Aabbe caruurtiisa baadi goobaya. Dhinaca kale ee sheekada

“Aabbe Soomaaliyeed oo caruurtiisa & xaaskiisa baadi goobaya” Waa mowduucii shalay
aan qornay ee ku saabsanaa aabbe baadi goobaya caruurtiisa. Arintaan waxay ku bilaabatay ka dib markii uu ila soo xiriiray nin lagu magacaabo  Abdullahi Moalim Mohamed oo ku sugan magaalada Nairobi. Ninkaan ayaa ii soo bandhigay in xaaskiisa iyo caruurtiisa ay kala lumeen oo mudo 3 sano ah uusan war ka helin.

Si islaamnimo iyo Soomaalinimo ah ayaan u go’aansaday in aan ka qeyb qaato
baadigoobta reerkaas. Alxamdulillah ilaah waa nagu guuleeyay in aan helno gabadha la baadi goobayay balse waxaa noo soo baxday in aysan arintu sida loo qurxiyay aysan ahayn ee uu jiro dhinac kale. Gabadha lagu magacaabo Kafiyo Yusuf Ahmed ayaa nasiib wanaagsan waxay akhrisatay mowduucii aan qornay iyada oo dhinaceeda soo bandhigay. Waxay sheekadu u muuqataa in aysan jirin wax kala lumay balse ay tahay arintu mid uu soo abaabulay Cabdullahi.

Waxaan xasuusinayaa akhristayaasha in arintaas aysan ahayn sidii uu Cabdullahi noo soo bandhigay isla markaana ay tahay dhibaato dhextaala familka oo aanan xalin karin. Anigu ma xukminayo dhibaatada kala haysata labada qof laakiin waxaan cadeynayaa in aysan ahayn sidii hore naloogu soo bandhigay ee ay labo waji leedahay. Gabadha lagu magaacabo Kafiyo ayaa ii sheegtay dhibaatooyin badan oo ay tabaneyso isla markaana aan ku habooneyn in boggaan lagu soo bandhigo.

Sidaa darteed arintaan anagu sidaa ayaan uga baxnay haddaan nahay Somaliska.com

Ugu dambeyntii waxaan ku soo afjarayaa codsi aan u dirayo Cabdullaahi oo aan ku leeyahay walaal in aad warbaahinta iyo shacab weynaha gaarsiiso sheekada qaaska ah ee dhexmartay xaaskaaga iyo adiga waxay iila muuqataa mid laga fiicanyahay. Waxaan leeyahay arintaan ku xaliya sidii Soomaalidu qilaafaadka ku xalin jireen.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

16 Responses

  1. canab says:

    ASC waad salaaman tihin dhammantiin Jimcale aad bad u mahadsnathay arintaan shalay markan aqriyey wey ii muuqatay inn sisyaasad ku jirto waxayna ku fiican thay in tolku dhex galo lakin warbaahuinta wa looga fiican yhay walashay kafiyan wan la hadllay oo ku irii dhexdiina arinkas ka xaliya intii xadgudub iyo dhibato dalkan gabadha ku soo wajihi ahayd isagan waxan lenahay wiilka dhibka sheganay ilahay xaq waa du lehay ha u sahlo wixi aad una xaq u lahayna wa qalad inuu siyasad kale ku radiyo walalaha soomaliyed waxan ka codsnayna inay dhowran sharafta qofka binadamka ah iyo weliba sharafta somaliyed wadna ku mahadsan thay jimcalow sida aad uga jawabtay wa sidi saxda ahayd

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

    • rashka says:

      asc dhamaan aqyaarta ,inta boggan aqrisato waxa xasuus mudan in uu jiray nin sidaan oo kale magaciis lagu soo qoray boggan(inkastoo aan xasuusan magaciisa) laga yabee inuu ninkaan yahay, kaas uu sida Jimcaale shegay u soo qoray habaar, ninkaas wuxuu ka sheganayay in jimcaale uu qalad ka galay, weliba taas oo ah arrin dhanka familygiisa uu kala dhex galay. marka sxbkeen Jimcaale waxan kula talin laha inuu iska daayo wax aan u fiicneyn sumcadiisa oo meshan aysan noqon sida facebook page-yada oo qof walba waxa u rabo ku qorto.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. HASSAN KAAMILL says:

    acs somaalaay

    jimcaale waa ku mahadsantahay dhankaaada waaad kasoo baxday marka arinto cideey quseeyso ayeey u talaa waaana lagaranayay in meesha wax ku jiraaan lkn hadane dhibaaatada oow sheegtay ayaa na dhibeeysay marka cabdulllahi arinta qabooji hana lees fahmo wax is fahan karoon mala arkaaayo warbaahintana kadaaa arinta adigana kaafiyo waxii jirra oo dhan dhanka wanaaga allena ka raali yahay karaaac hana loo dhigu dadka eey quseeyso arinta sidaa waalidkaa& waalidkiii

    waxaaana kaa raaali galinaaaa intiiii walaaalahaa aheeyd ee shalay aflaagado koo geeysatay waxaana u mahad celinaaa intii wanaaaga idin fartay adinkana alle ha idin tuso xaqa

    anagana meeshaas aan uga harno hadaaa nahay aqristayaasha sharafta baddan

    mr jimcaale adne alle hakoo jaaziyo wanaaga aad sameeysay

    waana mahadsantihiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin dhamaantiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin walaaalaheeyga soomaaliyeed

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. ugas bile says:

    asc umada somaliyad walaalyaal hore ayaa u arin arimaha nucan aha oo kale marka waxaye ku fiican in aan waxa laga soo qorin waayo waa arin ceeba ku ha aniga waxaa dagan sweden waxaan arka markii aan si dhiibaye gabar aan ku baran karated waxaye ii sheegat in laqabo hadan waa waxaye barta ninkii qabaye dhowar bilad kadiba waxa i ninkii ayaa soo wacaye oo leha sxb gabartii waxaye leedaha waa ka fasaqey marka somaliad waa taqaan sheekas mar maanta waa aduuniyo bari waa aqiro qof walba ah ku talago in uu dhimayo waayo adiga maanta mashaan aad jagto waxa ku keen allah bari waa minkar ninka ku qaba marka walshad waxa leyahaye ku samir curuurda abee howd mar walaba kale hartan hadii aad kale tegteen waa madi masha ku jarito bbbbbbby ugasbile lidköping

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  4. Qoordhere says:

    Asc dhamaan walaalaha somaliyed hadaan guda galo fikirkeyga xun waxaan dareemi karnay in meesha qalad kujiray hadana waakan soo baxay qaladki marka hore waxaan dhaliilayaa cabdullaahi oo siqaldan usoo bandhigay arinkaan 2 waxaan dhaliilayaa jimcale oo kufududaaday arinkaan inuusoo qoro inkasta owdadaalay qofkastana wudaremi karaa in qalad jiro dadka ilmaha isudhalay dadbaa dhalay lana dhashay ayagaana xalin kara ee maahan in saxaafada siqaldan uu u isticmaalo asagoo dacaayad wada nin rag ah sida 2 qabqable ama hogaamiye inleysku dhaafsado warbaahin hadal maaha waayo owlaad ayaa idiin dhaxeyso ayaga udaneya hadaan wax kudheelana haleyga raali ahaado

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. MASLAXO says:

    Asc.

    Dhamaan walahaaha wanaaga iyo maslaxada ka shaqeeyo waa ay mahadsanyahiin inta qaldana allaha soo hanuuniyo.

    Aniga waxaan walaal Jimcaale ka codsanlaahaa si xushmad ku dheehan tahay in uu qoraalkan meesha ka saaro ileen meeshaan ma ahan Maxkamad amo goob fadeexadeed. Walaalkey Cabdulaahi arintiisa allaha u boogo dhayo laakiin ha ka daayo sidaan dhaqan wanaagsan ma aha. Walaashey Kafiyana hadii la dulmiyay ha sabarto Allaa u gargaarayaa haddey ayada dulmi wadatana ha ka towbad keento oo arintaan wax ha ka xaliso.

    Fadlan Jimcaaloow haddeey Soomaalinimo jirto oo ay Saxaafad wanaagsan jirto walaaloow Maqaalkan meesha ka saar.

    Waa iga talo haddaan qaldamay cafwan.

    Mahadsanidiin

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  6. Jaamac Dheere says:

    Salaan ka dib.

    Jimcaaloow Walaaloow Mr. Maslaxo qofka la yiraa ayaa kula hadlay si waliba caqli iyo xigmad ka buuxdo ee fadlan meesha ka saar maqaalkan maqaaal fadeexadeedkaa. Saxaafadana in sidaan loo isticmaalo waa mamnuuc.

    Mahadsanid

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  7. muse says:

    ASC dhamaantii waxaan filayaa in markii wax laqorayo ama war lagalinyo internetka ay tahay in lahubo waxaan ama aqoon looyeeyahay waxa ka jiro arinta.
    Jimcaale talo iga hoo waxaad moodaa meeshaan aad wax ku qorto in ay sii dhumayso marka ka illaahi waxyaabaha aad qofto oo aan hubaalka ahay shalay ayad qortay maqaal in baa iyiri ayaad qortay hadana gabarbaa itiri ayad qortay waxaadna noosheegaysaa dhibaato u dhaxaysa qoys marka ninyohow waxaani waa wax saxaafada ka fog iyo xeerkeeda ee iska daaa.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. aaa says:

    badanaa intay xaajadani tahay beenteenii aan kala joogsiga lahayn ee haddana ana isu wada sheegaynay iskuna wada garabsiin jirnayn

    allah ka yaab soomaaliyeed beenta iska daaya

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  9. ifrah says:

    wad salaamantihin dhaman walalaha somaliyad anigu waxay tahay fikradan qabo in aay tahay dumarka markay yimadan wadamada shiisheeyee inkasta aniguba ahaay dumar laakiin ruuntii aad iyo aad ayan u dhaliilay dumarka waxay ismodan in eey yimadan janadi ama ilah joogin qurbaha dumarkow kabaqa ilahi naa abuurtay raga idinqaba kadaya difirada bal hada naagta isku sheegaysa kafiyo xagee u wada caruurta ma waxay isledahay ninka cusub aya wax u qabanayo wa hadii eey tahay shekada tii shalay uu ninkii sheegay laha wan qaba kafiyo mahadsanid xumatana ulama jedo walashay kafiyo ee wan xanaqay markii aan arkay ninka calacalayo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. Iniin says:

    Asc jimcaale mahad oo dhan rabi ayeey u sugnaatay tan kale ugaas adigana waad mahadsantahay aqii mida kale kaafiyo waxaan si toos ah u leeyahay in eey ilmaheeda aabohood wax walbo uu yahay ugu dulqaadato in uu been sheego waxa ku kalifay ma ahan wax yare kaafiyo candhuuftaada dib ulaq una naxariiso ale ha kuu naxariiste waxaan kaaga codsanaya si muslinimo walaalti nimo iyo soomaali nimo waxaan qalday wax eey u ahaadeen naf iyo sheeydaan waxaan saxayna alaha ween .

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. hins says:

    asc waxan halkan kasalamaya dhamaan qorayada iyo fekred wada yaasha tan kale hadi an ka hadlo aniga fekredada horta wax jira anigu garan mayo alle un ba garanaya waayo labada qof oo isqaba alle aya u dhex ah lakin wax an leyahay cadullahi hadi ey dhabkatahay arintan wa in u sixushmad leh u xaliyo inaga oo an isticmalin websedyada iyo war bahinta gabadhan kafiyo ahna wax an leyahay walashis alle ka baq oo kayaab waxa kan wa aduunyo xisaab akhiro ba jirta nin shan ka dhalay u dulqado oo usamer hadi dabi u kagalay wa kasobaxaya ninkas laken adigu ha gelin tankale fereda ah yurub ayan jogna wa qalad yurub naarta inaga celin meyso xisabtana ino khafiifin meyso ee horta alle halaga cabsado waxan lahan jirney diin iyo dhaqan so jireen ah ee ha ladhowro tan kale jimcale walaal illah ban kugu dhariye ee waxas wa fadexad ee mardame ha soqorin wa ceeb iyo dhaqan dooris

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. ahmed says:

    jimcaale sxb side ku dhihi kartaa qofkasa qaldana adigo labada dhinacba ka dhagestay waxi ay kuso qoreen teeda kale waxa ka keenay cabdulahi inu dhaho rer kega iga lumay wan wada daremi karnaaaa aqyarey yaan runta laga ganban micnaha wa rer europe marke tagen iska amusay xarirki qoyskana jaray

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. abbe says:

    Asc marka Hore salaan qaali ah maskiinkan ilaahey ha u gargaaro sababto ah dumarka somalida markey yurub imaadan ninkoodi hore waa ilooban ku kale ayeey ku qabsadan ´xitaa waxaa laga yaba in uu asaga soo dhoofiyey naagta ayaa qadalka leh

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  14. ayaan says:

    asc walalaaha soomaliyeed waxan idin leeyahay saxafada waa dhaxdhaxaad marka jimcale kuma uusan qaldaneen in uu ku qoro boga sababtoo ah waxa uu islahaa reerka intas caruur isku dhalay isku raadi madamna ista ee joogaan ona sifiican loogu aqristo wadankan bokan marka walayay kafiyo iyo cabdullahi labada wixii qaldan allah ayaa og marka waxan jeclaan lahaa wixii idin dhaxyaalo in adan saxafado usoo bandhigin sas ayaa wanagsan in ad xelisaan ileen dhaqankeena ma ahan in qoys soomaliyeed uu saxafada qilaafkooda dhaxdhigo xaqana alla idin waa fajiyo amiin jimcaale waad ku mahadsantahya qalad ku milihid dadal lee kaa eheed mahadsanidiin dhamaan walaaha soomaliyeed asc

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  15. hassan says:

    asc dhamaan qoraga iyo akhristayasha somaliyed maqabo anigu arintan in ay saxafada ceeb ku tahay waayo waxaa suuragal ah in dadkaan kala duwan markay waaniyaan qaarna uduceyaan in arintu qaboobi karto tan qoraha waa dadal fican in ow dad kala lumay hadeyba jirto isku raadiyo waxan ku diday qoraaga shalay markuu ninka waxla radinayey wuu laqunaa manta markuu gabadha arkane wuula xumaaday benbuu i shegowna yiri waxan dhihi lahaa 2 dooda midna ha rumeysane alaa og xalku sida owyahaye adigu wajibkagii gudatay waxan dhihi lhaa dadka arinkan cebeynaa waxan anigu dhihi lahaa waa wax wanagsan in wax la isku radsho weliba la isku maslaxo waxan kaloon qabaa in bog laga furo meshan kuwa isqilafa aledartii loogu maslaxeeyo waad mahadsantihiin dhamaan aqristayasha iyo qoraha

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0