Aqoonsiga baasaboorka Somaliga iyo Sweden (War Cusub)

22

Baasaboorka Soomaaliga Sweden ma aqoonsantahay, mise maya? aqoonsi makuu noqon karaa? su’aalahaan waa kuwa dadka Soomaalida ay markasta is waydiiyaan oo warbixino is khilaafsan laga bixiyo. Khaasatan maalmahan ugu dambeeyay ayay soo shaacbaxday warar la isla dhex marayo oo sheegaya  in Sweden ay aqbalsantahay baasaboorka Soomaaliga ayadoo aan ogeen in horey aan loo aqoonsaneyn .

Hadaba waxaan xiriir la sameeyay Laanta Socdaalka Sweden si aan arintaan afkooda uga furo, waxaan waydiiyay Fredrik Bengtsson oo ka mid ah afhayeenada Laanta Socdaalka asagoo iigu jawaabay sidatan…

“Waan ka xumahay in aad ku wareersantihiin xaalka baasaboorka Soomaaliga, warbixinta xaqiiqda ah waxay tahay in baasaboorka Soomaaliga aanan aqoonsaneyn oo uusan noqon karin cadeyn aqoonsi”

War Cusub: Laanta Socdaalka Sweden ayaa sidoo kale daabacday 7da September 2010 warbixin ay ku cadeyneyso mowqifkeeda ku aadan baasaboorka Somaliga ayadoo sheegtay “In Sweden aysan aqoonsaneyn baasaboor Soomaali ah oo la bixiyay wixii ka dambeeyay 31kii bishii Janaayo 1991, uusana is badalin aragtida Sweden ee ku aadan Baasaboorka Soomaaliga”

Hoos riix si aad u akhriso warbixinta Laanta Socdaalka oo Swedish ah

Warbixin dheeri ah (Swedish)

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here