Aflagaadada nabiga, xoriyada hadalka iyo xamaasada Muslimiinta

32

Waxaan filayaa in akhristayaasha inta badan ay ka daawadeen telefishinada caalamka xiisada ka taagan wadamada Masar, Libaya iyo wadamo kale oo Muslim ah taasoo ku wajahan jawaab laga bixinayo filim lagu aflagaadeeyay nabiga (nnkh) oo ay soo saaareen dad ku nool maraykanka.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa mudaharaadyo rabshado wata ka dheceen wadamo badan iyadoo safiirkii Maraykanka ee Libya iyo 3 kale lagu dilay magaalada Benghazi ee dalka Libya. Safaarada maraykanka ee Masar ayaa iyadana gudaha loo galay oo calankii la gubay laguna badalay midkale. Yemen ayaa sidoo kale ka dhacday.

Carada muslimiinta ayaa waxaa kiciyay ka dib markii niman aan magacooda saxda ah soo sheegin ay internetka soo galiyeen filim aad loogu aflagaadeeyay nabi muxammed (nnkh) kaasoo ay ku tilmaameen waxyaabo aan xitaa lagu tilmaami karin qof caadi ah iskaba daa rasuul Allah soo diraye. Filimkaas oo la soo galiyay Youtube ayaa ah mid aad u foolxun oo qofkii daawada uu dareemayo caqli xumada iyo ciyaal suuqnimada dadka abuuray.

Wamada reer galbeedka ayaa ku tilmaamay in aysan waxba ka qaban karin filimkaan maadaama ay dadka abuuray leeyihiin xoriyada hadlaka (Freedom of speech). Iyadoo ay jirto waxa loogu yeero xoriyada hadalka ayaa hadana ay tahay mid munaafaq nimo ah oo markii ay doonaan ay ka hor yimaadaan markii kalena ay dhahaan waa jirtaa. Waxaa ka mid ah wadanka germalka oo aan la amaani karin Hitler ama aan Yuhuuda wax laga sheegi karin balse markii Muslimiinta wax laga sheego ay tahay xoriyada hadalka.

Arinta kale ee meesha ku jirta ayaa ah in filimkaan iyo sheekadaan loogu yeero xoriyada hadalka ay labada yihiin dabin ka dhan ah Muslimiinta iyo Islaamka. Waxaa muuqata in Muslimiinta ku nool wadama aan kor ku xusay in ay ku dheceen dabinkaas.

Iyadoo ay sax tahay in laga caroodo oo laga xumaado aflagaadada ka dhanka ah nabi muxamed (nnkh) ayaa hadana waxaad u malaysaa in xamaasada Muslimiinta qaarkood in ay xadka dhaaftay. Waxaad la socotaan in nabi maxammed (nnkh) uu yahay kheyru khalqillah, oo hadal xun oo macno daro ah ama filim uusan waxba u dhimayn sharaftiisa. Islaamka waxaa taageersan Allah oo dacaayad kasta oo laga sameeyo waxay abuurtaa in dadku ay diinta u soo galaan si ka badan sidii hore.

Aniga waxay ila tahay in arinta ugu weyn ee dhaawici karta magaca Islaamka iyo Muslimiinta in ay tahay xamaasada rabshada wadata ee ay ku dhaqaaqeen Muslimiinta qaarkood, waa in la helaa wado kale oo lagu cambaareeyo aflagaadada ka dhanka ah nabigeena iyo diinteena balse rabshaduhu waxay keenayaan in aan ku dhacno dabinkii naloo dhigay ee ahaa in “Muslimiintu ay yihiin dad rabshado jecel, in islaamku uu yahay diin colaadeed” sida ay ku doodaan cunsuriyiinta iyo kuwa neceb diinta Islaamka.

Waxaa kale oo xasuus mudan in la ogaado in uusan nabi muxammed (nnkh) uusan rabshad iyo xamaasad ku dhaqaaqi jirin markii la aflagaadeeyo ama xitaa dhaawacyo loo geystay.

Sidee kula tahay  adiga?

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here