Wiil soomaali ah oo mdaxa looga jiro oo aabihiis ku dilay Noorweey

3

Degmadda Asker, ee galbeedka ka xigtaa caasimadda Norway ee Oslo, ayaa  fiidnimaddii xalay waxaa wiil soomaali ah  ku dilay guri aabihiis oo ay ku wada noolaayeen guri.

Wararka ay saxaafadda dalkaasi ka qoreen wiilkaan aabihiis dilay, ayaa sheegaya iyagoo ka soo xiganaya dadka deegaanka oo ay wareesteen in uu ahaa wiil madaxa looga jiray. Booliskuna waxaa ay sheegeen in ay goobta ka qabteen wiilkaasi aabihii dilay loona dhaa dhiciyey xabsi oo la baari doono sababihii dhaliyey gacan ka hadalka.

Dadka soomaalida ee reeka deris la ah oo ka hadlayey falkaasi ayaa sheegay in wiilkani xanuun xagga maskaxda ah qabo, kal horena lageeyey goobaha dadka dhimirka la’a geeyo. Si kastaaba ahaatee dhac dhacdan ayaa naxdin argagax markale gelisay soomaalida dalkaasi, kuwaasoo horey ay u soo mareen falal ay rag soomaali ah ay xaaskoodka ku dileen. Wuxuu falkani ku soo beegmaya xilli maalintii shalay oo talaado aheyd  maxkamad magaaladda Oslo lugu soo saaray nin soomaali oo isagana xaaskiisi mindi ku dilay sanadkii hore.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here