Af-Soomaaliga oo lagu daray luuqadaha lagu gali karo imtixaanka baabuurta

36

Hay’ada Sharciyada Wadooyinka (Trafikverket) ayaa shaacisay in ka bilaabata 16 bisha Juun lagu dari doono Af-Soomaaliga luuqadaha lagu gali karo imtixaanka Laysanka baabuurta (kunskapsprovet – B).

Arintaan ayaa ah mid Soomaalida ku nool Sweden ay mudo dheer codsanayeen iyadoo farxad galinaysa Soomaali badan oo imtixaanka kombutarka uu aad ugu adkaaday. Trafikverket ayaa boggooda internetka ku qoray in imtixaanka lagu gali karo luuqada Af-Soomaaliga ka dib 16 Juun, waxay intaas ku dareen in ay waajibtahay in aad doorato luuqada marka aad imtixaanka balansanayso. Haddii aad horay u dooratay Swedish kuuma suurtagalayso in aad badasho luuqada marka aad imtixaanka galayso. Waa imtixaanka kombutarka B oo keliya waxa Af-Soomaali lagu turkumay.

Imtixaanka kombutarka ee kunskapsprovet ayaa hada lagu turjumay 14 luuqadood.

Arinta aan la hubin ayaa ah in imtixaanka ku qoran Af-Soomaaliga uu ka fududaan doono midka Swedishka ama Englishka maadaama luuqada Soomaaliga ay tahay mid sideeda adag isla markaana aysan jirin macluumaad si fiican u faahfaahsan oo sharaxaya sharciyada wadooyinka oo Af-Soomaali ku qoran.

Sidee kula tahay adiga? Ma isleedahay imtixaanka Af-Soomaaliga wax weyn ayuu u fududeyn doonaa Soomaalida?

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here