7 arimood oo caafimaadkaaga kor u qaadi kara Ramadaanka

2

Inta lagu jiro bisha Ramadaan dadka qaar ayaa ka eed sheegta caafimaad xumo la xiriira cuntada. Halkaan waxaan idin kugu soo bandhigayaa 7 arimood oo kor u qaadi kara caafimaadkaaga inta lagu jiro bisha Ramadaan.

1. Cun saxuurta – muhiimada ay leedahay saxuurta waa mid dhamaanteen aan wada ognahay iyo xitaa in ay sunno tahay balse caafimaadkaaga ayay muhiim u tahay in aad cunto fudud cunto xiliga saxuurta.

2. Iska yaree dufanka – Cuntada dufanka leh ayaa waxay qeyb weyn ka tahay cuntada ay Soomaalida isticmaalaan afurka iyo cashada balse waxaa muhiim ah caafimaad ahaan in aadan badsan dufanka.

3. Raac talada nabiga (nnkh) – Ee ahayd in aad isticmaasho 3 meelood cunto ah, sadex biyo ah iyo sadex hawo ah.

4. Ha hilmaamin khudaarta – Dad badan ayaa iska hilmaama muhiimada ay leedahay qudaarta, waa in aad badsataa qudaarta sida karootada. Caafimaadkaaga qeyb weyn ayay ka tahay.

5. Soco afurka ka dib – Si aad hawo caafimaad leh u qaadato, soco afurka ka dib. ku soo wareeg xaafada ama u lugee masaajidka.

6. Tugo taraawiixda – Taraawiixdu cibaado keliya ma ahan ee caafimaadka ayay kor u qaadaa. Waa jimicsi bilaash ah.

7. Waxyar seexo galabtii – Quburadu waxay sheegaan in 15 daqiiqo keliya oo hurdo ah ay qofka ka dhigi karto mid fereesh ah. Hurdada galabtii ah waxay faa’iido u tahay in aad habeenkii soo jeedo oo aad cibaadada badsato.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here