Aabe ajanabi ah ayaa gabadhiisa toorey ku dilay magaalada Katrineholm ee gobalka Södermanland maalintii shalay. Ninkaan ayaa booliiska isku soo dhiibay asagoo dhiig leh ayadoo ay boolisku sheegeen in uu dilka la xiriiro wax loogu yeero "Sharaf dil". Dilalka nuucaan ah ayaa caanka wadamo badan oo Carbeed iyo Aasiya ayadoo familka gabadh ay dilaan gabadhooda si ay u ilaaliyaan sharaftooda. Gabadhaan la dilay ayaa la sheegay in uu furay ninkeeda ayadoo hada ay ku jirtay dacwad ay ku haysato ilmaha ay wada dhaleen. Aabaha ayaa sida boolisku ay sheegeen markii uu saldhiga booliska yimid ku qaylinayay "Waan dilay, Waan dilay". Booliska ayaan cadeyn dhalashada dhabta ah ee aabaha wax dilay balse waxay sheegeen in uu ajanabi yahay. Dilalka loo yaqaan "Sharaf Dilka" ayaa ah kuwo lagula kaco dumarka oo ay kula kacaan reerkeeda ka dib markii ay gabdhuhu sameeyaan wax reerku ay u arkaan in sharafta familka ay meel uga dhacday sida sino, in ay guursato nin aan cida ka dhalan ama ay diido in ay la dhaqanto nin qasab loogu daray. Aftonbladet.

Aabe gabadhiisa Katrineholm ku dilay

Aabe ajanabi ah ayaa gabadhiisa toorey ku dilay magaalada Katrineholm ee gobalka Södermanland maalintii shalay. Ninkaan ayaa booliiska isku soo dhiibay asagoo dhiig leh ayadoo ay boolisku sheegeen in uu dilka la xiriiro wax loogu yeero “Sharaf dil”. Dilalka nuucaan ah ayaa caanka wadamo badan oo Carbeed iyo Aasiya ayadoo familka gabadh ay dilaan gabadhooda si ay u ilaaliyaan sharaftooda.

Gabadhaan la dilay ayaa la sheegay in uu furay ninkeeda ayadoo hada ay ku jirtay dacwad ay ku haysato ilmaha ay wada dhaleen.

Aabaha ayaa sida boolisku ay sheegeen markii uu saldhiga booliska yimid ku qaylinayay “Waan dilay, Waan dilay”.

Booliska ayaan cadeyn dhalashada dhabta ah ee aabaha wax dilay balse waxay sheegeen in uu ajanabi yahay.

Dilalka loo yaqaan “Sharaf Dilka” ayaa ah kuwo lagula kaco dumarka oo ay kula kacaan reerkeeda ka dib markii ay gabdhuhu sameeyaan wax reerku ay u arkaan in sharafta familka ay meel uga dhacday sida sino, in ay guursato nin aan cida ka dhalan ama ay diido in ay la dhaqanto nin qasab loogu daray.

Aftonbladet.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

1 Response

  1. issa din digfeer says:

    waxa amin sanahay in ay waxba ka soo socon madama ay thay safarad shaqo ugu dambesay 1991 kii waxaa batay benta somalida oo lagyabo in ay sanadkii soo xareyso 2-3 qof
    bye digfeer

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1