Aqoonsiga qaxootiga iyo baasaboorka dalka hooyo

4

Nin Ciraaqi ah ayaa aqoonsigii qaxootinimada Sweden lagala noqday ka dib markii uu u safray dalkiisii oo uu goostay baasaboor Ciraaqi ah. Maxkamada ugu sareysa Sweden ee socdaalka (Migrationsöverdomstolen) ayaa go’aamisay in ninkaan markii uu qaatay baasaboorka dalkiisii uusan u baahneyn in magangalyo la siiyo.

Ninkaan ayaa ku dooday in uu baasaboorka Ciraaq u qaatay in uu ku galo Iran si uu uga soo guursado isla markaana isaga laftiisa uusan tagine qof kale u soo qaaday baasaboorka. Sidoo kale waxa uu ku dooday in Iran aysan aqbalin baasaboorka Främlingspass ee Sweden ay bixiso.

Maxkamada sare ayaa hadalkiisa waxba kama jiraan ka soo qaaday iyagoo sheegay in qofku haddii uu qaato baasaboor dalkiisa ah uu qaatay magangalyada dalkiisa. Hadaba ninkaas ayaa lagala noqday aqoonsigii qaxootinimada.

Waloow xaalada Soomaaliya ay hada ka duwan tahay mida Ciraaq ayaan hadana la hubin in sharcigaan uu qabanayo Soomaalida haysata sharciga degenaanshaha Sweden.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here