Arday & macalin isku qilaafay nabi ciise

Arday Muslim ah oo wax ka barta dugsi sare oo ku yaala tuulada Eslöv ayay macalinkiisa isku afdhaafeen mowduuc ku saabsan Nabi Ciise taasoo keentay in macalinkii shaqada laga joojiyo.

Arinta ayaa ka dambeysay ka dib markii ardada loo diray in ay Swedish u turjumaan mowduuc ku qoran afka Ingiriiska oo ka hadlaya nabi Ciise (cs). Ardayga Muslimka ah ayaa ka biyo diiday arintaan isagoo sheegay in mowduuca ay ku qorantahay in nabi ciise uu yahay wiilka ilaahay sidaa darteedna uusan hadal been ah waqti ku dhumin doonin. Macalinka ayaa arintaas ka xanaaqay oo ardayga aflagaado u geystay isaga oo ku yiri “jävla muslim”.

Hadalkaas ayaa ardaygu aad uga carooday isagoo durbadiiba dacwad u gudbiyay maamulka iskuulka, kuwaasoo taageeray ardayga isla markaana macalinkii lagu amray in uu shaqada ka fadhiisto dhowr maalmood. Ardayga ayaa dhinaca kale booliska dacwad u gudbiyay.

Macalinka ayaa arintii uu sameeyay ka qoomameeyay, oo ardayga ka dalbaday cafis balse waa uu diiday arintaas.

Haddii aan ku darsado aragtidayda ayaan isleeyahay waa sax in laga caroodo hadalada aflagaadada ah ee lagu yiri ardayga Muslimka ah, balse dhinaca kale waxaa muuqata in ardayga uu dhumiyay fursad qaali ah. Fursadaas oo ah in uu ka hadlo Nabi Ciise (cs) oo uu soo bandhigo aragtida Islaamku ka qabo iyo in ay qalad tahay in lagu tilmaamo wiilka Ilaahay. Waxaan isleeyahay qaabkaas ayaa ka wacnaan lahaa in uu guud ahaan iska diido. Waayo Muslimiintu markasta way ka hadlaan nabi Ciise oo gaalada waa lagala doodaa arimaha nuucaan ah.

Sidee kula tahay adiga?

Faafi mowduucaan

Jimcale

Asc ku soo dhawaada Somaliska.com. Waxaan rajaynayaa in aad ka faa'idaysateen mowduucaan isla markaana aad fikrado qiimo leh ku darsan doontaan. Xumaan, qabyaalad, aflagaado iyo arimaha siyaasada Somaliya waa ka manuuc halkaan. Fadlan aan iscaawino oo su'aalaha qofkii jawabaha haya dadka ha u faa'ideeyo. MAHADSANIDIIN!

Akhriso mowduucyo kale oo xiiso leh...

25 Responses

  1. wadani says:

    asc wallkey jimcale waa runta lkn ma is waydisay marka lacaynayy in u ku yire nabi ciise cs maha wilki ilah markasna lacayy adiga maxa aragtidada ku so kobay meshan dhaw sxb na

    Fikrad lala dhacay Thumb up 7 Thumb down 0

    • Jimcale says:

      Wadani arintu sidaan ayay u dhacday…1. ardayga waxaa loo diray in uu soo diyaariyo mowduuc, 2. markii mowduuca laga sugayay in uu soo bandhigo ayuu sheegay in uusan waxba soo diyaarin maadaama arintu ay been abuurtahay, 3. markaas ayaa aflagaadadu timid.

      Sidaan kor ku qoray ardaygu 100% waa ku saxsanyahay in uu ka caroodo aflagaadada oo uu dacwad ka gudbiyo macalinka. Balse fursada aan ka hadlayaa waxay ka bilaabatay 1. Anigu haddaan ardayga ahaan lahaa 1. ayaan qaadan lahaa mowduuca oo aan soo qori lahaa fikrada Islaamka ee ku aadan Nabi ciise (cs).

      Dood kulul. Ka Jawaab? Thumb up 5 Thumb down 9

      • MS says:

        WAlaal soolagama yaabo in aan wiilka fikirkiisa loo dirsan oo loodiray in uu moowduuc qaas ah soo turjimo. saas daraadeed ayna suurtogal u ahayn in uu sooqoro waxa ay diinta islaamku kaqabto nabiciise (cs). saas daraadeed uu kusaxnaa fikirkiisa ah in uu iska diido arinta dhan in uu turjimo?

        U codee: Thumb up 3 Thumb down 0

  2. wadani says:

    aniga waxan qaba ninkan muslinka ah xaqa ayu u bareray ilahna waa ku guleyy wayo macalinki wakan la racdeyy marka qof walbo muslin ah waxan leyahy xaqa hala ganban adigo cabsanaya ilah aya kula jiraye lkn dadka ha dulmin adiga dar darankena waa kas insha alah musliminta gul aye ku danbene wabilahi towfiq

    Fikrad lala dhacay Thumb up 16 Thumb down 0

  3. aboow says:

    jimcaale miyeesan kula ahayn hadii uu soo qoro ardagu aragtida islaamka in macalimiintu ay u diidi karaan wixii lagu bixinayay moowduuca oo ay yiraahdaan waxaad soo qortay kuuma dirin ayagoo u tixraacaya tan ayagu qabaan oo meesha ku qoran

    U codee: Thumb up 5 Thumb down 1

  4. adoontii rabigeed says:

    Hidden due to low comment rating. Click here to see.

    Fikrad aan lala dhicin Thumb up 1 Thumb down 11

    • MS says:

      Walaal qofka “Adoontii rabigeed!”magaca ah watoow. walaal hadalkaaga dib ugu laabo oo soo sax? waxbaa iskaga kaa dhexyaacsan! Malaha ¨moowdhuuca aadan fahmin? Mise Afka soomaaliga aadan aqoonin? Maxaa kaa qaldan?.Please dib ugu laabo qoraalkaaga marlabaad!!! wsc, wr, wbr.

      U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  5. cilmi says:

    ASC, Jimcaale sxb salaan ka dib waad mahadsan tahay qoraaladaan oo kale waa ok. Sxb JiMCAALE dadka qarkiis hadalada y soo qorayaan ha u fiirsan sida ninkaan la baxay (wadani) Markii aad qoraalkii hore oo aad soo qortay uu fahmi waayey ka bacdina mid kale ad usoo qortay hadana uu fahmi waayey waxba haysku mashquulin fikirkiisa ayaa noocaas ahe. midda kale ardayga muslimka ah wuu ku fiicnaa siduu sameeyey, laakiinse waxay kaga sii fiicnayd inuu usharaxo oo kala doodo aragtida uu islamku ka qabo iyo inay qalad tahay in lagu tilmaamo wiilkii ilaahay.

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 3

  6. wiil hoog says:

    waar niyow ninka jimcaale maxaa ka khaldan waar maan laga yaabin in wiilku aani diinta saani u aqoon ileen iska hadal looma baahnee armaanu wiilku qisooyinka nabi ciise aanu saani u hayn hadii wax laga weydiiyo ileen waxa jira dad muslimiin ah oo diinta saanu u wada aqoon iska daa nabi ciisee cs nabi muxamed ayaaney sani qisooyinkiisa u wada hayn nnkh markaa hadaan aniga ahaan lahaa sidaas baan sameyn lahaa waxaas adeer ka bax. shaqo wanaagsan buu qabtey wiilku waanu istaahilaa wax loo hambalyeeyo balse diintu barashey rabtaa

    U codee: Thumb up 4 Thumb down 1

  7. midnimo says:

    asc

    dhamaan

    markii aad mowduuc ka qoreysa wax macalinka kuu diray badanaa waxaa laga qoraa (BUUG) wiilka ardagaa waxaa loodiray inuu wax ka nabi ciise cs uu mowduucaas u qoro sida buuga ugu qotahay ee ah maadada diinta.
    meelkale waxba kama keeni karo.
    Laakiin wuxuu uudhihi enligt kristendom = sida ay qabaan Masiiyiinta. taas oo meesha ka saareysa in uu asaga badmi sheego .

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  8. midnimo says:

    dhamaan

    markii aad mowduuc ka qoreysa wax macalinka kuu diray badanaa waxaa laga qoraa (BUUG) wiilka ardagaa waxaa loodiray inuu wax ka nabi ciise cs uu mowduucaas u qoro sida buuga ugu qotahay ee ah maadada diinta.
    meelkale waxba kama keeni karo.
    Laakiin wuxuu uudhihi enligt kristendom = sida ay qabaan Masiixiyiinta. taas oo meesha ka saareysa in uu asaga badmi sheego

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  9. ahmed says:

    asc waxan donayaa in aan arakti ka dhiibto atinta dhacday horta fikrada uu bixiyey wadani waa mid uusan lafa gurin khibrad na ka maqan tahay umma baahna islaamku fudieyd iyo caadifad wuxuu u baahan yahay asluub adigoo marna ka tanaasuleyn quraanka iyo axaadiista saxiixa ah talaaba kasta oo qofku ugu hiilanayo diintiisa waa in ay noqotaa mid uu ku guuleysto si nabad ah lana yimaadaa dood cad oo macquul ah oo wax la taaban karayo leh oo soo jiidasho leh raadna ku yeelan karta dadka gaalada ah una badan tahay qaar badan in ay xaqa ku soo raaci lahaayeen,diinteena ma ogola adigoo bulsho kaa duwan raba inaad ku dhex noolaato una soo haajirtid adigoo waliba ka haajiri kara inaad cadow ka sameysato adigoo heli karaya inaad si dood ah aad uga guuleysto adigoo la nool xitaa adigoo waxba u sheegin hadday arkaan daacadaada iyo akhlaaqdaada suuban iyo cibaadadaada suuban waxa suura gal ah in qaarkood xaqa ku soo raacaan iyagoo la tacjabaya dhaqankaga iyo akhlaqdaada fadlan waa in la bislaadaa.

    U codee: Thumb up 2 Thumb down 0

  10. bishaaro says:

    Waxaan ka dhiibanaya fikgradayda horta ma ahyn kulan lagu doodayay waxay arin iskulka dhax talay wiilkuna wuu ku saxsana mana ka badali karin wax oo waa cashar meesha ku qorana .. ha yeshe haddi cafis la waydisatay in u iska cafiyo ayay ahayd .. tan kale Jimcaale wiilka wu saxan yahay qoraalada iskulka wax lagama badalo waxan ahayn Inte G ayun ba lagu sinaya .. dood haday ahaan lahayd waa fiicnaan lahayd ..

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  11. wadani says:

    asc dhaman inta doda ka dhibatay mida labad ninkan ahmad la baxay waa i edeay waxna waa iga shegtay lkn waxna ma shegin oo ku so siyadisay lkn hadalkaga waxa ka darema in ad ledahay waa qalad camal war nin yahow wilkan sas u sameyy cadow kuma samesan wakan wax caduw la yirahdana ma lahan waxa xur u tahay wax walbo adan dad ku dulminen marka ninkan dinta intow ala ka garansiyy ayu yire mowqifkisa ayuna qatay o ah in unan cashirkan kaso shaqenenin wayo waxas aya ku jira ana maka shaqeynaya wayo sas ma ahan waa u xur wana sameyy dadna cadow ugama sameyan adiga hadalkaga sida ka daremaya wadanka lajoga wax weyn kula ah dadkan wan u so hajirnay ilah xigmadia ayena ku ahatay micneheda mahan in ad ka amuta wax ad u jeda hadana adigi qaba lagu dhahaya marka xigmada ashegeso ala baxsha qofku donuna siya marka is tar tibi alaha na nawada cafiya wall keyga

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  12. abdi mohamed says:

    Fikirkayga o koban

    Ardayga waa saxanyahay waxaan ku dhaaran karaa ardaygaas in uu munaafaq ahayn,waana nin rag ah oo mowqifkiisa cadyahay.Tankale wax macafin karo waayo Muslimiinta iyo Diinta ayaa loo gafay.Dadkiina hada isduqaynaya oo komentigooda toos u dhiiban la cid idinku dayanaysa lama arkaayo hana sugina cidii idinku khaldanto jac iska dhaha kana socda-

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  13. NASRA says:

    asc dhamaan soomaliyeey jimcaale waa runtaa inlagala doodo laguna dhadhajiyo waa mid wanaagsan laakiin illaahaygii abuuray dad aan aqoon ee alle ku sheegayo inuu wax dhalay waba qaafiliin mayd socdaa qalib xaqa qaata allene asaa gaaladan ku risaqa arlada wali cimri dheer iyo raaxo ku siiyeye wana mid uu kula xisaabtamayo allaa wax kama qaldamaan waana ka cadamo u saaxiibkaa allaahu akbar qof xaqaba illaahay garadsiin miyaa bashashar garadsiin karaa maalin aan fogayn ayeey ka shalaydoonaa waxana aysan ka qaban karin awoodana ay gacanta ku hayaan allaah iyo malagyo aan u naxayn abaalkoodana siin doono INSHA ALLAAH WABILLAAHI TOWFIIQ

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  14. geele says:

    qofka wata adoontii rabigeed meesha halaga saaro fekradasiisa waayo waa shaydaan wayn waana gaalnimo cad waxa uu ku hadlay ilaahay ayaa xumaan oo dhan kanasahan oo ka foge gaalka warkiisa halaga saaro meesha fadlan waa basaas shaydaan oo muslinka soomaaliyeed ku soo dhex dhuumanaya e

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 0

  15. sucaad says:

    maansha waa wax lagu farxo waxan filayaa waa ardaygii ugu horeeyaya ee diida aritan dhaman iskuulada sweden waa lagu dhigaa diimaha lkn ilaa iyo hada wax diiday majiraan ilahay hanagu adkeeyo diinta islaamka
    LKN JIMCAALE ARDAYGU ARMAANU GARANYN WAX DIINA OO UU KAGA DOODO ILAA IYO INAY XARAAN TAHAY MOOYANE

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  16. ahmed najid says:

    adoontii rabigeeed :

    hadaad wiil ama gabar tahayba masiibo hakugu dhacdo allena ummada walalaha ah oo yuhuudi isku dayayso inay wax ka qabtaan adigu waxba kama tari kartid islaamnimo aya laguugu dhalay waxaadna isku badashay gaalnimo yaa rabbi alloow hanuuni dulligaaas,

    jimcaale sxb waad mahadsantahay hidden ka aad galiso dadka noocaas oo kale ah ka du ama yaysan isku ekaan dadka wanaagsan iyo dadka xun commentskooda thnx all of somali isjecel alloow jaceelkeena inoo badi aamiin aamiin

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  17. aweis isse says:

    fikarada wey saxantay diintu waa nasteexo waxan wajib nagana saaran diinta waxey qabto inaan u god umadoo idil masha allah…….

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  18. c/laahi m xasan says:

    asc waan salaamayaa bahda wargeyska waana ku mahadsan yahay ardeygu ilaahay ayaana ku mahad leh lakiin aad iyo aad ayay uga fiicnayd in uu furo dood ardeygu oo ka hadlo waxa diinta islaamku arintaa ka leeyahay waxaana laga yaabaa in ardeybadani ku hanuunu lahaayeen dadbadni

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  19. yaasir says:

    asc jimcaale adiga wax walba fasir qalad ah ayad ka bixisaa ee sxb korso soo qaado oo ah wariyanimada ….. adiga sida arinka u dhacay lee qor dheh fikradada ka dhiibo

    U codee: Thumb up 1 Thumb down 1

  20. abo muhibullah says:

    Asalaamu caleykom dhamaan walaalah muslimiinta ah kadib waxaan jecleestay in aan hadal ka dhiibto ama ka qoro arintaan maqaalka ku timid. hadaan ku horeeyo willka arintaan qabsatay waxaan dhihi lahaa wuu ku sax sanaa hase yeeshe waxaa habooneed in uu iska cafiyo macalika madaama uu ka shaleeyay uuna gartay gafkiisa islaamkana waa ogalayahay cafiska noocan ah kudayashana waxaa nooga mudan nabigeena waakii cafiyay cadawgiisa marki ay muslimiinta qabsadeen makka taasi waa mid. hadii aan ku soo laabto maqaalka siiba rayga uu ku darsaday qoraha uuna ku yiri ardayga wuxuu iska lumiyay jaaniis uu ku difaaci lahaa nabi Ciise waxay ila tahay wiilka wax fursad ah meesha kumu hayn waayo waxaa loo dhiibay wax qoran oo lagu dhahay ku soo badal luqad kale hadii saa usameeni lahaa waxay noqon laheed in uu inu uu turjimo waxa ku qoran. Hase yeeshe hadii la dhihi lahaa arinkaan ku soo samee baritaan waxay noqon laheed in uu ku darsado waxa uu ka aamin sanyahay nabi Ciise. taasi waa arigtideeda

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  21. CABDIFITAX says:

    ASSALAMU ALIKUM FIRAADA AYAA RACASAYNAHAY JIMCALE
    WAXAY AAHEEYDAA INAY U SHARAXAN WAXA AY DINTA ISLAMKAA KAA QABTOA ARINTAA LAKIIN QOF MAA JIRTO OO AFLAGANDEEN KARTO DINTEENA SHARFATA LEH LAA SOOCO TAA.

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0

  22. Caaqil says:

    Sc Sxb Jimcaale yeysan kaa hoos bixin ee cashar laguu direy ayaa lagaa rabaa inaad turjumtid ee lagaama raba sidaad adiga aamin san tahay, sidaa darteed wuu ila saxsan yahay ardayga inuu gebi ahaanba uu iska diido.

    Tusaale: Macalimiinta qaarkood waxayba kuleeyihiin ereygan waxaa kafiican kan oo meesha kuhaboon. Marka ma isweydiisay siduu ardaygu ubedeli karaa mowduuc dhan.

    Wabilaahi towfiiq!

    U codee: Thumb up 0 Thumb down 0