Adeegyada bulshada oo laga rarayo Rinkeby

Xaafada caanka ah ee Soomaalidu ku badanyihiin ee lagu magacaabo Rinkeby, Stockholm ayaa markale waxay ku jirtaa warbaahinta Sweden. Rinkeby oo caan ku ah soo galootiga faraha badan ee isugu tagay halkaas ayaa u muuqata in dowlada Sweden ay dooneyso in ay nolosha ku adkeyso dadka halkaas ku nool.

dhacdada ugu dambeysa ayaa ku saabsan xiritaanka iskuulka lagu magacaabo Bredbyskolan ee ku yaala xaafadaasi iyo inta badan maamulka Stockholm oo isku raacsan in la xiro iskuulada Bussenhusskolan ee Tensta ku yaala iyo Akallaskolan. Ma ahan iskuulada oo keliya balse horey ayaa Rinkeby waxaa uga guuray haydihii muhiimka ahaa ee dowlada sida försäkringskassan, Arbetsförmedlingen iyo daryeelkii caafimaadka oo dhaqaalaha laga yareeyay.

Hadaba muxuu yahay qorshaha dowlada ee ku aadan xaafada Rinkeby? Maamulka Stockholm ayaa sheegay in ay iskuulada u xirayaan maadaama baahida iskuulada ay ku badantahay xaafadaha kale oo aysan dooneyn in ay lacag ku bixiyaan iskuulo aan la isticmaalin.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa macquul ah in sababtu ay midaas ka duwantahay, oo la doonayo in la bara kiciyo soo galootiga halkaas isku aruursaday in ay u guuraan qeybaha kale ee dalka. Haddii adeegyada muhiimka ah ee dowlada ay meesha ka baxaan waxay goobtu noqoneysaa meel nolosheedu adagtahay. Bal fikradihiina ku darsada!!!

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

15 Responses

  1. AHMED MUDANE says:

    asc dhammaan akhyaarta sharfta leh oo kutixan Somaliska.com fikirkayga hadii cabiro mar hadii nahay dad aan udhalan wadanka waxaa muhiim ah in bulshada aan ladhaqanno oo aanan kukoobnaan hal meel uun. maxaayeelay waxaa imaanaya in la arko uun xumaanteena wanaageenuna meesha kabaxo ileen hadii somali nahay meesha aan dagno inay isku badalee lamadagaan aan qiima lahayn waan ognahay.. marka sumcadeena dhulka inay gasho taa ayaa sabab u ah.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  2. Mohamed says:

    asc waxey ila tahay aniga fikirkeyga marka aan cabiro aad ayaa looga wanaagsanyahay in umadi hal meel ku aruurto marka aan ka hadlo gaarahaan soomaalida waxey jecelyihiin iney hal meel kaliya wada joogaan sidaasi maqurxana wadankani waa wadan weyn haddii goboladoo dhan aan degno waxaan u maleynayaa in culeyska hadda na saaran uu yaraanaayo mahadsanidiin.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  3. bishaaro says:

    Salaan ka dib adinka ahaan iska soo qaada Soomaaliya haddii meel kaliya ay dagaan dad cadaan aah so ma is dhaahaysan dadkan meeshe ma dhaxalayaan ama cafad kaliya logu yeedho astaan wadan ilma fiicana waxa wanagsan in Soomaalidu aay dhax dagaan dadka wadanka leh aaysan meel gees ah dagin sababto aah waxaa badanaya dhibada ilmahana waba ku halabayaan

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  4. Axyaa Wadani says:

    Run ahaantii Qaladka ugu wayn waxaa leh Shirkadaha Guryaha , maxaa yeelay . haddii Guryaha Kirada hal meel laga wada dhisho , halkaa unbaa la isugu tegaa , maxaa yeelay taa waa wax caadiya oo Magaalo walba iyo Tuulo walba , Shirkadaha Guryaha kireeya xaafado gaara ayay Guryaha ka kireeyaan , dadkuna waa qaxooti halkaa unbeey isu aruursanayaan .

    Mida kale waxaa laga yaabaa in dhibaato ka dhalato , meesha faa’iido laga doonaa , oo Ciyaal Gagska deegaan u noqoto.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  5. xassan says:

    asc salaan asxabta somaliska salaan ka dib aniga waxa ay iila muuqtaa shekada in ay intaas ka wayn tahay maxaa yeelay wadanka anaga kaliya kuma noolin ajaanibtana wa badan yihiin arab iyo turkiba ha u badnaadaane waliba xafadahooda darooga ayaaba lagu gadaa wayna is aruursadan marka mida kale somalida meesha ay isku aruurstay waxaa ku jiro faaido badan sida in ay furtaan dugsiyo goobo ganacsi iyo ururo marka haddii lakalo yaaco intasba gacanta waa ka baxee laga yaabee isku xirnaanteena in ay dhib u arkeen oo taas nalugu colaadinaayo tana waa fekerkeyga gaarka ah waadna mahadsantihiin

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  6. Asad jeyte abdi says:

    asc walaal aad iyo aad u mahad san tahay dowlada swiidhan waayo halkaas dad nolsha ka dhacay aa dagan oo magaca soomaliyey nooga ciyaray marka fikradeyda waxaan dihi lahay kataga mesha oo wax qabsada haka shekeyni qabiil iyo qurun

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  7. superdeeqo says:

    salan kadib aniga waxaa ila fican in ey Somalida eysan degin hal meel bes adunka ilahey wow weyneyay marka magaaloyinka kale ha kala degan ayan leeyahay aniga sababto ah hadii an hal meel dagno rabshadena ayaa badaneso

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  8. geele says:

    haaa

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. kulane says:

    wan idin salamay dhaman aqiyarta,hadan ka hadlo fikir keyga wxa ila quman aan isaga gurno rinkeby oo raadsano mel ka wanagsan.waa ognahay waxa halka lagu haayo in loga hadlo qabiil iyo siyasad iyo wax an lo bahnen marka somalay noqoda dad wax qabsada ha ku mashqulina rinkeby

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. dalmar says:

    salaan kadib fikirkayga aya waxa uu yahay inay kuhaboontahay in lagararo adeegyada oo idil rinkby waayo waxay noqotay bakaaro mana qurxoona saas maxa idiin diiday hadad soomaali tihiin inaad tuulooyinka uguurtaan dantiinan raacdaaaaan shaqaad kahelaysa tuulo sharaftaada aya kuasturan waaa laga jecelyahy wax baad katahy qiiaad kaleedahay been idiia sheegayo ee noloshu waxay idinka jhirta tuulo DIB ISUGU NOQDA SOOMALIYEEY FAKIR INTAAN LAGA FAAIIDAYSAN

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  11. saciid cali says:

    Asc akhyaarta runtii waa arin aad ufiican in lafaguro amuurahaan. horta somali waxey taqanaa in hal meel ladago taana waalaga fiicanyahay sverige meeshaad ka dagtid waa sverige sabatoo ah bada biyaheyda waa dhanaan meel walbo aduunka kamid hadii aad cabtid biyaha bada marka maxaa nalaga rabaa inaan dagno kiruna boden gällivare jokkmokk arjeplog alvsbyn arvidsjaur piteå överkalix luleå kalix haparanda pajala övertorneå gobolka Norrabotten aan camirano qabow aan ka ordeynaa naga daaya sheekadaas kuleel aan ka soo orodnay qabow aan ka orodnay waa ceeb xataa västerbotten aan dagno umeå skellefteå struman malå norsjö vindeln åsele vännas sorseles bjurholm war gobolkaan xataa shaqooyin fara badan ayaa diyaar ka ah ee diyaar aa unoqono inaan wadanka dagno lkn göteborg iyo stockholm ayaan rabaa war haka dhigana ee aan is qabano wabillahi towfiiq

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  12. Salax... says:

    Asc dhamantin marka hore waxan rabaa inan mid idin xasusiyo dadka kale e ajanibta ah yanan lagu hadal qabsan sababto ah svarige wan ognahay dadka ugu lito wa inaga hadan lagar qadana hormar lama garayo wad aragten dumarki qimaha lahan jiray iney ceyr darted carurtodi abo la an ka dhigayan ragina eysan isku dayayn shaqo wan ogahay waxad la so bodi donta cer ku qancow meqan shaqo radinayay shaqada waxa ka horeyo xirfad e xirfad baro shaqada guriga ayey kugu imanaysa rinkbeyna waxa ron in la isaga guro sababto ah waxad arkaysa wadad ceyr ku nol o ku faraxsan xasuqa somaliya ka jira

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  13. abdikaafi says:

    wadsalamantihiin arintaaneyto waa arin lagubararujinayo soogalootiga halka meel isugu uruuray siayudhexgalaan dadka ay martida uyihiin xafadas cadimahan maraan fasax kutagay waxaan kuarkay waxlayaableh dhalinyaro aan kuqirasay 12jiro camal oo soomaliah ayaa bas aan lasocday ayay waxaykasookoreen qaybta dhexe darawalkii ayaa uyeeray siay kaarkooda uu uhubiyo waxaa dhacay waxaan layaabay way diideen kadib baskii ayuu dansaday ilaa ay kayimadan hortiisa markuu waydiiyay karkii ayay kudheheen mahaysano wuxuu kuyiri daga waydiideen kadib wan sookala dhexgalnay arintii waxaan kuqancinay inay da´gaan intan boolis loowicin waydageen waxaan umaleenay inay iskatagi donaan maxaa dhacay kadib layaab midkamida ayaa horistaagay baskii ooyiri igudhufo ama naqaad anagoo yaxyaxsan waxay dhalinyaradeenii samenayaan ayaan iskudaynay aniga iyo 3dhalinyaro ah oo baska saarnaa inaan mudo 15diiqo ah uubaskii xayirnaado kadib waan qancinay anagoo laftigeena wajigabax naga muuqdo waxaa laga yaabaa arimobadan ookuwaasayto kadaran inayjirikaraan lkn aan laogayn oo dadkaanayto an martida unahay ayqarsanayaan mafiicna adeega bulshada inlagawayo xafadaas wayo dad ka dhib iyo waqtibadan ayaa uga dhumaayay inay meelkale uraadiyaan artidayda waa arin anwanaagsanayn

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  14. Ragiihore says:

    Kkkkk wlaahi waa yaaab ma somalia oo beeshiiisa meel ay kubadantahay miyuujogaa igudhufo baska maqal? Magaalo kamid somalia magaalooyinkeeda waaweyn aan waxaan ku arkay wiil yar oo qoriwata aa meel laamiga udhow waxuu dhiganaa kursi kabihiisa midkamid ah ayuu kutuuraaa laamigaas gaaarigii dhaafa kabtaaas heeeee asagalee kajawaabaaa, kaagadaran darawalada kabaha xataa dadka kadhamaada oo lagasootuuro xaaafadaha oo laamiga iskayaaala oo gogo’an xataaa way kayara istaaagaaan ayagoo dhinacyada wadada kafiiriniya cunug fadhiya,kkkkkkkkk ar ilaahow dalkenii dowladeeniii,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. abdirahman says:

    Asc Hadii aan fikaradeyda ka dhiibto runti arinka eey dowlada wado waa wax aad u fiican sababto ah ,datka dagan rinkeby ilmahooda wax ma bartan waxaan ka aheen tuugo nimo walidka xitaa ma yaqaano luuqada sababto ah mar walba dadki ayuu ku dhax jiraa waxaad arkeysa mid jooga 15 sano hada turjuban loo qabanayo waa wax aad loogu farxi in la cunaqabateeyo ,,xitaa dowlada waxaan dhihi laha ku adkeeyga wax walba si eey mesha uga cararaan

    MHV
    abdirahman

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0