7 calaamadood oo lagu garto lamaanaha is-jecel ee farxada ku nool

9

Waxaa jira labo nuuc oo lamaanayaasha ka mid ah, kuwo ku wada nool xaalada oo ku qasabtay sida in ay caruur wada leeyihiin oo aan dooneyn in ay kala tagaan balse aan sidaa ugu faraxsanayn guurkooda iyo kuwo si farxad leh iyo damaashaad ku wada-nool, Mark Goulston oo ah khabiir ku taqasusay xiriirka bani’aadamka ayaa nala wadaagaya calaamadaha lagu garto lamaanaha ku nool xiriirka farxada leh:

1. Waxay wadaagaan xiisaha – Lamaanaha isjecel ee ku nool guurka farxada leh waxay leeyihiin waxyaabo ay wada xiiseeyaan, sida isboortiga iyo waxyaabo kale oo ay jecelyihiin in ay wada sameeyaan. Waxay isku raacaan goobaha ay xiiseeyaan oo waxaa la arkaa iyaga oo si wada jir ah u sameynaya waxyaabo xiiso leh.

2. Gacmaha ayay is-qabsadaan – Arintaan ayaa ah qaasatan mid ku adag Soomaalida oo aan inta badan la arkin lamaanayaasha oo gacmaha ishaysta. Tani ayaa muujinaysa in labada qof ay ka dhaxayso kalsooni iyo kalgaceyl joogto ah, sidoo kale waxay noqonaysaa mid muujinaysa in aad qiimeynayso lamaanahaaga oo aadan xiiso u hayn dadka kale.

3. Hab ayay isi siiyaan – Marka uu istaabto jirka lamaanaha waxa ay abuuraysaa jaceyl iyo rabitaan. Lamaanaha farxada ku nool ayaa ah kuwo maalinkasta hab isi siiya. Lamaanaha aan hab isi siin ayaa ah kuwo dareemaya kala fogaasho iyo in uusan jirin rabitaan dhexdooda yaala.

4. Isku waqti ayay seexdaan – Macnaheedu ma ahan in habeenkasta ay isku galmoodaan balse Dr. Goulston ayaa ku talinaya in lamaanaha farxada ku nool ay yihiin kuwo isku waqti sariirta fuula. Qaasatan haweenka ayaa aad u qiimeeya in ay seygooda la seexdaan oo ay aad ugu dhawaadaan marka ay hurdada isku diyaarinayaan.

5. Waa kuwo is-aamina oo is-cafiya – Lamaanaha ku waara farxada waxaa calaamadahooda ka mid ah in ay yihiin kuwo ay ka dhaxayso aaminaad, oo markii uu mid ka maqanyahay guriga uusan jirin shaki iyo daba-gal. Sidoo kale waa kuwo is cafiya markii qalad ka dhaco mid ka mid ah, oo dhinaca wanaagsan wax ka eega. Waxay sameeyaan in ay isku amaanaan marka uu qof sameeyo waxyaabo lagu farxo ama qabto shaqo wanaagsan. Halka aysan waxba ka soo qaadin waxyaabaha negativka ah. Waa kuwo is dhiiri galiya oo is-garab-taagan.

6. Waxay yiraahdeen “waa ku jeclahay” si joogto ah – Marka aad lamaanahaaga ku dhahdo waa ku jeclahay waxay siineysaa enerji iyo kalsooni, qaasatan marka aad shaqada u baxayso ama iskuulka aadayso ayay wanaagsantahay in aad lamaanahaaga habsiiso oo aad ku dhahdo waa ku jeclahay.

7. Xiriir joogto ah ayay leeyihiin – Lamaanaha isjecel ayaa ah kuwo iska warqaba oo si joogto ah ula socda xaaladooda, tani macnaheedu ma ahan in aad lamaanahaaga ku wareeriso telefoon iwm balse waa in ay jidho xiriir si lamaanahaaga uu u dareemo kalsooni, qaasatan in aad caafimaad qabto oo waxkata OK yihiin.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here