Arbetsförmedlingen oo si rasmi ah u joojiyay barnaamijka Etableringslots

7

Hay’ada shaqada Sweden (Arbetsförmedlingen) ayaa saakay si rasmi ah u joojisay barnaamijka Hagayaasha dadka cusub ee loo yaqaan (Etableringslots) iyadoo agaasimaha hay’ada Mikael Sjöberg uu ku tilmaamay barnaamijkaan mid lagu qaldamay oo sidiisaba aysan haboonayn in Sweden laga dhaqan galiyo.

AF ayaa sabab uga dhigtay joojinta barnaamijkaan in cabashada ka imaanaysa dadka ka tirsan ay cirka isku shareertay isla markaana ay xitaa shirkadaha qaarkood ku dhaqaaqeen arimo dambiiyo ah kuwaasoo ay ka dhex abuureen barnaamijka. Shaqaalaha AF ayaa waxaa la soo daristay cabsi iyo hanjabaad joogto ah. Xitaa waxaa soo baxday in shirkadaha qaarkood ay la shaqeeyaan ururada argagixisada oo ay dadka u soo ururiyaan.

AF ayaa maanta ka bilaabata aan aqbali doonin shirkado cusub in ay ka dalbadaan barnaamijkaan, isla markaana siisay shirkadaha hada barnaamijka wada 3 bilood in ay shaqada ku soo afjaraan. Dadka ka tirsan barnaamijka ayaan loo ogolaan doonin in ay shirkada badashaan.

Musuq maasuqa, dambiyada, iyo cabashada ka dhanka ah shirkadaha Lots ayaa noqday mid caadi ah sanadihii dambe iyadoo ay AF isku dayeen dhowr jeer in ay isbadalo ku sameeyaan barnaamijka iyagoo sanadkii hore shirkado badan kala noqday ogolaanshihii balse taasi ayaa muuqata in aysan xal noqon.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here