Amal waxay Sweden ku soo gashay qaxooti maantana dhaqtar

Gabadha lagu magacaabo Amal Ali waxay Sweden soo gashay iyada oo da’yar, iyadoo ka soo carartay colaadii ka taagnayd Somalia. Maanta Amal waa dhaqtar dhinaca ilkaha ah oo u taagan caawinta bukaanka Soomaalida. Amal oo Sweden kaga baxday jaamacad isla markaan rasmi ahaan ugu nool magaalada Göteborg ayaa hada ka shaqeysa magaalada Oslo ee Norway.

Sababta ay ugu guurtay Norway ayay ku sheegtay in ay tahay iyada oo doonaysa in ay caawisa bukaanka Soomaalida, isla markaana ay wax ka barato xaalada Soomaalida. Amal ayaa qorsheynaysa in ay mustaqbalka xarun caafimaad ka furato magaalada Göteborg. Waxay sidoo kale ku rajo weyntahay in ay dib ugu laabato Somalia oo ay ku biiriso aqoonteeda caafimaad.

Markasta oo ay booqasho ku tagto Somalia ayay Amal waxay si mutadawacnimo ah waxay u caawisaa dadka ilkaha ka xanuunsan.

“Waxaan doonayaa in aan caawimaad bixiyo aniga oo muujinaya in aan wali Soomaali ah, anigoo sidoo kale huwan Swedishnimada” ayay tiri Amal.

Waxay intaasi ku dartay in ay aad u jeceshahay Sweden oo ah gurigeeda. Waxay dareemaysaa in ay Swedishnimadu kaga badantahay Soomaalinimada balse saasoo ay tahay ayay hadana doonaysaa in ay labada dhaqan si wada jir ah u qaadato.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

7 Responses

  1. nuurtomacalin12 @hotmail. com says:

    Masha Allah quruxeey hambalyo dadaalkaada waxbasho ee aad ku gaartey Allah ha ku xifdiyo aamiin abaayo

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 1

  2. mowliid says:

    mansha allah hambalyo amal alla haku xafido waad dadaashee

    Fikrad lala dhacay Thumb up 5 Thumb down 0

  3. mowliid says:

    hambalyo hambalyo

    Fikrad lala dhacay Thumb up 5 Thumb down 0

  4. aswan says:

    hambalyo hambalyo abaayo ilahay ha ku xifdiyo dadaalkaad samaysay

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 0

  5. Saafi says:

    Hambalyo habo ilaah somalida ilmaheeda adookale haka wada dhigo Insha allah

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  6. Labada dhaqan ha dhihin ee dhaqankayga somaliga dheh dhaqan iswiidhish waa duli nimo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 1

  7. mandeeq says:

    masha alaha habolly
    o haballyo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0