Amir Adan oo markale isku sharaxay Baarlamaanka Sweden

17

Amir Adan waa xildhibaan da’yar oo baarlamaanka Sweden (Riksdagen) loo doortay sanadkii 2010, isagoo mudadii uu ka tirsanayaa amir-adanbaarlamaanka sheegay in uu qabtay hawlo muhiim ah. Amir ayaa shaaciyay in uu go’aansaday in uu dib isugu sharaxo xubinimada Baarlamaanka isagoo doonaya taageerada shacabka.

Amir ayaa sheegay in mudadii uu ka tirsanaa baarlamaanka Sweden ay u siyaaday aqoon iyo waayo aragnimo siyaasadeed. Waxa uu sheegay in mooshinkii ugu horeeyay ee uu baarlamaanka hordhigay uu ku saabsanaa Mideynta reeraha Soomaalida isagoo sheegay in ugu dambeyntii guul laga gaaray arintaas, guushaas oo aysan ka dambayn mooshinkiisa balse la xiriirtay heshiiskii ay wada gaareen xisbiga Miljöpartiet iyo xulufada Dowlada ee uu hogaamiyo xisbiga Moderaterna (M) oo Amir Adan uu xubin ka yahay.

Amir ayaa sidoo kale sheegay in uu yahay xubin aad ugu firfircoon arimaha isdhexgalka iyo soo galootiga maadaama Aabihiis uu yahay Soomaali hooyadiisna ay tahay Swedish. Waxa uu ku koray xaafada Rinkeby isagoo sheegay in uu aad uga warqabo arimaha bulshada iyo dhibaatooyinka shaqada ee ka jira xaafadaha soo galootiga.

Amir ayaa sidoo kale ah nin aad ugu ololeeya arimaha Somaliland iyo sidii ay ku heli lahayd aqoonsiga Sweden iyo caalamka. Intii uu baarlamaanka ku jiray ayuu booqasho ku tagay magaalada Hargeysa.

Waxa uu dalbaday in la siiyo taageerada, isagoo sheegay in haddii la doorto uu ka shaqeyn doono sidii loo yareyn lahaa kala qeybsanaanta bulshada iyo in uu hormariyo siyaasada isdhexgalka iyo socdaalka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here