Amaan iyo dhaliil loo jeediyay nidaamka magangalyada Sweden

Nidaamka magangalyada looga dalbado Sweden ayaa la sheegay in uu ka midyahay kuwa ugu wanaagsan aduunka. Hay’ada UNHCR oo u kuurgashay go’aamadii ay laanta Socdaalka gaartay labadii sano ee la soo dhaafay ayay ku amaaneen hawshooda balse waxay sheegeen in loo baahanyahay horumar.

Laanta Socdaalka ayaa la sheegay in kala bar dadkii iska dhiibay Sweden labadii sano ee la soo dhaafay ay siisay magangalyo. Marka laga soo tago amaanta loo jeediyay Sweden ayaa laanta Socdaalka lagu dhaliilay in aysan si isku mid ah ula tacaalin kiisaska dadka isla markaana qareemada loo qabto dadka ay yihiin kuwa aan hawshooda si hufan u gudan.

Hay’ada ayaa ku talisay in shaqaalaha Laanta Socdaalka la siiyo waxbarasho dheeraad ah iyo tababar joogto ah si ay ula socdaan xaalada sharciga aduunka.

Sweden ayaa markii loo barbar dhigo wadamo badan oo Yurub ah sida wadamada dariska ah ee Norway iyo Denmark waxay tahay mid kaga wanaagsan dhinaca soo dhaweynta magangalyo doonka. Soomaalida iska dhiibta gudaha Sweden ayaa qaasatan sanadihii dambe waxaa aad loogu fududeeyay sharciyada.

 

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

15 Responses

  1. Aden says:

    waa run xaga sharciga Sweden way ka fiicantaha
    y Norge iyo kuwaan kale oo dhan
    waxaa jirto un shaqo la aan xun kkkkkkkkkkk
    lkn waxaa layiri Nicmo walba nusqaanteeda ayay leedahay
    kkkkkkkkkkkkkkk
    Asc sxb iyo jicaale

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 0

  2. Dhuxulow says:

    Haaaaa madhihi Karo aniga waayo waxaa jira dad badam oo aan aqaano oo ilaaa sedax sano wadan Kaan ku nool oo welena sherci lasiin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  3. HASSAN KAAMILL says:

    Axsan haaaa hadey qeyb diiden iney kenaan walbo qeybta imaaday ha siiyaano sharci kuley ujeeda ayaa jirtee waxaa maqli jiray aqli gaalo&indha quranshaba lama arko

    waa salaamantihiin dhamaaantiin!

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  4. mohamed aweys says:

    asc dhamaan baahda somliska
    salaan kadib wadanka swedn waa mid soo dhaweeyo magangalyo doonka
    lkn su,aasha ayaa ah waa la qaabilay dadkii is dhiibay sharcigna waa loo fududeeyay
    markaad sharciga qaaday oo dalbaday ubdkii uu dhalay oo rafaadka iyo qaajada ugu soo tagay waa loo diiday maxuu dheefay ama laga faa,iiday ?sharciga maxuu u taraa ?

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  5. omar says:

    asc walalayaal dowlada sweden soo dhaweynta wan ku amaaneynaa qofna lama xaqiri karo wanaagiisa gaalba ha ahaadee mida kale inta sugeysa sharcigana waxan illaah uga baryaa inuu uga soo qaado mida kale wallalkeyga maxamed aweys adigana waa sax hadalkaada qof sharci heysto hadane caruurtiisa loo diidey lkn ogow sweden ineysan noo diidi laheyn hadii aan anagu ahaan laheen dad isku duuban anagaa is qayaaney una sheegney in aan nahey dad aan la aamini karin waxana ka dhaxalney in caruurteenii nalagu xujeeyo cadeyn inaan dhalney iyo in kale mida kale walaal ogsoonow sharciga aad heysato inaad meel walbo ugu safri karto laguna leeyahey meel kasta oo aad ka degto markii la arko passka aad wadatid mahadsanid in laguugu jawaabaayo marka hadadheysato sharci ogow wallalkaa ama walaashaa ayaa sharci heysan waana muhiim mar walba inaad fiiriso qofka adiga kaa hooseeya wadna mahadsan tihiin wabillaahi towfiiq

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  6. Madina Cumar says:

    a.s.c. waad salaamantihiin dhamaan bahda barnaamijka salaan kadib waxaan leeyahay
    ninka la yiraa omar shaeciga la isiiyay hadaanan caruurteydi la ii keeneynin maxaan

    ka faa iidaa ma ii sheegikartaa mida kale qofka sharciga ka sugayo hadda sweden

    waxaan kula talin lahaay inuu isaga tago maxaa yeelay mar hadaan caruurti la ii

    keeneyn wax aan kafaa iidaayo ayaanba jirin baasaboorka la igu aqoonsaday
    muxuu ii taraa marba hadaanan caruurna heysan shaqona haysa ma ku faanaa?

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. omar says:

    asc kkkkkkkkkkkk madino abayo sow kama darna adigoo sharci la aan ah wadan kalena aadan iska dhiibi karin calaashan farahaagii aad dhigatey halkaan markaad sharciga hesho ayaa xaq u leedahey in laguu keeno caruurtaada mahadsanid

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  8. sahal says:

    asc aniga waxaan layabay iguna noqotay dhakafaar rer raha kala maqqan ee layidhi soo cadeya somalinimadini kana kena dalkiin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  9. Cadde says:

    Asc sweden xaqiiqadii way ku wanaagsan yihiin xaga sharciga qof aan sharci lahayn waxma dalban karo mashaqaysan karo marka waa in qof walbo wanaageeda looqiro tankale midaynta reeraha waa lahelayaa halasabro insha allaah.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. janaqaw says:

    asc waan idin salaamayaa dhamaantiin walaalayaal salaankabacdi haayadaas baaritaanka ay samaysay waamid sax ah dawlada sweden dadka way soo dhawaysay laakiin waaxda socdaalka ayaan taba bar fiican haysan sidaa daraadeed waxaad arkay saa wax badan dad isku kiis ah oo isku meel kayimi oohadana midna sharcigii lasiiyay midna loodiiday waxaad hadana arkaysaa in aanu sifiican kuugu doodikarin looyarka laguu qabtay waayo aqoon umalaha buuxda shaqadan uuka shaqaynaayo oo taba bar
    ayaa kadhiman

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  11. maxamed says:

    haa sweden wa wadan wacan laakiin aniga wey idiidan sharci waxan jooga 10 saano koley waxba leygo diiday mise waxa idhiman wakhtiigi alee ii qoray in aan sweden kaqato sharci

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. kali says:

    soomaalida waxaa haya cudur layiraaho guura madage kolba dhan unbay uyaaci norwaybaa fiican sweden baa fiican heblaayaa fiicanta unba waligeed kujirtaa wadakiibaa fiican ee ku soo laabta oo wadamada ragbaa leh oo dhistaye isga kaalay kiina dhista oo nabdeeya ,calaacalka iska daayay soomaalyeeeeeeeeeeeeeeeeeeey

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  13. abooto says:

    sharci siinta iswedhan aad ayaan ugu mahad naqaynaa hadaan soomaali nahay waxay noo soo dhaweysay si fiican waana xasuusnaa doonaa abaalkaasna waa u haynaa dowlada swedan laakiin wax aan fiicnayn ayay sameysay oo ah ilmaha in ay noo diido soomali hadaan nahay ama baasaboorkeen ha aqoon sato ama DNA hanaga qaado swedhan waa dowlad qani ahe

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  14. run sheeg says:

    waa salaamantihiin dhamaan . teeda klae sababta leesku diiday in ilmaha leesku keeno ma taqaaiin walaahi waxey tahay somalida aa shaqeysan oo sugaayo oo kaliya in loo biilo ciyaalka aamba shaqeysan ee isku xishooda ee shaqo raadiya ceer lee sugeysii caruurtana in nila biilo ayaa rabtiin inta aad ka dhiatiin …

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. axmed says:

    dadku samilida ahi xagay waxka arkeen waa yaabeh horaa loo dhahay shanta farood masina dadkuna wa asasa oo kale yaan been la isku sheegin yurub wa aisku mid swedn & norway wax ayku kala duwan yihiin majirto waalaba wadan oo isku mid ah yana dadka been laga dhaadhicin haday sweden kufiican tahay magan galyo doonka dadka 8 sano joogay oo bilaa sharciyada ah bay waxsiiso cajiib ,,,,,,

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0