80% Soomaalida ku nool Malmö waa shaqo la’aan

Warbixin uu soo saaray urur lagu magacaabo Open Society Foundation ayaa lagu soo bandhigay cilmi baaris lagu sameeyay nolosha Soomaalida ku nool magaalada Malmö. Warbixinta oo uu soo diyaariyay professor wax ka dhiga jaamacada Lund oo lagu magacaabo Benny Carlsson ayaa lagu sheegay in Soomaalida ku nool Malmö ay ka leexdeen wadada horumarka.

Soomaalida ayaa la sheegay in ay haystaan dhibaatooyin badan oo ay ugu weynyihiin, shaqo la’aan, guryo la’aan iyo in aysan xiriir la lahayn dadka kale. Waxaa lagu sheegay warbixinta in Soomaalida ay ku dhacday niyad jab oo ay dareemayaan qiimo la’aan, ka dib markii ay ku adkaatay in ay shaqo ka helaan wadanka. 80% Soomaalida ku nool Malmö ayaa shaqo la’aan ah sida lagu sheegay warbixinta.

Soomaalida ayaa waxaa lagu sheegay in heerkooda aqoonta uu hooseeyo isla markaana ay ka yimaadeen dhaqan ka duwan midka Sweden. Benny Carlsson ayaa sheegay in xaalada Soomaalida ku nool Stockholm ay ka wanaagsantahay mida reer Malmö , iyadoo labo jibaar reer Stockholm ay shaqo haystaan.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in guud ahaan Soomaalida ku nool Malmö ay dareemayaan xaalad amaan ah balse loo baahanyahay in kor loo qaado caawimaada ay helaan. Waxaa lagu taliyay in la kordhiyo warbixinta la siiyo dadka soo galootiga ah iyo in Swedishku ay xiriir la sameeyaan Soomaalida si ay u helaan fursado dheeri ah.

Marka aan akhriyo warbixinada nuucaan ah ayaan dareemaa ciil iyo niyad jab. Soomaalida Sweden ayaa noqday kuwo markasta tusaale looga dhigto fashilka isdhexgalka iyo faa’ida la’aanta soo galootiga. Waxaa intaa dheer in ururo iyo dadka qaarkood ay shaqo ka dhigteen in sumcada Soomaalida lagu ciyaaro iyadoo markasta laga diyaarinayo cilmi baaris aan macno lahayn oo aan wax horumar ah u kordhineyn Soomaalida.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

6 Responses

  1. axme says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  2. yaska says:

    Oroar inte bror??? Det är inte skandal det är sant!!! Somalidu mahaystaan fursad ay wadanka ku dhex galaan wayo waxaan unimid wadan dadka bariis bilaash ah uun siiya. Wadankan wax aan idhaahdowaa laga faiidi kara majiro. waxbarasho ayaa ugu roon laakinse inta uu qofku jaamacad ku imaanayo ayaa wakhti dheer ah sababo laxidhidha luuqadan handkap ka ah !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!! Dadka swedhish ka ah wa dad xaga isdhexgalka iyo shaqada cunsuriyiin ku ah waaa ayna kasimanyihiiin dhamaantood…..

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  3. jessbile says:

    asc dhamaan tiin hadan ka hadlo arinkaan kusaabsen shaqalanta swedan waxaa sabaab u ah dowlada swedan iyo shacabkeeda wayo dadka ma helaan wax barsho tayo le he qofka markoow yimaado swedan waxaa la dha haa labasano oo luqada ayaa haysata inaa ku baato hadaa labadaas sano soo koo bi waayso luqada awalaan taas somali baden waa ka bixi waaysey marka wax barshado mahan mid dha maato luqadana waxey u bahanta hay waqti dheer iyo dadaaal mahan inaa soo galoo tiga la siiyo waqti gabn oo wax barasho ah marka la o gaadey swedan wax fa ida ha ey le da hay malahan oo an dib u dhaca aheen marka ilahaa talada sarta dad waxaa hay naa wax bartey hadana fa dhiya oo sha qeen maxaa saba bey taaaaas wana dad badeen gabigood ma wada qal den yihiin shaqa lan ta swedan ayaa u sabab ah wax jirana mahaaaaan swedan wana cusuriyiin swedan oo is qarinaayo mada daalo iyo ben guur af macaan cml

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  4. xussen says:

    asc wsm somaliya waxad kaan sha qalaanta weey kawada jirtaa muwaadin iyo soogaloodiba
    kaalin soomaaliya ayaa waxa uqaar ah shaeoodaha oo eeyna buuxikarin halka muwaadinta oow booxikaro
    mar aan weeydiiyay masool shirkadeed sababta soogalodiga oow ushaqalaayay ayoow yiri aniga waxa leeyga rabaa 1 mushaar 2 cashoor 3 marka fasaxaa inyar oogunaa oow leeyahay qofk iishaqeeyo 4 ina waxyaalaha leeyqabanayo eeyna marnaba xumaanin 5 marka intaas oosha roodood marka leeysaaro anigane waa in aan helo qof qibrad u leh shaqadaan oomudabadan kashaqeey jiray heestada shahaadadiiwadanka oow uga sooshaqeey ama oow kusoobartay afka iswiidhishkaahune kama marno waa ina qofku fahmayo waxa layiri inbadan ookamid ah

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. Zacki Abdi says:

    Jeesbile sxb luuqada aad leedahay laba sano laguma baran karo waan kasoo horjeedaa taas,, sababtoo ah dadka ajaanibka ah ee soogalootiga ah waxay ku bartaan kaba yar labaas sano why ayay soomaalidu uugu baran lad’dahay??? taasaa ah suaal in layswaydiiyo ubaahan…. Anu kayar labaas sano ayaan ku dhameeyay Lkn luuqadi ma dhamaato dabcan wa lagayaabaa in maalinba erey cusub aan arko,
    wa ta kale ee xagga shaqada,,shaqada waxay ila tahay sidaad sheegtay inay hoss ka cunsuriyiin ka yihiin kaliya afmacaan….

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. Mohamed says:

    Waan ka xumahay sharaf dilka somalida ku nool guud ahaan Sweden gaar ahaan Malmö. Somalida dacaayadeynteeda fikir siyaasadeed baa laga leeyahay kuwa badan oo shaqeeyo wey jiraan kuwa kalana wax bey bartaa marka loo barbardhigo jaaliyadaha kale ee carabiga ku hadla ee aan swedeshka baran kala degan hadey shaqeeyaana svart ku shaqeeya lagama hadlo waayo waa kuwa aan diin lahayn oo qamriga la caba kilabyada ka niikiya naagahodana xijaabneen. Aaniga nin jaamici somali ah ban ahay deganna Malmö waxan jogaa swdedan 4 sano sanad iyo 9 bilod ban shaqeynayaa afaf badan oo carabiga ka mid ahna waan ku hadlaa sida badan waxan arkaa qof carab ahoo degan meeshan 10 sano wax ka badan hadana aan ku hadlin afka somalidase maahan saas. shaqo la aanta somalida waa ku talagal oo isdhexgalgaa cadaadis lagu saarayaa tankale swedish ku iyagaa somalida hawas ka qaba in ay dhaqankooda dadka baraan sidaas ban loo shaqaleysiinen ilaahay ha dhowro hablaheena asturan rageena qaadka ruugana soo hanuunsho

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0