“Aniga ayaa tusaale u ah Soomaalida Sweden”

Haweenay lagu magacaabo Mona Walter oo ah Soomaali qaadatay diinta Kiristaanka ayaa maanta mowduuc ay ku qortay wargeyska Göteborgs Posten waxay ku dhaliishay bulshada Soomaalida ee ku nool Sweden, iyadoo ku baaqday in qofka Soomaaliga ah ee doonaya in uu dhexgalo bulshada Sweden uu la mid noqoda iyada.

“Haddii Soomaalidu ay doonayaan in ay dhex galaan bulshada Swedishka aniga ayaa tusaale wacan u ah” ayay mowduuceeda ku qortay kaasoo ay kaga hadashay sida ay u dhexgashay bulshada Sweden, iyadoo meel iska dhigtay dhaqankii Soomaalida iyo diinta Islaamka.

Waxay Soomaalida ku dhaliishay in aysan doonayn in ay qaataan dhaqanka Sweden oo ay ku adkaysanayaan dhaqankooda iyo diintooda. Waxay sheegtay in sidaa darteed iyada laga ceyriyay ururada Soomaalida oo loo arko in ay noqotay “Swedish”.

Meelo badan ayay ku xustay sida wadaada Muslimiinta ay dhaqanka iyo diinta ugu dhiiri galiyaan Soomaalida. Iyadoo ku doodaysa in dhaqanka Soomaalida iyo Diinta Islaamka aysan ahayn kuwo ku dhex noolaan kara bulshada Sweden.

Hadalka ay ka qortay haweeneydaan Soomaalida ayaa ah mid meel ka dhac ku ah Soomaalida iyo Islaamka, iyadoo dhamaadka mowduuceeda ugu baaqday Soomaalida in ay cadeeyaan waxa ay ku siyaadiniyaan bulshada Sweden, oo halkii ay cayr ka qaadan lahaayeen ay sameeyaan arin bulshada waxtar u leh.

Ma ahan markii ugu horeysay ee haweeneydaan ay Soomaalida, iyo Diinta Islaamka ay weeraro ku qaado, iyadoo dhowr bilood ka hor ka cabanaysay in Muslimiintu ay weerar ku hayaan iyada maadaama ay diinta ka baxday.

Balse waxaa muuqata in ay iyadu tahay mida doonaysa dhibaatada, isla markaana weerar joogto ah ku haysa diinta Islaamka. Isbuucii hore ayay ahayd markii ay ka qeyb gashay bandhig buug ay qoreen cunsuriyiinta oo lagu aflagaadeeyay nabigeena Muhammed (nnkh). Iyadoo cunsuriyiinta u jeediyay qudbad ku saabsan Muslimiinta iyo waxyaabaha ay masaajida ka sheegaan.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

19 Responses

  1. Fallis says:

    Bulshada waxaa lagu dhex galaa adigoo diintaada iyo dhaqan kaaga heysta. ee laguma dhex galo iska doon doon. qofkii dhaqankiisa iyo diintiisa ka tagay bariba tan kle sidaas buu uga tagayaa. ilaahay ha soo hanuunsho somalida wadada qaldan u araftay wax fcn.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 37 Thumb down 1

  2. daade says:

    Balaayo kugudhacday

    Fikrad lala dhacay Thumb up 11 Thumb down 5

  3. hamdi says:

    Doofaar afdher illaahey nacalad hakugu rido dadke fasahadine sii dag dag nafta alle hakaga qaado aduunka uma qalantid

    Fikrad lala dhacay Thumb up 15 Thumb down 4

  4. Nacaladi ha ku dhacdo qofkii Isagoo islam ah ka baxa diinta,,,

    Intaa ka gadaal qofkasta oo muslim ah oo ku nool qurbaha iimankiisa alle haka dhigo mid buuxa oo xoog badan,,,

    Bulshada Sweden waxan ugu fiican ee manta ku soo kor dhin karno ayaa ah diinta iyo wadada xaqa ah iyo dhaqan wanaaga

    المسلم أخال مسلم

    Fikrad lala dhacay Thumb up 12 Thumb down 2

  5. Maxamed Cabdulaahi says:

    Bulshada waxaa kaloo lagu dhex galaa midabkaada oo la badalo, tintaada oo la badalo ee wax i tusi aan kugu daystee -:) doqoneey dabkaa ba’a. Mida kale soomaalida caayda iyo habaarka raba in ay kula munaaqashadoon gabadha nuucaan oo kale ah ugu horayntii diintiina islaamka soo barta fadhi ku dirirka ka dhex baxa iyo qiila wa qaalada diinta Islaamka sidaasna idin faraysa. Hadii aad rabtaan in aad Islaamka iyo Soomaalinimada daafacdaan waxaad ku daafacdaan waa sida Qur’aanku nafaraye (bil-xikma wal moowcida al-xasana.)

    Fikrad lala dhacay Thumb up 12 Thumb down 1

  6. hassan ade says:

    asc aniga wey ii muuqatay nagaha somaliya oo soo gala yurub in aysan aqoonin inta badan ala kacabsiga iyo xususta ale iyo diinta islamka ee waxan u shega nagaha somalia in ay xusuustan ala

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 4 Thumb down 5

  7. deeq says:

    Waxa waajib ah qof ki arka ama yaqana inuu wakibkeeda mariyo. Wa wajib saran qofkasta o muslim ah gar ahan somalida . Waxan taas kawada qofku hadu gaalobo lakin qofna ku dhibin wa xor ilaah ayana la xisaabtamaya lakin tan haday nacaydo ama na dhibto

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 2

  8. garaad says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 1 Thumb down 7

  9. somaliweyn says:

    QOFKA INUU KATAGO DIINTIISE IYO DHAQANKIISE WAA QASAARO ADUUN IYO MID AAKHIRO WAXAAN ULA JEEDAA DIINTEENA ISLAAMKA OK SHARAF IYO IXTIRAAMNE LUGUMA GAARO IN LAGA TAGO DHAQANKA IYO DIINTA AAD LEEDAHAY TAAS WAA DULINIMO ..MARKE QOFBO SI WAX U ARAG EE ARAGTI XUMO WAA DOQONIMO XATTAA GAALADA IYAGOO GAALO AH AYAY WAXAA AGTOODE QIIMO KULEH QOFKII QIIMEEYA DIINTIISE IYO DHAQANKIISE OK MARKE HADEEY ISLEEDAHAY RAALI HAKAA NOQDAAN GAALADA HA OGAATO IN MARNABA RAALI LAGA NOQONEYN SHAKI BADANNE UU WILIGII JIRAAYO QOF DIINTII UU KUDHASHAY EE AWOOWEYAASHII IYO TOLKII KATAGAY MIYAA DIIN UU WALIGII ARAG IYO DHAQAN MIDNE AYUU ILAALINAAYAA OO DAACAD UNOQONAAYAA WAA MAYA

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  10. Mohamed Ali Ibrahim says:

    Waxaan ka xumahey sida dadka qaarkiis ay ufahmeen in qof la mucaarado ama wax loo sheego iney tahey oo kaliya in lacaayo ama lala dagaalo. Fadlan walaalayaal aan barano qaabka wax loo badalo ee yeynaan un ahaan kuwa dagaal utaagnaada. Gabadhaan waxaan oran lahaa iyadaa ubaahan wax fahamsiin ee aan isku dayno inaan wax fahamsiino. Tusaale 100% ayaan systemka swedishka dhex galey walina magacaygu waa Mohamed, diinteydu waa Islam saacaddaas waan cibaadeysanayaa midabkeygu waa madow haddana waxaan ansvar ka ahey qeyb dhan oo ka mid ah Kommun-ka aan daganahey. Haddaba integration macnihiisa meysan fahmin walaasheen ee bal dib haloo soo fahamsiiyo macnaha ereyga. Yes waa run waxaa muhiim ah in bulshada Soomaaliyeed ay waddanka wax ku soo kordhiyaan, laakiin taas macneheedu maahan in diin iyo dhaqan laga tagee waa in inofrmation sharing lasameeyo oo bulshada waxaan ku kala duwanahey oo ama caqiido ah iyo dhaqan both sides laxurmeeyo haddana waxa lawadaago si sharaf iyo is aaminaadi ku dheehantahey laga wada shaqeeyo. Haddaba waxaan oran lahaa caruurteen marka ay yaryihiin labaro diintu ineysan aheyn wax iyadu danbi gasha ama qalad ka dhex muuqdo. Mala hubaa gabadhaas in loo aqriyey aayada qur’aanka iyo sunnadii nabiga suuba CSW ee qaab ladhaqanka bulshooyinka caalamka ee kala duwan. Haddaba waxaa hadalkeyga ku soo af meerayaa yeynaan dadka didey sii didin. Wabillaahi Towfiq.
    Mohamed Ali Ibrahim Kontakt person för Towifq Kultur Center, Köping
    Integrations konsulent för Köping Kommun.

    Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 5 Thumb down 4

  11. wadani says:

    Asc dhamaan asxaabta muslimiinta ah, intaa ka dib waxan idin leeyahay Allaha idin siyaadiyo iimaankiina aad ugu qiirooteen qof sharafta iyo qiimaha diintiina meel ugu dhacay, qoftan dad badan ayaa ka horeeyey oo ku fashilmay diintoodii xaqa aheyd oo aay ka baxeen, hadana u shalaayey in aay gaaloobaan, Nabbiyullahi Muxamad SCW ayey ku caasiyen ayago gaalo iyo munaafaqiin ah, waa kuwan nala jooga yurub ayago diinta fahmayo waxa ay ku qoran tahay oo ah af carabi hadana gaalo miiran, maxad u maleyseen qof aan iimaan laheyn weliba dhal dhalaalka dunida ka dooratay aaqiradeedii, qoftaan xukunkeeda waad wada ogtihiin ee inta dhowrsan ee diinta jecel u duceeya in ilaahey u siyaadiyo iimaankoda Alxamdulillah

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  12. Acw wexey ilatahay bulshada swedish ka ah ma iyaga lagaraba iney nadhexgalaan mise annagaa?
    Bulasha aan rabin iney kudhexgasho adiguna ma dhex geli kartid.
    waxaa jiraa kumanaan qof oo somali ah qaarna shirkada leyihiin bixiyaa bishii in kabadan 700000 lön med skatten qarna shirkada yar yar ayey leyihiin qarna waa xoogsato oo canshuurbaa laga jaraa intaas wexey ku nool yihiin sverige maxaa loogu mahad cali waayay waa ayada nala leeyahay ceyrbey qataan waxan kunolahay wadankan 10 år 3 månader ayaan ceyr qaatay 7 månaderna waxan qatay lacagtii integration senast 2 år waxan bixiyaa totalt 2300000 laba miljan iyo sedax boqol oo kun.
    Anigoo weyn ayaan imid imasoo korin hadana wan hubaa hadii ilaah nafta iidaayo waan laban donaa oo sugi maayo pension wadankaasi wax fiican ayaan uqabtay intaas iyo kabadan rag qabtay oo somaliyeed ayaana buuxa wadankan sverige marka adeer niman kan namarabaane yaan waxba dadka lagu wareerin wadankan maad dhexgashaan doqontan diinta islaamka iyo dhaqanka suban ee somaliyeed uga baxday inta yar yaa weydiiya boqol sano oo cimri ah hadii lagu siiyo malinbaad dhiman doontaa ilaahey hortiisana xisaabaa kuuyala inteyna soohartayna halkan waxa nadhigay qabiilkan aan waxba nootareen hadana qalbiga maskaxda dhiiga iyo dhecaankaba naga galay aan isku dayno wax somali kasokeeya inaan iska diidno.
    Wabillahi towfiiq ilaahey wadankenii hanoo dajiyo.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  13. Hirsi says:

    FOOLXUMO AYAYBA TANI DIINTA ISLAAMKA KALA BAXDAY, SWEDESH AYAY U WAALATAY IN AY NOQOTO YADOO TEEDII KA TAGATAY AYAY SWEDESHKA ANSHAXA IYO DIINTOODA KU QANACSAN U TAGAYSAA HABA AHAADAAN GAALO LAAKIIN, WAA DAD AAN CID KALE DOOFAAR U NOQON, TEEDA KALE NAAGTAN YAA YIDHI WAA SOMALIYAD ILAMA AHAN WAXAA LAGA YAABAA IN AY TAHAY NAAG WECELAD AH OO AY ISKA DHALEEN KENYATI IYO SOMALI MAXAA YEELAY NAAGTAN ASALKEEDA HORE AYAA XUNBA MAAHA SOOC, WAXAANAN UGU DUCAYNAYAA IN CIMRIGEEDA ILAAHAY SOO URURIYO MEELBAASNA U KACDO MA NOOCAN OO KALE EE AF QUDUN QUUTADA A LEH AYAA DIINTEENA ISLAAMKA AH WAX YEELI KARTA WAXBA KAMA QAADAYSO MAWDUUCYADEEDANA FADLAN WEBKAN WAXAAN KULA TALIN LAAA IN AANUU NOOSOO QORIN XUMAANTANA AANUU FAAFIN BAAKBKEEDA NAGA XIDH.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  14. osman says:

    asc dhamaan asxaabta ma ogolaan karno in aan fiirsano qof iskahorkeenaya bulshada swedhan wa in dowlada ay gacan bir ah kuqabataa si aysan sumacada dalka dhib ogo geysan o aysan o kalageyn bulsho isjecel

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  15. naagtaan warkeeda waa lacaag doon deen aya lagu leyahay ee intan ka akrista :

    http://www.gp.se/nyheter/goteborg/1.2272948-mona-hojde-lonen-med-tusenlappar

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  16. khadiijo says:

    asc dhamaantiina ramadaan Karim
    waxaan leeyahay naagtaan mabalaha dhiig soomaaliyeed ee dhiigeedu waa itoobiyaan ama eretareeya waligeedna ma arag dhaqan ka soomaalida iyo diintooda aqsaacaleeyhaa waxay ku hadleeso ceeeyr ayay qaataan ayay tiri ceeyrta kamaanan qasbin anaga Sverige eeayadaa raali ka ah lkn maxaa iskaga quseeyo dhaqanka iyo diinta iyo ceeyrta hadal xataa mataqaan urtada ilmaha aan wali arag dalkii hooyo iyo kuwii ka yimid ayagoo yar halaga ilaaliyo kuwaas waayay waxayrabto oo ay ugurbaantumaneeso oo ay rabtaa in ay maskaxda kaqabsato

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. mandeeq says:

    nacatulaahi calaa dalimiin

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  18. huss says:

    Yaaa cadeynaaya iney tahay somali waaaa Wrhiopian isku dhiibtay somali ayaa laga yaabaaa ania ilama ahan somalo

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. Nin Waalan says:

    Naagtan aniga waaban u kacsaday

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 3