Arday loo diiday barashada cilmiga diyaaradaha dhalashadiisa darteed

Wiil 16 sano jir ah oo haysta dhalasha Sweden balse ku dhashay wadanka Ciraaq ayaa loo diiday in uu cilmiga diyaaradaha (Flight engineer) ka flight-engineerbarto iskuul ku yaala magaalada Trollhättan. Sababta diidmada ayaa looga dhigay in uu ku dhashay wadanka Ciraaq. Arintaas ayaa ka caraysiiyay Hay’ada dabagalka iskuulada (Skolinspektionen).

Wiilkaan oo markii hore loo ogolaaday waxbarashada maadaama uu haysto dhamaan shahaadooyinka looga baahnaa, ayaa markii dambe diidmo la siiyay ka dib markii shirkada bixisa koorsada oo lagu magacaabo GKN Aerospace ay sheegtay in aysan waxbari karin wiilkaan ku dhashay Ciraaq. Sababta ayaa lagu sheegay in heshiiska ganacsiga ee ka dhexeeya Sweden iyo Maraykanka uu mamnuucayo arintaas.

Anna Tamelin oo ah qareen ka tirsan hay’ada dabagalka iskuulada ayaa sheegtay in ay baaritaan ku samaynayaan arintaan, iyadoo ku tilmaamtay mid aan la aqbali karin. Waxay sheegtay in sharciga maraykanka uusan ka shaqayn Sweden isla markaana qof haysta dhalashada Sweden aan diidmo lagu siin karin goobta uu ku dhashay darteed.

Arintaan ayaa muujinaysa cunsuriyada iyo kala sooca lagu samaynayo soo galootiga Sweden ku nool, qaasatan kuwa ka soo jeeda wadamadda Muslimiinta oo aan loo ogolayn in ay bartaan cilmiyada sare ee waxtarka leh.

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

4 Responses

  1. mohameed says:

    asc all asxaabta anigu hadii aan fikirkeyga ka dhiibto ku aadan arintani waxaan dhihi lahaa wlaahi horta tani la yaab maleh waayo meel uu mareykan ku jiro dee waaa sidaa uun markaa arintani waxa ay quseysaa dadka muslimiinta oo dhan waayo wixii ka danbeeyey qaixii saraihii mareykanka lagu qarxiyey xoog ayaa loo cunsuriyadeeyaa qofka haduu uu muslim yahay uu rabo inuu barto cilmiga diyaaradaha markaa waxaan rajeynayaa wiilka inshaa laah loo ogalaado inuu barto wax barashadiisa waayo sweden america kama taliso arintaan in wxa laga badalo ayaan rajeynayaa dowlada sweden koley dimuquraadiyad ayey ku faanta bal waan arkeynaa dimuquraadiyada waxa ay tahay umada islaamka oodhan ialahay dhibta haka dulqaado meel kasta oo caalamka joogaan aamiin soomalidana ilaahay quluubtooda ha isku keen kala qeybsanaanta ilaahay haka dhex qaado cadowgoodana faraha kula jiro ilaahay ha inaga qabto aamiin asc wr wbr

    Fikrad lala dhacay Thumb up 15 Thumb down 1

  2. xussen says:

    asc salaan kadib arintaan waa mid laga xumaado in qof loogo diido jinsiya oow kasoojeeda iyo diintiisa inkasteey jirto sxb nimo siyaayadeed ooka dhaxeeyo labada wadan
    balse waxan ufilayaa ina weey swedhan waxyaaba badan oow sida oow urabo mareeykan
    marka lafoliya eey ceeb kasoogaaridoonda swedhan waxanse karajeeynayaa wadankaan ina oow ilaashado sumcadiisa laakin hadii eey dhacdane waxa kabadan faa idada oow kahelayo wadanka iswedhan markaas meesha badan onbaa laraacayaa markasta waxa lakala dooranayaa somcad daro iyo faa ido usoo huyato waxanka iswedhan tiibadan ayaa laraacayaa sida midaan ookalaa waana wax eey sameeyaan dowlad kasta badnaanta ayaa laraacayaa ok baay tani waa aragtideeyda ku aadan sxbnimada labada wadan oowax badan eeykadhaxeeyaan inta aan kala socda hada ok baay

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  3. Abubakr says:

    Asc wr

    Arinta la yaab malahan Sweden wala Mareykan, wiilkana dhalasho Swedish ayaa horey loo siiyay wuxuu ka mid yahay muwaadininta reer Swedee. xuquuqda ay leeyihiin oo kale ayuu leeyahay.
    teeda kale Quraanka dib u aqri, Diinta waan ka dhagaxiran nahay hadaan Somali nahay. si ay kuugu cadaato waxay ay yihiin gaalada. bes waxaan ognahay iney cadow noo yihin oo kaliya. waxay afka kaleeyihiin waxaa ka badan waxa ay uurka noogu hayaan waa aayad Quraan ah. balse waa la arki doonaa meesha ay ku dhamaato arinka wiilkan Ciraaqiga ah. balse ogaada inaadan waxba ahayn hadii dhalasho lagu siiyo iyo hadii kale.
    wabilaahi towfiiq

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  4. i'm sexy boy says:

    gaal miyaaa ewal laga sugaayay inuu ku ogolaado wax barasho sare sababtoo ah waa xaasidiiin muslimiinta neceb

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0