Arbetsförmedlingen oo dad badan siisay lacago qalad ah

5

Baaritaan lagu sameeyay lacagaha uu bixiyo Xafiiska Shaqada (Arbetsförmedlingen) ayaa lagu soo bandhigay in mudo 14 sano ka badan ay bixinayeen lacago qalad ah. Lacagahaan oo ah taageerada loo yaqaan Aktivitetsstöd ayaa la sheegay in dad badan la siiyay lacago dheeri ah halka kuwo kale la siiyay lacago yar.

Tirada dadka ay saameysay arintaan ayaa lagu sheegay in ay gaarayso boqolaal kun oo qof. Maamulka xafiiska shaqada ayaa hada sheegay in aysan lacag siin doonin dadka la siiyay lacagaha yar balse ay ka fikirayaan sidii ay lacag celin uga dalban lahaayeen kuwa qaatay lacagaha dheeriga ah. Arintaan ayaa saamayn ku yeelanaysa Hay’ada Caymiska Shacabka (Försäkringskassan) iyo shirkadaha bixiya lacagta shaqo la’aanta A-kassa oo laga yaabo in ay dadka qaar ka dalbanaan lacag celin.

Wasiirada arimaha shaqada Elisabeth Svantesson ayaa arintaan ku tilmaamtay mid aad qatar u ah, iyadoo ugu baaqday xafiiska shaqada in ay baaritaan ku sameeyaan dhamaan kiisaska oo dadka lacagaha loo celiyo.

Si kastaba ha ahaatee, Arbetsförmedlingen ayaa hada sheegay in ay la xiriiri doonaan dadkii lacagaha yar la siiyay wixii ka bilowda 2012 kuwaasoo laga yaabo in la siiyo lacagaha ka dhiman.

Ma ahan markii ugu horeysay ee ay fadeexad iyo farsamo xumo la soo gudboonaato Xafiiska Shaqada oo ka mid ah Hay’adaha ugu sumcada dhamaan hay’adaha dowlada Sweden.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here