65 000 qof oo uu ku jiro 82-sano jir ayaa u fariistay imtixaanka u diyaargarowga jaamacadaha

9

Shalay oo taariikhdu ay ahayd 2015-10-24   waxa si toos ah uga bilaabmay dalka Sweden qaadista imtixaanka ee diyaargarowga tacliinta heerka jaamacadeed ee loo yaqaano (Högskoleprov).

Imtixaankan oo sanad walba  laba jeer la galo ayaa sanadkan waxa is  diwaangashay 70 534 arday, hase ahaate  65 000 qof aya ka qeyb qaadatay qorista imtixaanka, sida uu sheegay Åke Lernefalk oo ah masuulka dhinaca warfaafinta ururada jaamacaddaha iyo kuliyadaha.

Goobaha lagu qabanqaabiyey imtixaanka ayaa dhaneyd 120 goobood ee wadanka gudihiisa  halkaas oo arday badan ku soo bandhigeen dadaalkooda. Qaybaha u ka koobna imtixaanka ardaydu ay mareen ayaa aha 4 qaybood, taas oo aan ku xusay sida hoos ku qoran

  • Labo qaybood oo xisaabta ah
  • Iyo labo qaybood oo ku saabsan luqada iswidishka iyo ingiriisiga

Ardayda ka soo qayb gashay shalay imtixaanki ayaa da’doodu farqi weyn u kala dhaxeeyey, isukuna jiray dhalinyaro iyo cirrooleba. Hase ahaate 80% ardayda ayey da’ doodu ahayd 24 sano iyo wixi ka yar.

Qofkii ugu da’da weyna ayey da’diisu ahayd 82-sano. Taasi oo i noo muujineysa iney taclintu qof walba heer fiican ka gaari karo da’du doono ha jiro. Hadafka imtixaanka ayaa ah in la qiimeeyo aqoonta  guud ee ardayga hiigsanaya  heer jamacadeed, taasi oo waliba fursad  u noqon karta  arday farabadan iney jaamacadda hore ay ka soo galaan.

Mustafa Mohamed

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here