Agaasimaha xafiiska shaqada (Arbetsförmedlingen) oo shaqada laga cayriyay

5

Haweenayda agaasimaha ka ah xafiiska shaqada (Arbetsförmedlingen)  oo lagu magacaabo Angeles Bermudez-Svankvist ayaa shaqada laga imacayriyay ka dib markii ay la soo daristay fadeexado ku saabsan safaro ay dibada ku tagtay iyo sidoo kale hawsha Xafiiska Shaqada oo noqotay mid aad u liidata.

Fadeexadaha la soo gudboonaaday haweenaydaan ayaa waxaa ka mid ah in markii ay u baxday safarada shaqada ee ay wadamada kale ku tagtay ay reerkeeda dalxiis u kacaysay isla markaana qarashka ay ku soo dalacday dowlada. markii ay dibada u safartay ayaa qarashka telefoonkeeda keliya waxaa uu noqday 310 000kr.

Ka dib kulan ay la yeelatay golaha maamulka ee Xafiiska Shaqada maalintii jimcadii ayay u sheegeen in aysan ku qanacsanayn shaqadeeda isla markaana ay haboontahay in ay iscasisho. Balse hadalkaas ayay ka carootay iyadoo warbaahinta u sheegtay in aysan shaqada ka cayrin karin cid ka hooseysa wasiirada dowlada. Hadaba maanta ayaa wasiirka Suuqa Shaqada Hillevi Engström (Arbetsmarknadsminister) waxay kulan ka qaadatay agaasimaha iyadoo u sheegtay in shaqada laga cayriyay wixii maanta ka bilowda balse shaqo kale oo dowlada ah loo samayn doono.

Haweeneydaan agaasimaha ka ah Arbetsförmedlingen ayaa qaadata mushaar gaaraya 142 400kr/bishii , iyadoo ah agaasimaha labaad ee ugu mushaarka badan hay’adaha dowlada. Waxaa ka mushaar badan agaasimaha Hay’ada Caymiska bulshada (Försäkringskassan) oo qaata 147000kr/bishii. Haweeneydaan ayaa mushaarkeeda qaadan doonta mudo 1 sano ah oo ay ka shaqayn doonto xafiisyada dowlada.

Arbetsförmedlingen oo ka mid ah hay’ada dowlada kuwa ugu muhiimsan ayaa waxaa lagu eedeeyaa waxtar la’aan iyo musuqmaasuq. Hay’adaan ayaa xitaa waxay laamo ku leedahay wadamo kale oo dibada ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here