Aqoon isweydaarsi ka dhacay Gävle

0

Aqoon isweydaarsi ay soo qabanqaabiyeen ururo soomaaliyeed ee ka dhisan dalkan Sweden ayaa ka dhacay magaalada Gävle.

Uruka isbaheysiga ummada Soomaaliyeed ee Swedan oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano Somaliska Riksförbundet iyo Ururada gobolka Gävleborg ayaa shalay wexey si wadajira u qabteen aqoon is weydaarsi looga doodayey sida loo wanaajin karo xiriirka ilmaha iyo waalidka.Ururka isbaheysiga ummada Soomaaliyeed iyo Ururadii sida wadajirka ah u soo abaabuley aqoon isweydaarsigaan oo gaarayey ilaa shan Urur ayaa waxey kala ahaayeen Somaliska Minoritets Organisation.

Somaliska Kvinnor i Gävle, Ung Somalier i Gävle, Somaliska Kvinnor i Söderhämn, Somaliska Folkets Förening i Söderhamn.

Waalidiintii isugu timid halkaas ayaa waxeey si weyn uga doodeen dhibaatada qurbaha ku heysata caruurta Soomaaliyeed waxeyna xuseen sanadkaan in ay jiraan caruur badan in lagala wareegey waalidiintii dhaleen.

dhamaan waalidiintii ka soo qeybgashey Aqoon isweydaarsigan oo aad ugu riyaaqsan ayaa wexey codsadeen in la badiyo Aqoon isweydaarsiyada nuucaan oo kale ah oo ah kuwo ay aad ugu baahnaayeen wexeyna amaan u soo jeediyeen Gudoomiyaha uruka isbaheysiga umada Soomaaliyeed iyo Ururada gobolka Gävleborg.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here