Aabe Soomaaliyeed oo ilmihiisa xaq u leeyahiin dhalashada Sweden maadaama uu asaga Swedish basaboor leeyahay ayaa dhibaato ka haysataa sidii uu ilmihiisa ku keensan lahaa. Aabahaan oo lagu magacaabo Mohamud Madara oo wareysi siiyay wargeyska Dalarnas Tidningar oo ka soo baxa magaalada BORLÄNGE ayaa sheegay in Laamaha Dowlada Sweden ay midba warbixin gooni ah u sheegayaan. Waloow aabahaan ay haysato dhibaatada haysata Soomaalida Sweden ku nool ee ah in ay cadeeyaan aqoonsigooda ayuu hadana uga duwan yahay dadka kale maadaama ay ilmihiisa Swedish yihiin ilaa markay dhasheen sida uu dhigayo sharciga Sweden. Aabahaan oo Sweden soo galay sagaashameeyadii ayaa qaatay dhalasha Sweden sanadkii 2000 asagoo 7 sano ka soo guursaday Soomaaliya halkaas oo 3 ilmood ugu dhasheen. Waloow ilmihiisa aysan waligood Sweden imaan hadana sida uu dhigayo sharciga Laanta Socdaalka maadama aabaha uu dhalashada leeyahay oo ilmaha ay ku dhasheen guur waxay si toos ah u qaadanayaan dhalashada Sweden. Aabahaan ilmihiisa ayaa hada ku xayiran Addis Ababa ayadoo laga diiday cadeymaha uu soo bandhigay maadama Sweden aysan aqbalin waraaqaha laga keeno Soomaaliya. Ilmaha ayaa lagu adkeeyay sidii ay ku qaadan lahaayeen baasaboorka Sweden si ay u soo safraan, dhinaca kale ilmaha ayaan u diiwaan gashaneyn Waaxda canshuuraha Skatteverket in ay yihiin Swedish. Maadaama aqoonsiga Soomaaliya aan la aqbali karin ayaysan macquul ahayn in ilmaha laga diiwaan galiyo Skatteverket balse rajo ayaa jirta maadaama loo sheegay in la qaadi karo DNA. Maadaama ilmaha aysan ka diiwaan gashaneyn Skatteverket oo aysan lahayn Personnummer macquul ma ahan in ay qaataan baasaboorka Sweden. Sida caadiga ah dadka haysta dhalashada Sweden ee ilmaha ugu dhashaan dibada ayaa u soo safra Sweden iyaga iyo ilmahooda ka dibna dalbada baasaboorka balse ilmahaan ma soo safri karaan maadaama baasaboorka Soomaaliga aan la aqbalin. Maxamud ayaa u muuqda in uu ku dhexdhacay shuruuda lagu soo rogay Soomaalida sanadkii la soo dhaafay waloow xaalkiisa uu ka duwan yahay dadka kale.

Aabe ilmahiisa Swedish yihiin oo loo diiday in loo keeno

Aabe Soomaaliyeed oo ilmihiisa xaq u leeyahiin dhalashada Sweden maadaama uu asaga Swedish basaboor leeyahay ayaa dhibaato ka haysataa sidii uu ilmihiisa ku keensan lahaa. Aabahaan oo lagu magacaabo Mohamud Madara oo wareysi siiyay wargeyska Dalarnas Tidningar oo ka soo baxa magaalada BORLÄNGE ayaa sheegay in Laamaha Dowlada Sweden ay midba warbixin gooni ah u sheegayaan.

Waloow aabahaan ay haysato dhibaatada haysata Soomaalida Sweden ku nool ee ah in ay cadeeyaan aqoonsigooda ayuu hadana uga duwan yahay dadka kale maadaama ay ilmihiisa Swedish yihiin ilaa markay dhasheen sida uu dhigayo sharciga Sweden.

Aabahaan oo Sweden soo galay sagaashameeyadii ayaa qaatay dhalasha Sweden sanadkii 2000 asagoo 7 sano ka soo guursaday Soomaaliya halkaas oo 3 ilmood ugu dhasheen. Waloow ilmihiisa aysan waligood Sweden imaan hadana sida uu dhigayo sharciga Laanta Socdaalka maadama aabaha uu dhalashada leeyahay oo ilmaha ay ku dhasheen guur waxay si toos ah u qaadanayaan dhalashada Sweden.

Aabahaan ilmihiisa ayaa hada ku xayiran Addis Ababa ayadoo laga diiday cadeymaha uu soo bandhigay maadama Sweden aysan aqbalin waraaqaha laga keeno Soomaaliya. Ilmaha ayaa lagu adkeeyay sidii ay ku qaadan lahaayeen baasaboorka Sweden si ay u soo safraan, dhinaca kale ilmaha ayaan u diiwaan gashaneyn Waaxda canshuuraha Skatteverket in ay yihiin Swedish.

Maadaama aqoonsiga Soomaaliya aan la aqbali karin ayaysan macquul ahayn in ilmaha laga diiwaan galiyo Skatteverket balse rajo ayaa jirta maadaama loo sheegay in la qaadi karo DNA. Maadaama ilmaha aysan ka diiwaan gashaneyn Skatteverket oo aysan lahayn Personnummer macquul ma ahan in ay qaataan baasaboorka Sweden.

Sida caadiga ah dadka haysta dhalashada Sweden ee ilmaha ugu dhashaan dibada ayaa u soo safra Sweden iyaga iyo ilmahooda ka dibna dalbada baasaboorka balse ilmahaan ma soo safri karaan maadaama baasaboorka Soomaaliga aan la aqbalin.

Maxamud ayaa u muuqda in uu ku dhexdhacay shuruuda lagu soo rogay Soomaalida sanadkii la soo dhaafay waloow xaalkiisa uu ka duwan yahay dadka kale.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

9 Responses

  1. ibrahim says:

    ibrahim, waxa aan ahay nin haysta dhalashada sweden ilaa laga soo bilaabo 1997 ,waxaan aan tagey somalia oo soo guursaday waxana ii dhashay sadex caruur ah ,waxa aan geeyey caruurta iyo hooyadood mudo laga joogo sadex sano ka hor addis ababa ,waxa aan safarada ku xareeyey waraaqihii dhalashada ee isbitaalda somaliland anigoo leh waxaan doonayaa in aad ii diiwaan galisaan ma doonayo in ilmahayga aan swden geeyo ,warqadihii oo dhan wey diideen iyagoo leh waxaan raaceynaa sharcigii soo baxay 1991, sharigaas waa mid jira hase yeeshee waxa jira kuwo kale oo iyguna jira oo aan xaq u leeyahay ,sidaas darteed maadama aan ahay mawaadin xafiiska socdaalka iyo maxkamadu xil iskamay saarin arinteyda sidii ay u furdaamin lahayd maadama ilmhu sadex sano hotel ay ku jireen taas oo aan u arko danbi aad u weyn oo ka soo horjeeda xuquuq insaanka waxana ee deeda iska leh oo ay ku shabadeysan tahay abid maxakamda swden oo ay ahayd in ay dawlada u gudbiso sharicigan labaatan jirsaday ee macquulka ahayn in si kale loo maareeyo ,hadii maxkamad cadaalad ah ay jirto markiiba waxay oran lahayd dna halaga qaado oo daaqad ayey ii furi lahaayeen,waxaan se leeyahay hadii xitaa la ii ogolaado bilaa shuruud marna jacyel uma hayo sweden inta maxkamad la soo taagayo kuwa maxkamadaha ka shaqeeya ,hadii aan la ii ogolaana waxa ilmahayga loo diiday wadan aan masuliyad iska saareyn mawaadinka dhibkiisa si loo xaliyo.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      Runtii waa xaalad qalafsan in ay ku dhahaan muwaadin ayaa tahay ilmahaagana aysan fursad u siin in ay kula noolaadaan. Lawyer ma qabsatay oo si fiican ma uga dooday arintaan? Dadka adiga oo kale ah waxay ka fursad fiican yihiin kuwa deganaanshaha keliya haysta waxaan ku talinayaa in aadan ka harin oo maxkamada ugu sareysa aad la korto.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  2. Ahmed says:

    Asc jimcale arintan ma dhici karta odayga asaga wax ka qaldan yihn 3years wuxu radinayey inu ilmaha dhalasha u helan taasna ma dhicin.marka ay u surageli weysana inu dhalasha u hela wuxu dalbaday reunification kadibna waxa qabtay sharciga cusub somalida ayu la qaba taasna.dad ka dambeyay 2009 dhamadkeda dalbaday aya loo ogolada march 2010 kadib wixi ka baxsan. Marka asaga ayan rabin marki hore in loso wada ciyalkisa.qaladka asaga leh

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  3. Massago says:

    Aabe Maxa,ud dhibka waa isla wada qabnaahe hayska adkeysto Farajj khayr qabo Allaha furo, Lakin waxaa iga su,aal ah 1991 baasaboor kadambeeyay ma,aqoonsanin ayaa la dhahay qofti dhashay 1992 rabana inaw yimaad Swedn intow ka kenaa basabor dhacay asiga oon dhalan?

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. Ahmed says:

    Asc walaal ibrahim waxad tiri ilmahayda uma rabi in aan geya sweden. Waxadna leedahay sharci ha ligu sameya ilmaha.ma waxad doonaysa ilma jooga dibada in lugugu siya dhaqale mise wadankan ayad u rabin ciyalka iney ku iman .hade naga jahil bixi walaale arintan

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. Ahmed says:

    Asc waa arin yaab leh shuruudaan soomaalida lagu soo rogay waxay timid mars 2010 ilmaha intaas la raadinaayey waa cajiib. waxaan dhihi lahaa wax baa qaldan maxamuud hadaad swedish tahay iyo haddii kale ee murugta heysta dadka haku kordhinin. dadkaan wax farxad leh ayey doonayaan.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. hibo says:

    waa yaab hadii dadka dhashada hestay xitaa caruurtoda lo diidayo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. xujo says:

    HORTA SOOMALIDA WAXBAY ISKU QASAAN OO WAA WAXA SOOMALIYA OO DHAN U QARXAYSO RIYO AYAAD KU JIRTAANE WAKE UP BAAN IDIN LEEYAHAY. ILMO AAN HALKAAN KU DHALAN OO HOOYADII AMA AABIHII MUWAADIN YIHIIN CARUUR AY AFRICA AY KU DHALEEN MAXAA MUWAADIN KA DHIGAY? WAA TAN IDINKA LUNSANE WAAYO ILMAHA HALKAAN KU DHASHAY OO WAARIDKA MID KAMIDA HADDII UU HAYSTO BAASABOORKA WEYN OO WADANKAAN AH AYAA ILMUHU KU QAADAN KARAA WAARID LAAKIIN HADUUSAN WAARIDKU UUSAN LAHAYN BAASABOORKA WEYN CARUURTA KAN YAR AYEY LA QAADANAYAAN.
    HAL JEER BAASABOORKA WEYN ILMAHA WAA LA SIIN KARAA WAA MARKA UU AABUHU AMA HOOYADU DIBADA KA SHAQEEYAAN OO SKATT AY BIXIYAAN OO ILMO WADANKA AY JOOGAAN UU UGU DHASHO SKATTKA WAAD USOO SHEEGAYSAA INAAD ILMO DHASHAY ISLA MARKAANA SAFAARADA AYAAD USHEEGI INAAD ILMO AY HALKAAN KUGU DHASHEEN TAASI WAA MACQUUL, LAAKIIN ANIGA HALKAAN AYAAN JOOGAA ILMANA AFRICA AYEY IIGU DHASHEEN WAA INAY HELAAN BAASABOORKA WEYN WAA RIYO QAROW KU JIREE HURDADA KA KACA.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. ibrahim says:

    asc dhaman tiin siiba jimcale ,anigu hadda waxan ku noolahay ingriiska swdena waan u shegey taas oo wey og yihiin oo cinwaankeygan ayey warqadaha iigu soo diraan ,waxa kaliya oo markasta oo aan warqad u qoro maxakamada ay igu jawaabaan waxa weeye in waraaqaha aqoonsi ee soomalida ayna tixgalin u hayn ,maadama hoyada iyo caruutu aysan wax kale haysan ,dadkale oo sideyda ah oo degen sweden oo layar qabsaday waan arkey oo loo diiday isku midna aan nahay anigu waxa kaliya ee aan codsaday waxa weeye in iyagoo halkooda jooga la ii rajistar gareeyo maaha keenid taasna xaq baan u leeyahay layer sweden ah waan la hadlay arintana waan u faahfaahiyey wuxuuna ii shegay in xaq aan u leeyahay in ilmaha laguu diiwaan galyo hase yeeshee waxaan arkay dad badan dhibkan oo kale haysto waxna umay suuroobin sida ay wax yihiin ma garan karno ,anagana dadaal nooma yara ,isku soo wada duub waxa ay maxkamadu ku dhagan tahay lama aamino karo warqadaha somalida ,arintaas waxa shaki bixin ku sameyn lahayd DNA waa maxay sababta ay sidaas ugu shaki bixin waayeen arimahan ay cakiriyeen maxkamadaha sweden ,hadii se ay hadda soo wadaan DNA maxay markii hore u odhan waayeen sidaas baa arinku ku hagaagi karaa intas nabadeey.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0