Amineh Kakabaveh oo wali suuqa ku jidha Soomaalidana ku eedaysay labo wajiilenimo

Amineh Kakabaveh oo ah xildhibaanadii dayaacada ka faafisay Soomaalida ayaa isbuucii hore waxay heshiis xisbiga Vänsterpateriet (V) kula gashay in aysan ka hadlin arimaha siyaasada oo ay waqti kooban ka fariisato balse haweeneydaan ayaa u muuqata mid madax adag, iyadoo shalay dayaacad kale oo Soomaalida ay ku jeesjeesay ku soo qortay boggeeda Facebook, ka dibna saartay muddo gaaban.

Waxay si jees jees ah ugu mahad celisay dadkii xisbigeeda ka tirsanaa ee ka qeyb galay mudaharaadkii ay Soomaalidu ka dhigeen Örebro. Iyadoo isweydiisay sababta aysan Soomaalida ugu mudaharaadin marka caruurta lagu qasbo guurka, shareecada Islaamka iwm. Waxay isku tilmaamtay mid iyada lagu hayo weerar isir naceyb ah, iyadoo sheegtay in ay sii wadayso dagaalka ay kula jidho waxa ay ugu yeerto Islaamka asaliga ah iyo xagjirnimada.

Haweeneydaan ayaa sidoo kale waxay cadiifad ka dhex abuurtay qowmiyada Kurdida iyo Soomaalida, iyadoo isbuucii hore ay dhowr qof oo ka tirsan qowmiyada Kurdida ay aflagaado ka dhan ah Soomaalida ku soo qoreen Facebook, halka qaar kale ay saxaafada soo mariyeen in Soomaalidu ay taageersanyihiin dowlada Turkiga oo sidaa darteed ay u necebyihiin kurdiyiinta.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

13 Responses

  1. siraad says:

    War asbax gaduudan yaa naag qabsado. Kurdi maxa naag galaay anaga. Naagti ineey somali saa. Oga haraan mahaan.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  2. Somaliboy says:

    Adiga neh naagtaan Ayaa iska aragtay sxbow kor uga bax

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 2

  3. Ahmed says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 0 Thumb down 6

  4. somali baan ahay says:

    qof kii somalida u dooda markaad somaliland ku sheegtaan amaba aad somaliyeey dhexdiina is cunsuraysaan maxaa la idinku daya, soo in kabaha la idinla maro ma haboona markaas, waxaad noo soo gudbinaysaa naag somali cunsuriyeysay cunsuri kaa wayni ma jiro adiga oo ah puntlands neceb somalida koonfur iyo waqooyiba. ama daacad ka ahow somalinimada oo dadka wax kuu taraya cunsurinimada ka daa amaba cunsurigaa ahow oo hanoo soo sheegin cida kale umada cunsuriyeysa iga talo wana iga hadal cadiya hadaad carootay raali iga ahow ma jecli in qof bini adam ah inaan dhibo lakiin fikirkayga sidaan ayaan kugula talin lahaa sxb

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 3

  5. Zaki says:

    Ahmed cunsuri batahay lahjada maxa ku diiday xarami waa xid

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  6. Moha says:

    alloow umdan u gargaar

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  7. Moha says:

    waa ayaan daro in hal naag ay harga garto oo sheco ah sorry somaliyey

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  8. Moha says:

    waaxsa wax nogu wacaan dawlad la aanta walaahi sorry sorry

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. Abdinasir says:

    Ahmed aboow af reer xamaraa lagu qoraa xitaa ka wrn kkkkkkkk sheekoo keenay kulahaa afsomaliga saxda ah af soomaali been eh muu qorooyaa Jimcaale waaba yaabayee kkkkkkkk

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  10. baashi cade says:

    Kkkkkkkkkkk soomalida maxaa kaqaldan war naagtan waa cunsuri xaraamiyad ah islaamka neceb waxa soomalida kudiray ayagaa isugu wacan sababtoo ah qoraalkii ayaaba lagu hishiinwaayay midnimo iyo dad iska celis maxay kugaaraan war iskuxishooda iswaydiiya gaalkasta cunsurikasta maxaa so malida kudiray maxaa caruurta somalida bas looqaataa ma is waydiiseen waa talo xumo maangaabnimo indhawgarad dadka kudhexnool is jaasuus dhexdiina tusaale waxaa kugu filan kuwa aflaagaadaynaayo soomalida walahood wax usoogubiyay

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  11. baashi cade says:

    Marka fadlan waa siyaasad qoto dheer ilko abeeso hoostay kaxiriiraan waa maahmaah qofkasta caqli usxb ah fahmikaro tusaale waxaa hadalka meesha kuqoran kamid ah islaamka asaliga ah ee xagjirka ah waa dadka islaamka ku adag diintana sax uheesto ay ula jeedo islaamka sunniga ah waa gaal xagjir diimeed ah musiibadeeda ilahy ayada haku rogo soohabaara ducada muslimka waa maqbuul sixun ha u dhimato allow cadawga islaamka ciida kahormarisaa ameen dhaha idinkana

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  12. Faisa says:

    Ascww, waa loo jeedaa in ad cusuriyad talat, naagan waa se layaabaye ma pga Miyagi in Antalaya ajnabi oo ayadaba ay koran dad nicib. Laakiin aqoon umalaha somali. Maryaha ayqabana ma pga dad aad u qiimo badan in aykujiraan,tedayse kahadashay iyo aragtideead gabay oo ku salaysan jaa hilnimada.aad ayaan ugu mahadcelinayaa inta kabanan baxday iyo inta ka jawaabtayba. Ragayaga qaaliga ahna ana idinka xaalsiiyey. Haday oganlahayd toosh ayey ku radinlahayd.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0