Aadaankii ugu horeeyay oo looga dhawaaqay Sweden

13

Shalay jimcihii ayaa Sweden waxaa ka dhacday taariikh muhiim ah. Masaajidka xaafada Fittja ee ku yaala degmada Botyrka ayaaFittja noqday masaajidkii ugu horeeyay ee looga dhawaaqo aadaanka salaada. Muslimintii soo xaadirtay salaada ayaa qaar badan ilmeeyay iyagoo u mahadceliyay Allah guusha uu siiyay iyo dowlada Sweden oo ogolaanshaha bixisay.

Masaajidka Fittja ayaa loo ogolaaday in jimcaha oo keliya laga aadaamo. Muslimiinta shalay salaada ku tukatay masaajidka Fittja  ayaa ka kala yimid daafaha Stockholm iyo xitaaa qaar ka yimid magaalooyin kale si ay uga qeyb qaataan maalintaan taariikhiga ah.

Qaar ka mid ah masaajida kale ee ka dhisan Sweden ayaa ku dhawaaqay in ay dowlada ka dalbanayaan in iyagana loo ogolaado aadaanka. Sharci ahaana ayaysan jirin wax mamnuucaya aadaanka balse waxaa waajib ah in ogolaansho laga helo maamulka degmada iyo booliska.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here