“600 Soomaali ah 10 ayaa shaqaysa”

18

Mid ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga SD ee kamuunka Nässjö ayaa qoray in 10 keliya ay ka shaqayso 600 Soomaali ah oo ku nool magaalada Nässjö. Arintaan ayaa dood dhalisay sida lagu qoray wargeyska Höglandet NU. Siyaasiyiinta kale ayaa ka soo horjeestay hadalka SD iyagoo sheegay in kala bar Soomaalida ku nool Nässjö ay yihiin caruur.

Ninka lagu magacaabo Gunnar Gadderyd oo ka tirsan SD ayaa bogga xisbiga ku qortay “Waa la yaab in xisbiga Moderatka ay sii wadaan qaabilaada soo galootiga iyaga oo aan fahmin in tani ay lacag badan ku baxayso. Tusaale ahaan, 10 ka mid ah 600 Soomaali ah ayaa shaqo haysata”. 

Balse halka SD ay keeneen xisaabtaas ayaa dood ka dhalatay iyadoo kamuunka ay sheegeen in aysan jirin cid xisaabisa dadka dhalashooda oo taas sharciga uusan ogolayn. Waxay intaas ku dareen in Soomaalida kala bar ay caruuryihiin, qaar ay iskuulo dhigtaan qaar kalena ay shaqeeyaan.

SD ayaa intaas ku daray in shaqada Soomaalidu ay haystaan aysan ahayn mid dhab ah maadaama Arbetsförmedlingen ay 80% mushaarka bixiyaan.

Doodaha nuucaan ah ee ku saabsan Soomaalida ayaa ah kuwo muujinaya halka ay gaadhay magac xumada Soomalida iyo sida meelkasta tusaale loogu soo qaato Soomaalida in ay yihiin kuwo cayr qaata oo aan shaqaysan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here