Ardada Muslimiinta ah oo ka cabanaya cuntada aan hilibka lahayn

16

Ardada Muslimiinta ah ee dhigata iskuulada Sweden ayaa ka cabanaya in aysan helin cunto xalaal ah oo ay cunaan iyagoo ku qasban in ay cunaan cuntada laga sameeyay qudaarta oo keliya. Dood wadaag lagu qoray wargeyska Corren ayaa arday ka mid ah ardada Muslimiinta ah ee dhigata dugsiyada sare waxa uu ku doodayaa in cuntada xalaasha ah loo sameeyo ardada.

Dooda ardeygaan oo lagu magacaabo Mustafa Muqtar ayaa ah in hilibka xalaasha ah ay cuni karaan dhamaan ardada oo dhan kuwa Muslimka ah iyo kuwa aan ahayn balse hilibka aan xalaasha ahayn aysan cuni karin ardada Muslimka ah. Mustafa ayaa ku doodaya in cuntada qudaarta ka sameysan ee hada ay cunaan ay tahay mid aan dhadhan iyo nafaqo lahayn.

Qaar ka mid ah Swedishka ayaa ku doodaya in cuntada xalaasha ah aan loo qalin si waafaqsan nidaamka daryeelka xayawaanka. Si kastaba ha ahaatee dooda ardayga ayaa la dhihi karaa waa mid wax ku ool ah inkastoo aysan muuqan in cidi dhageysan doonto.

Marar badan ayay cunsuriyiinta Sweden waxay ku doodaan in dalabaadka Muslimiinta uu marbamar sii kordhaya. Hadaba ma la dhihi karaa arintaas waxbaa ka jira? xaq ma u leenahay in aan dalbano in ardada oo dhan loo sameeyo hilib xalaal ah, halkii kuweenu ay ka cuni lahaayeen qudaarta? Waa dood furan…

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here