Afghaanta oo koobkii magangalyo doonka kala wareegtay Soomaalida

10

Sanadkii la soo dhaafay iyo bilowgii sanadkaan ayaa Soomaalidu waxay ahaayeen dadka ugu badan ee iska dhiiba Sweden balse sida lagu soo bandhigay warbixin cusub oo ay soo saartay Laanta Socdaalka Sweden (Migrationsverket) hada waxaa goobkii tirada magangalyo doonka la wareegay dadka ka yimaada Afghanistan.

Sanadii hore ayaa waxaa magangalyo ka dalbaday Sweden 1905 qof oo ka yimid Afghanistan halka tiradaas ay sanadkaan noqotay 3314 qof. Soomaalida ayaa ku jirta qeybta labaad oo ay ku xigaan dadka ka yimaada Eritrea iyo Ciraaq.

Waxaa sidoo kale kor u kacay tirada dadka caruurta isku dhiiba ee ka yimaada Afghanistan iyadoo sanadii 2010 ay iska dhiibeen 878 caruur ah, halka sanadkaan tiradaas ay noqotay 1323 qof. Sababta ka dambeysa siyaadada Afghaanta ayaa lagu macneeyay amaan la’aanta ka jirta wadankooda iyo in uusan mustaqbalka wanaagsaneyn maadaama la filayo in ciidamada ajaanibta isaga baxaan dalkaasi.

Laanta socdaalka ayaa degenaansho siisay 70% dadkii Afghanistan ka yimid ee iska dhiibay dalka. Warbixinta ayaa lagu sheegay in xitaa sanadka soo socda la filayo in Afghanistaantu ay ahaadaan tirada ugu badan magangalyo doonka.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here