Aabe: wiilkeyga masaajidka ayuu aadaa, iskuulkii waa iska dhaafey

0

Aabe Soomaaliyeed ayaa wiilkiisa ku dacweeyay maamulka iskuulka iyo booliska ka dib markii uu iska dhaafay iskuulka oo uu waqtigiisa siiyay masaajidka sida ay soo tabisay idaacada Sweden (SR).

“Aad ayaan uga walwalsanahay dhalinyarada ku nool Sweden, waxaan leeyahay wiil 23 jir ah, iskuulkii wuu iska dhaafay, mana shaqeeyo masaajidka keliya ayuu aadaa” ayuu aabahaas u sheegay SR.

Aabahaan ayaa ka xun in wiilkiisa uu iska dhaafay iskuulka oo uu quraanka oo keliya aqristo.

“Quraanka waad aqrisan kartaa, waxaan nahay Muslimiin balse quraanka kuma farayo in aad waxbarashada iska joojisid. Quraanku wuxuu leeyahay ha joojinin waxbarashada” ayuu intaas ku daray aabuhu.

Asagoo sheegay in uu la hadlay maamulka iskuulka iyo booliska balse aaminsan in uu san wax caawimaad ah ka helin.

Balse Laanta Amaanka Sweden (Sapo) ayaa ka dib wareysiga idaacada sheegtay in ay aad u soo dhaweynayaan waalidiinta doonaya in ay kala hadlaan arimaha nuucaan ah.

Aabahaan ayaa sheegay in uusan aaminsaneyn in wiilkiisu uu noqon karo sida qofkii isku qarxiyay sabtidii Stockholm oo kale balse uu walwalsanyahay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here