Af-Soomaaliga oo ka mid noqday luuqadaha muhiimka ah ee Sweden

11

Af-Soomaaliga ayaa bilihii ugu dambeeyay ka mid noqday luuqadaha muhiimka ah ee Sweden ka dib markii lagu daray luuqadaha lagu gali karo imtixaamka laysanka baabuurka. Ka dib dabkii ka kacay keymaha gobolka Västmanland ayaa isbuucaan waxaa dhaliil loo jeediyay maamulka gobolka in aysan dadka aan Swedishka aqoon ku wargalin luuqadooda.

Maamulka gobolka (Länsstyrelsen) ayaa go’aan ku gaaray in macluumaadka ku saabsan dabka ay ku qoraan English iyo Af-Soomaali. Luuqada Soomaaliga ayaa sidoo kale ay shirkado waaweyn iyo hay’adaha dowliga ah bilaabeen in ay ku qoraan macluumaadkooda. Shirkadahaas waxaa ka mid ah Comviq oo boggooda Amigos ku turjumay luuqada Af-Soomaali si la mid ah English iyo Carabiga.

Inta badan hay’adaha waaweyn ee dowlada sida Arbetsförmedlingen, Försäkringskassan, Migrationsverket, CSN ayaa macluumaadkooda ku qornaa Af-Soomaaliga in muddo ah. Xisbiyada siyaasada iyagana sidoo kale macluumaadkooda ku daabacaya Af-Soomaali maadaama ay fooda nagu hayso doorashada oo dhici doonta bisha September.

Muhiimada la siinayo Af-Soomaaliga ayaa ka dhigan in ay kor u kacday sumcada Soomaalida Sweden ama in shirkadaha iyo hay’adaha Sweden ay yaqiinsadeen muhiimada macaamiisha Af-Soomaalida ku hadasha.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here