Ardada dhigata SFI oo la siinayo casharo ku saabsan galmada

Sida uu qoray wargeyska SvD, Ardada dhigata koorsada luuqada ee SFI (Svenska för invandrare) ayaa la qorsheynayaa in la baro galmada iyo caafimaadka sida lagu soo bandhigay shir shalay ka dhacay magaalada Göteborg. Qorshaha ayaa ah in macalimiinta caadiga ah ee wax kadhiga SFI ay ardada siiyaan casharo ku saabsan galmada iyo caafimaadka guud ee xubnaha taranka.

– Qorshaha waa in aan faafino guusha aan ka gaarnay mashruucaan oo aan horay uga samaynay gobolka, oo hada la gaarsiiyo guud ahaan wadanka. Macalimiinta iyo ardada ayaa si fiican ula dhacay mashruucaan” ayuu yiri Tommy Pherson oo ah agaasimaha mashruucaan ee xarunta barasha caafimaadka galmada ( Kunskapscentrum för sexuell hälsa i Västra Götalandsregione).

Macalimiinta haweenka ah ayaa waxay casharada siin doonaan ardada haweenka ah, halka raggana ay casharada siin doonaan macaliin ragg ah. Arintaan ayaa lagu sheegay mid ay aad u soo dhaweeyeen ardada. Mashruucaan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim ah oo ardada macluumaad muhiim ah ka siinaya sida ay u faafaan cudurada ka dasha galmada sida HIV/AIDS, iyo kuwa la mid ka ah. SFI ayaa ah goob muhiim ah maadaama ardayda dhigata ay yihiin kuwo ku cusub wadanka isla markaana ka yimid wadamo ay ceeb ka tahay in laga hadlo galmada.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

14 Responses

  1. Bashiir AbuXudayfah says:

    Waxay Na Dhaheen Galamada iyo Sida Musqulaha loo galaan idin baraynaa.

    Waayahay Gaaladu waxay na barayaan ma in Naag Caado Qabta loo tagaa? ?Ma gadaal looga taga dumarka? Ma in saxarada la iska dhaqinay na barayaan
    …waxaas kor ku sheegay waa dhaqanka GAALADA Iyaga u baahan dhaqan Celis! !!!!!!!!!!!!

    Anaga Kitaabka Eebe iyo Sunnada Xabiibka Nadaafad iyo Dhawrsanaan kaga dayanaynaa.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 52 Thumb down 1

  2. Kadar says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 5 Thumb down 26

  3. Kalmudin says:

    KADAR, walalkey diinteena kuma taal in galma lis bara, caafimaad waxaa laga helaa galmada xalaasha ah, galmada xaaraanta ah ayaa xanuun iyo caafimaad dara leh, qofka islaaamka ah uma baahna galmo in la bara, ee waxuu u baahan yahay in uu xalaasha ka agdhawaado, ilaahey umada kheerka ha waaafajiyee.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 29 Thumb down 1

  4. Ahmed says:

    Diin waa haysataan warkooda kale dhagta ka dhagayso dhagta kale ka bixi, waxaa xaq u leedahay inaa tiraahdo ma rabo casharkaan

    Fikrad lala dhacay Thumb up 22 Thumb down 1

  5. Abdi says:

    Waa wax lala yaabo, dadka luqadii ay bari la’yihiin, su’aal waxaa mudan baris galmo oo shaar caafimaad loo xiray inteey ka keeneen oo mexey faadi’o uleedahay?

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 0

  6. Amoore says:

    cudurada faafa wax waa laga helaa sida HIV aids 100% waa wadana gaalada bal u fiirsada idinku waa wax hore loo ogaaday waa ku yar yihiin wadamada muslimka ah

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 5

  7. Ahmed says:

    Galmada Hadii laga hadlaa ma wacna lkn Waa Hadii xaalad caafimaad looga hadlaayo Haaa

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 1

  8. Ahmed says:

    Ma ahan in waxkastaa loo qaato wax xun

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 1

  9. bilan says:

    subxaana laah waxaas wax lasoo dhaweeyo maaha qur aanka iyo sunada nabiga ayaa in la akhriyo mudan markaana qofku kahelayaa nadaafad iyo caafimaad iyo cimri dheer laakiin aniga waxaan umalaynayaa dadka wadanka soo galaya muslin mawada aha waxaa jira kuwo badan oo gaalo ah oo yurub aasiya afrika ka imaanaya oo xataa carab ah sida siiriya ciraaq lubnaan tayland marka qof kii gaala habaraan waxay rabaan laa kiin anaga diin tayada macaan waxba kama tagin waxkasta oo caafimaad lagu helo waynabartay alle hanagu an faco. aamiin.

    Fikrad lala dhacay Thumb up 6 Thumb down 0

  10. axmed2 says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 1 Thumb down 6

  11. zaqqah says:

    Soomaalidu markay faafin waayeen diintoodi iyo dhaqankoodi baa inta xumaantii shaati cad loo gashay la yiri waa caafimaad.
    Inta waxaas loola yimaado haku adkaysteen inay macalimiinta nolashoodu yihiin Alle iyo rasuulkiisa SCW hana u sheegeen inay waxaasoo kale yaqaaneen muda ka badan 14 qarni.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  12. ِAbubakr says:

    Ugu horeyntii cudurka HIV Virus looyaqaano waxaa abuuray Mareykan saytiist waa cudur ay ugu tala galeen iney ku dhimaan umada reer Africa oo kasiibadaneysa reer Europe. hadana Ebola ay sameeyeen oo Virus kale ah. marka waxaan dhihi lahaa umada Islaamka uma baahna qaasatay Somalida Diintooda jecel iyo in looga sheekeyo Galmo ama la baro nadaafad xaga cafimaadka ah, Su’aal weydiiya dadka dhigta SFI ga macalinka ama macalimada bixineysa kooriska hadii ay Musqul galaan masoo istinja gutaan, iyo marka ay isu tagaan (GALMO) oo ay dhamaystaan janaabada maka qubeystaan. jawaabtooda haday noqoto maya ma Istaahilaan iyo la dhageysto ayagaa u baahan in la baro Galmada iyo nadaafada faa’idada ay leedahay loona sheego iney Caqiido noo tahay Islaam ahaan walibana Iimaankeena barkiisa ay tahay. sida laga wariyay Our beloved Nabi Muxammad SCW.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  13. ِAbubakr says:

    Tan kale maqaalka uu soo qoray walaakeen Jimcaale waxaan ka aqriyay iney la dheceen ardayda, madama uu ka soo guuriyay mid ka mid ah dadka qorshahan wado oo uusan wareysanin dumarka ama raga Somaliyeed ee ku jira SFI ga.

    U codee: Thumb up 3 Thumb down 1

  14. Njka isse says:

    Yaap yaaap Hadanah Ma taneey Kenen Waxay So Socdeen bah

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0