Arday dhigta SFI: Waxaa tihiin Kiristaan waa in aad Islaamka qaadataan!

14

Shalay magaalada Borås waxaa ka dhacday arin ka yaabisay macalimiinta iyo ardada dhigata iskuulka Eductus oo bixiya koorsada SFI. Ardada oo casharka ku jira isla markaana qaadaya hees ayaa mid ka mid ah ardada uu ku qayliyay in ay joojiyaan heesta, isagoo sida uu qoray wargeyska Borås Tidning uu ninkaasi u sheegay ardada in uusan Allah ogolayn in la qoslo. Maamulaha iskuulka ayaa sheegay in uu ninkaan farta ku fiiqay labo gabdhood isagoo ku yiri “Waxaa tihiin gaalo, ma fiicnidiin. Waa in aad muslim noqotaan oo aad xijaabka xirataan”.

Ka dib ayaa macalinka u wacay maamulaha iskuulka, iyadoo labadii gabdhood ay oohin la dheceen sida uu qoray wargeyska. Gabdhaha mid ka mid ah ayaa la sheegay in xitaa loo wacay Ambalaas ka dib markii ay dhulka ku dhacday. Maamulaha ayaa ninkii ka dalbaday in uu fasalka ka baxo balse taasi ayuu diiday, iyadoo markii dambe booliska loo wacay. Maamulaha ayaa ninkaaan ku tilmaamay mid xagjir ah isagoo horay la sheegay in uu qilaaf ka dhex abuuray iskuulka isla markaana uu ardada kale ku cadaadiyay Islaamka.

Booliska ayaa ninkii iskuulka ka kexeeyay, isagoo sheegay in uusan wax dambi ah galin. Maamulaha iskuulka ayaa go’aan ku gaaray in uu ninkaan iskuulka ka mamnuuco.

Dhacdadaan ayaa ah mid la yaab leh, iyadoo haddii ay saxtahay sida uu wargeyska uu qoray ay tahay mid aan la aqbali karin in qof Muslim ah sidaa u dhaqmo. Faafinta diinta Islaamka waxay leedahay nidaam wanaagsan oo loo maro balse dabeecada nuucaana ayaa ah mid dadka ka sii fogeynaysa diinta Islaamka, isla markaana sawir qaldan ka bixinaysa Muslimiinta.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here