu gaaro horumar ganacsi

Soomaalida waxaa lagu amaanaa in ay yihiin dad ganacsiga ku wanaagsan waloow aysan inta badan lahayn waxbarasho ganacsi ama waayo aragnimo caalami ah. Ganacsade ahaan laguma dhashee waa la noqdaa, hadaba halkaan waxaan ku eegayaa 6 qodob oo lagu gaaro guul ganacsi.

1. Rabitaan – Qofka ganacsadaha wanaagsan ah waxaa lagu yaqaanaa in uu marka horeba leeyahay rabitaan weyn oo ku aadan fikradiisa. Waa qof jecel waxa uu sameynayo isla markaana doonaya in uu ka miro dhaliyo.

2. Aragti dheer– Qofka ganacsadaha wanaagsan ah waxa uu leeyahay aragti dheer oo ku wajahan ganacsigiisa iyo sida uu ku guul gaari karo. Indho la’aan laguma bilaabo ganacsi. Qofku waa in uu leeyahay aragti qeexan oo muujineysa waxyaabaha uu sameynayo iyo sida uu u sameynayo.

3. Wax qabad – Qofka ganacsadaha wanaagsan ah waxa uu sameeyaa wax qabad degdeg ah, hadal iyi fikrad keliya meel laguma gaaro ee waxaa lagu guul gaaraa in aad ka miro dhaliso fikradaada oo aad ficil u badasho.

4. Go’aan – Waa waxa ugu muhiimsan ee lagu yaqaano ganacsadaha wanaagsan, qofka isla markiiba isdhiiba marka caqabad ka hor timaado ma ahan ganacsade wanaagsan. Qofka hawl karka ah waxaa lagu yaqaanaa in uu leeyahy go’aan joogto ah oo uusan ka niyad jabin fikradiisa ilaa uu ka miro dhaliyo.

5. Waqtiga – Qofka ganacsadaha wanaagsan ah waxa uu yaqaanaa waqtiga ugu wanaagsan ee hawl la sameeyo. Waxa uu ka faaideystaa daqiiqad kasta oo waqtigiisa ah.

Waa kaasaa 5 arimood oo lagu gaaro horumar ganacsi. Haddi aad ku fikireyso in aad noqoto ganacsade ka fikir arimahaas oo qiimeyn ku samee inta aadan talaabo qaadin.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

2 Responses

  1. Aniga waxan jooga nairobi waxan wax kumarey nairobi 2mar ayaan abil liisiyey safarada nairobi na waa laxirey waxan usocdaa kampala hadii an kampala aado wax mey ii hagagayan says:

    Pato

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 3

  2. galdile says:

    arintaas walal aad kahadlaysid waa arin alle khusaysa lakiin adeegso sidaay idinla tahay ama horay arintaan oo kale qof idinka mid ah ma qabsatay lakiin hadii aad walal dhahdid kampala ayaan u wareegayaye wax ma ii hagaagidoonaan waxay u muuqataa arin shirki ah walal

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0