98% Dumarka Soomaalida oo gudniin lagu sameeyay

Sida lagu soo bandhigay warbixin ay soo diyaarisay hay’ada UNICEF oo baaritaan ku samaysay gudniinka dumarka ayaa lagu fgmsheegay in 98% dumarka Soomaalida ee da’dooda u dhaxayso 15-49 lagu sameeyay gudniin. UNICEF oo baaritaan ku samaysay 29 wadan oo Afrika ka tirsan ayaa sheegtay in Soomaaliya ay tahay wadanka gudniinka ugu badan lagu sameeyo dumarka.

Wadamada kale ee heerka gudniinka dumarka uu aad u sareeyo ayaa waxaa ka mid ah Jibuuti, Guinea iyo Masar oo 91% dumarka gudniin lagu sameeyay. Hay’ada Unicef ayaa sheegtay inkastoo uu hoos u dhacay gudniinka dumarka sanadihii la soo dhaafay balse aysan macquul ahayn in guud ahaan la joojiyo caadadaan. Sababta ayaa Hay’adu sheegtay in ay salka ku hayso caadooyinka bulshada iyo diinta ee ka jira wadamada baaritaanka lagu sameeyay.

Qaar badan oo ka mid ah wadamadaan ayaa xitaa sameeyay sharciyo lagu mamnuucayo gudniinta balse waxaa iska cad in sharciyadaas aysan cidna dhag jalaq u siin. 10-ka sano ee soo socota ayaa hay’ada UNICEF waxay qiyaasaysaa in 30 milyan oo dumar ah lagu samayn doono gudniinka.

Dumarka lagu sameeyo gudniinka fircooniga ayaa dhibaatooyin badan kala kulma mustaqbalkooda. Dhibaatooyinkaas waxaa ka mid ah iyaga oo ay ku adkaato caadada, galmada iyo umusha. Gudniinka nuucaan ah oo aan sal ku lahayn diinteena ayaa laga reebi la’yahay waalidiinta Soomaaliyeed. Wadamada Muslimiinta intooda badan ayaan guud ahaan gudniin lagu samayn dumarka.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

7 Responses

  1. F.M says:

    Gudniinka fircooniga waa baadil laakiin in la xalaaleeyo oo la sunno gudino waa banaan tahay.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 2

  2. abdi_r says:

    waxaas waaye nagaha somalida waxay raaxo lawayeeen masidooda udhaafan intee jarjari lahayeen 2 maahane inta kale eber waaye ebow ilahay labadaas hanoo kaso cml

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 4

  3. sofia says:

    asc ARIBKA 2SANO DHIBKIISU WUU BATAY WALINA DIIDMO AYAA SOCOTA MARKAA 15AUGST WAXA JIRA JIRA SHIR BALAADHAN OO ARINKA DADKA DHIBKU HAYTSO AY LA KULOMAYAAN HAAYADO CAALAMIAH HA LAGA SOO QAYB GALO WIXII FAAHFAAHIN AH KALA XIDHIIDHA 0767413038

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 3

  4. hassan says:

    sofia walal sare su aal iiga jawaab kawaran dadka aan caruurta laheen arinkooda isaga maleeska daboolay oo dibna lo fiirin maayo thns

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  5. sofia says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 0 Thumb down 7

  6. hassan says:

    wcs walal sofia aniga iyo dad badan ayaa u bahan ineey wax ka ogadaan marka adigo mahadsan wax ka ogtahay no sheeg isla meshan aan kala faa iideeysane walal

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  7. osman says:

    asc safiya shirkigoorme ayu dhacayaa yaasa qabanaayo malagoswici karaa mase kujiraan dadka cusub o an wali sharci lasiin o ilaa hada laga amusanyahay
    dhanka kale jimcale goan ayaa lasugayaa 15bishaan ee war kasodiyaari sxb

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0