Aabbe wiilkiisa middi ku dilay oo xabsi lagu xukumay

7

Aabbe 53 sano jir ah oo wiilkiisa oo 7 sano jir ah midi ku dilay magaalada Umeå ayaa lagu xukumay 18 sano oo xabsi ah. Aabaha ayaa qirtay in uu dilay wiilkiisa balse waxa uu diiday in uu yahay gacan ku dhiigle. Ninkaan ayaa sheegay in uusan ogeyn ficilka uu sameeyay. Wargeyska Expressen ayaa sheegay in ninkaan uu dhiiga iska dhaqay markuu dilay wiilkiisa.

Ninkaan ayaa la sheegay in uu sugay ilaa xaaskiisa ka tagto isaga oo sidoo kale albaabka qasab uga saaray sodohdiis ka dibna wiilka yar guriga ku xirtay oo 17 jeer midi ku dhuftay.

Ninkaan ayaa la sheegay in sababta uu u dilay wiilkiisa ay ahayd in uu doonayay in uu dib u soo ceshada awooda guriga ee ay kala wareegtay xaaskiisa. Xaaska ayaa la sheegay dhowr jeer oo hore in ay dacweysay ninkeeda.

Falkaan ayaa dhacay 10kii bishii July ee sanadkaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here