Arday ayaa ku yiri Biyo Cab !!

7

Baaritaan ay samaysay idaacada Sweden ayaa lagu soo bandhigay in tiro badan oo ka mid ah  dhaqaatiirka ka shaqaysa gargaarka degdega ah (Akutmottagning) aysan ahayn kuwo waxbarashadii dhamaystay. Waxbixinta ayaa baaritaan ku samaysay 32 hospitaal oo ku yaala daafaha Sweden iyadoo 36% dhaqaatiirta ay yihiin arday.

Dr Martin Wohlin oo ka tirsan jaamacada Uppsala ayaa idaacada Sweden u sheegay in maadaama aysan dhaqaatiirta inta badan waxbarashada dhamaysan ay keenayso in ay hoos u dhacdo tayada daryeelka caafimaadka ay siiyaan bukaanada. Waxa uu sheegay in ay qaasatan uu kordhiyo waqtiga ay qaadanayaan dhaqaatiirta, maadaama aysan waayo aragnimo lahayn.

Soomaalida ayaa qaasatan cabashooyin badan ku qaba dhaqaatiirta Sweden, iyadoo ay eedeymaha loo soo jeediyo ay ka midyihiin in aysan dadka daawo u qorin. Biyo cab iyo Alvedon cun ayaa qaasatan lagu yaqaanaa in dadka ay aad ugu qoraan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here