Soomaalida Göteborg sidee u arkaan meleteri la geeyo xaafadaha ajaanibta?

1

Walaaca la xirriira xagga amaanka ee dadku ka qabaaan falalka ammaan daradda ah ee ku soo badanaya xaafadaha ajaanibtu ku badan tahay ee dalkaan Iswiidhan, ayaa sii kordhayaa maalinba maalinta ka dambeeysa. Ka dib wixii ka dambeeyey falkii lugu beegsaday habeen hore guri ku yaala mid ka mid ah xaafadaha Göteborg.

Rabshadahan ka dhaca xaafadaha ajaanibta ee magaalooyinka Göteborg, Malmö iyo Stockholm, ayaa keenay in la isla qaado fikirad ah in la geeyo xaafadahaasi meleteri suga ammaanka, kolba haddii booliska aannu wax ka qaban  karin.

Ra’iisal wassaaraha dalkaan Stefan Löfven, oo maalintii arbacadda ka hor hadlayey baarlamaanka, ayuu sheegay inuu soo dhaweeynayo fikirka ah in militari loo adeegsado rabshadaha ka jira xaafadaha ay ajaanibtu ku badan yihiin.

Hadalkan ra’iisal wasaaraha ayaa la kulmay guux xooggan, waxaana  aqoon yahano guuxa ka keenay qaarkood sheegeen in uu yahay fikirkaas mid hareer maraya sharciga u degsan dalka. Meleterigana aannu shaqadooda aheyn in awood ku maquuniyaan rayidka. Sidaasi waxaa idaacdda Iswiidhan u sheegay Oscar Johanssson oo ah qabiir xagga ammanka ah oo ka tirsan waaxda kuliyadda difaaca ee Försvarshögskolan.

Dhinaca kale soomaalida Göteborg ku nooli, ayaa waxeey aad u soo dhaweeyeen fikradda ah in meteriga la geeyo xaafadaha ajaanibta ay degan yihiin oo falalka ammaan xummo ka jiraan . Dadkan oo qaarkood aannu wadooyinka Göteborg kaga arruurinay ra’yigooda ayaa sheegay ineey jeclaan lahaayen in ay arkaan in xaafadaha ajaanibta ee Göteborg la geeyo sida degmooyinka Hisingen, Bergsjön, Tynnered iyo Angered. Xaafadahaas oo ay falal dil ahi oo kala duwan ka dhacaan.

Xaliimo Saciid, waa hooyo ku nool xaafadda Angered waxaa ay tiri iyadoo walaacsan ineey dareemeeyso cabsi, marka la gaaro afarta galabnimana ay ku xarooto gurigeeda oo aaneeyba adeeg doonan. Sidaasi si la mid ah ayaa waxaa isna u sheegay Somaliska.com Cali Axmadeey oo isagoo yaaban is weeydiiyey in meeshu tahay Iswiidha iyo inkale.

“Annaga hadaan nahay soomaali waxaan dalkeena uga soo cararnay xabado, hadana meeshii aan imaanay maa xabbado ka dhacaayaan, walaahi waa yaab” ayuu yiri isagooo misna intaas hadalkiisa ku daray inuu soo dhaweeynayo ciidan kasta oo wax ka badalayo xaaladaha amman xummo ee ka jira xaafadaha ajaanibtu ku badan tahay. Waana markii ugu horeeysay oo uu ra’iisal wasaaraha dalka soo dhaweeyey fikradda lugu doonayo in lugu meeleeyo ciidammo meleteri xaafadaha walaaca ka jiro ee magaaladda Stockholm.

Somaliska.com-Göteborg

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here