Amnesty oo cambaareysay shuruuda baasaboorka

1

Madelaine Seidlitz oo ah Qareen ka tirsan hay’ada Amnesty International ee u dooda xuquuqul insaanka ayaa cambaareysay shuruuda baasaboorka ee ay Sweden  ku xirtay qaxootiga Soomaaliyeed ee degenaanshaha ka soo dalbada dalka dibadiisa.

“Sharcigaan waxa uu caawinayaa dadka muqalasiinta ” ayay tiri Madelaine

Waxay sheegtay in Soomaaliya ay tahay meelaha ugu khatarsan caalamka sidaa darteedna waa in aysan Sweden ku xirin shuruud qoxootiga Soomaalida.

“Waa foolxumo in caruurta lagu xiro in ay cadeeyaan aqoonsigooda si loogu keeno waalidgood” ayay tiri Madelaine

Hay’ada qoxootiga ee UNka ayaa sheegtay in aysan habooneyn in lagu xiro Soomaalida aqoonsi si ay kharaabadooda u keensadaan. “Haddii hooyo Soomaaliyeed la siiyo sharci, waa in caruurteeda loo keenaa oo aan lagu xirin cadeyn aqoonsi” ayay hadalkeeda ku soo gabangabaysay Madelaine.

Xigasho: SmålandsPosten

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here