Abshiro oo dadaal dheer ka dib dhamaysay dugsiga sare

11

Abshiro Ahmed Barre waxay dadaal dheer ka dib ku guuleystay in ay dhamayso dugsiga oo ay noqoto kalkaaliso (undersköterska). Abshiro oo hada 48-sano jir ah ayaa wargeyska Hallands Nyheter uga warantay wadadii dheerayd ee ay u soo martay waxbarashada iyo mudadii ay ku riyoonaysay in ay noqoto qof waxbartay.

Abshiro oo ku barbaartay baadiyaha Somalia ayaa waligeed ku riyoon jidhay in ay maalin waxbarato. Hooyadeed ayaa ahayd umuliso, iyadoo doonaysay in ay ku dayato oo raacdo raadkii Hooyo. Markii ay magaalada soo galeen ayay Abshiro doonaysay in ay iskuul bilowdo balse taasi uma suurto galin oo waxay noqotay guri joog hooyo ka caawisa arimaha qoyska.

Abshiro ayaa sanadkii 1990 waxay soo gashay Sweden qaasatan magaalada Falkenberg, iyadoo aan waxna qorin waxna akhrin. Markii ay Sweden timid ayay ceeb ku noqotay in ay tahay qof ummi ah, iyadoo isbartay sida wax loo qoro ka dibna ku biirtay iskuulka SFI. Abshiro ayaa doonaysay in ay waxbarashada sii wadato balse arimo kale ayaa ka soo dhexgalay oo ku jiraan caruur iyo arimo qoys.

Sanad iyo bar ka hor ayay Abshiro soo gashay dugsiga sare qaasatan barnaamijka daryeelka caafimaadka:

“Sanadkii kowaad waxaan dhowr jeer ku fikiray in aan iska dhaafo iskuulka balse aad ayaan u dadaalay. Macalimiintayda ayaa qeyb weyn ka qaatay kuwaasoo fahmay in Swedishku uusan ahayn luuqadayda hooyo isla markaana si fiican wax iigu sharaxay” ayay tiri.

Dhamaadka bishii December ee sanadkii tagay ayay Abshiro dhamaysay dugsiga sare ee ku yaala degmada Skogstorp oo ay qaadatay shahaadada.

“Waxaan dareemayaa farxad iyo in aan guuleystay. Marnaba isma dhihin waa gaaraysaa” ayay hadalkeeda ku soo afjartay.

Qisada Abshiro ayaa muujinaysa muhiimada ay leedahay dadaalka waxbarashada iyo in qofku uusan marnaba ka harin riyadiisa. Sidii hore loo yiri, Dadaalaa waa gaaraa! Abshiro waxay tusaale u tahay haweenka Soomaaliyeed iyo ragga ku nool Sweden in ay ka faa’idaystaan fursadaha waxbarasho ee ka jiran wadankaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here